Gudoomiye ku xigeenka JWXO Dr. Mohamed
Ismaciil Umar & safarkisii Canada.
Halkan ka dhagayso Radio
Qorahay Barnaamijii ugu dambeeyay
Feb 23, (2013 (QOL)
Gudoomiye ku xigeenka JWXO Dr. Mohamed Ismaciil Umar ayaa
safar bishii hore ku tagay wadamada Maraykanka & Canada
safarkaas oo ahaa mid uu kula kulmayay bulshada Ogaadeenya
ee wadamadaas ku dhaqan waxaa markii ugu horeysay si diidan
loogu soo dhaweeyay dalka Maraykanka isaga oo shirar waaweyn
ku qabtay gobalada uu dalku ka kooban yahay guud ahaan gaar
ahaan goobaha ay Jaaliyaadka Ogaadeenya sida weyn u dagan
yihiin wuxuuna ahaa safar ay mulshadu aad ugu bogtay si
weyna loo soo wada dhaweeyay dida Ururrada Dhalinta, Hooyooyinka,
Aqoonyanka & dhamaan qaybaha ay Jaaliyadu ka kooban
tahay sidoo kale wuxuu la kulmay qaarkamid ah Jaaliyaadka
sida weyn u taageerta geedi socdka Halganka Ogaadeenya.
Wuxuu mudo yar kadib Gudoomiya kuxigeenka
JWXO u duulan dalka Canada oo ay ku dhaqan tahay Jaaliyad
aad u balaadhan taas oo si diidan ugu soo dhaweysay magaalooyinka
Edminton & Toronto oo labada ku qabtay shirar aad u
balaadhan isaga oo dhanka kalena qabtay shir yar-yar oo
uu si gooni ah kula kulmayay Jaaliyaadka Ogaadeenya &
xubnaha sida weyn uga dhex muuqda Jaaliyaadka.
Gudoomiya kuxigeenka ayaa warbixino aad u
loogu baahnaa siiyay Jaaliyaadka halka su'aalo badana lagu
waydiinayay guud ahaan xaaladda Geeska Afrika gaar ahaan
geedi socodka Halganka Ogaadeenya lagu xoreynayo oo ay maanta
usha u hayso Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya taas
oo bulshadu aad ugu bogtay in ay la kulmaan Dr. Mohamed
Ismaciil oo kamid ahaa xubnihii aas-aasay ONLF sanadkii
1984 hadana uu yahay gudoomiye ku xigeenka ONLF waxaana
Dr. Mohamed Ismaciil lagu yaqaanaa nolashiisa in uu yahay
shaqsi u hibeeyay in uu umadiisa ka saaro gumaysiga soo
daashada ee mudada dheer soo dulsaraa.
Jaaliyadda Ogaadeenya ee Canada ayaa mudadii
uu joogay Dr. Mohamed Ismaciil waxay u ahayd xili aad ugu
yar ayaga oo si weyn ugu bogay sida uu wakhtigiisa qaaliga
ugu soo huray & wadda dheer ee uu u soomaray isaga oo
ka soo kicitimay dalka Australia oo ah meelha aduunka ugu
fog. Dr. Mohamed Ismaciil ayay Jaaliyaadku ugu barteen daacadnino
& dadaal uu 100% galiyay halganka lagu xureynayo Ogaadeenya
waxaana maanta muuqda midhihii & jirkii dhaxli lahaa
halgankaas oo uu Dr. Mohamed Ismaciil & saaxiibadii
soo gaadhsiyeen waxaana maanta halganka u kacay jiil aan
wax kale garanaynin xoreynta Ogaadeenya moyaane.
Akhristoow waxaad halkan ka daawataa Khudbadihii
qiirada lahaa ee uu Dr. Mohamed Ismaciil Umar ka jeediyada
Dalka Canada kuwaas oo meelo badan taabanaha waxaana u kala
qaybinay laba qaybood oo ah kuwa is hoos yaale ee daawo.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com
Contact:qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2013, All rights reserved. Qorahay Online