|
Holoq Dameer baa leh
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan
Markii Taleex la dhisay oo ay Daraawiishtii xarun u noqotay,
magacoodii iyo maalkoodii kor u kacay oo ay taawiyeen in Ilaah
mooyee aan aadane waxba ka tarayn, murtidii iyo gabayadiina
si aan qitaas lahayn u soo bexeen ayaa Daraawiish ammaan iyo
af-lagaadaba gabayo badan loo so mariyey.
Cali Jaamac Haabiil oo ay
Sayidka xafiiltan lahaayeen raggii Daraawiish ka so horjeedayna
ka mid ahaa ayaa Daraawiish gabay oo ceebayn ah Sayidka u
soo diray.
Inkastoo Sayidku gabaygan
dadoo dhan wada mariyay haddana ujeedada ugu weyini waxay
ahayd Cali Jaamac in loogu haldaro.
U FIIRSO: Gabaygan
wuxuu ina tusayaa murti, aftahan iyo hadal aqoontii Eebbe
weyne hoodo uga dhigay Sayid Maxamed Cabdile Xasan. Wuxuuna
yiri sayidku.
Hanfi iyo hunguri soo dhiciyo,
hinif dabayl baa leh
Hanqadh iyo hillaac bililigliyo, halalac roob baa leh
Cir habqamay xareed laga harqaday, Haradigeed baa leh
Xiin hawle iyo heega curan, hogol daruuraa leh
Hir doogliyo caleen hamasha iyo, habatac Ciid baa leh
Maal hooray ciir laga hanfaqay, seben hagaagaa leh
Caanaa had iyo jeera iyo heeshi, ramag baa leh
Qumba lala hagoogtiyo hilbiyo, hawl yar adhi baa leh
Hayinnimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh
Habaqliyo harraad iyo kulayl, hilin abaaraa leh
Hadii hadowga geedood engego, horasho ceel baa leh
Hagahagi hunguri duulayiyo, hogo kaliil baa leh
Hadhac iyo qabow lala herjado, hadh iyo raaxaa leh
Hawo iyo hilow gacalo iyo, hurud nabdoon baa leh
Hanfariir in loo kala ordiyo, hunuf dareen baa leh
Lugi waa higiishee himmiyo, halabsi neef baa leh
Haad iyo haldhaa roori iyo, huguf gammaan baa leh
Gorgor samada heehaabi iyo, huguguf Dhooddaa leh
Hanaf booddo iyo xoog sengiyo, hadafa buubaa leh
Himbiriirsi meel foga magaan, higigifleeya leh
Hadii nadigu haaraha ku dhigo, haawis xamar baa leh
Aar soo hingoodiyo bad iyo, hugun rasaas baa leh
Habaas kacay halaakiga dhacsiga, halowna geesaa leh
Haliilyaale aan dhiirran iyo, haadiis fuley baa leh
Hankakoobsi iyo booto iyo, hoobsi guluf baa leh
Hamham iyo humsiga reenka iyo, higilla guutaa leh
Hannas weerar iyo qaylo iyo, hirif colaad baa leh
Heeraa in laysula bixiyo, heeggan dirir baa leh
Hirey iyo wirey maalintey, humuro joogtaa leh
Haadaa qabiilnimo nimaan, lagu holeyn baa leh
Hawa beena Soomalidaa, hadafka raacdaa leh
Hadal ruma Daraawiishta iyo, weli hanuunaa leh
Ragga diinta hooyga u noqdiyo, hanad Shirshooraa leh
Hulqihii dad bari soo baxshiyo, hoogay dumar baa leh
Wixii habar Majeerteen iyo, halamash naagaa leh
Xaar laysku heylaamiyiyo, halalac Mooraa leh
Hammuunaan damayn iyo hunguri, lala hadaqaayo
Handadka iyo heemada markuu, hadawga leefayo
Warsengaligu haybtuu yihiyo, horor dugaag baa leh
Hoobaaq laguu qodahayiyo, hagar shisheeyaa leh
Hundhur iyo caloolxumo ninkii, cadawgi heeraa leh
Hankuugyo uurgulguluc ninkii, hiijo qabay baa leh
Inaad luqunta hoogaamisiyo, hogosho ciil baa leh
Meeshiyo habeen aakhiraad, hibasho maag ba leh
Haakaalle Eebbow ninkii, libin hoyaadshaa leh
Hoh iyo caku iyo hiif ninkii, hawkar galay baa leh
Halaaka iyo laandeyr ninkii, marin habaabaa leh
Hinji iyo habaar waaq ninkii, huray ustaadkaa leh
Heeggaa in loo maro arlada, habi la'aan baa leh
Hor Ilaah in loo jeedsadiyo, haajir culimaa leh
Haawiyada naareed ninkii, Ferenji haystaa leh
Iidoorka hoosada Berbera, ka hawisaa hey! leh
Harag uraya Muusa-Carrihii hoodhi jirey baa leh
Hadduu niriggu heeryada ka rido, hoogey Arab baa leh
Xaal hadura Habaryonis iyo Herer nin joogaa leh
Ciisaha baqtiga hiigayiyo, haqay midgaan baa leh
Huurale Cali Jamaac iyo, huluq dameer baa leh
Xididnimo habboonkeed ninkii, lagu hirtaabaa leh
Hargaamooyin iyo ceeb ninkii, gun u hoydaa leh
Hidda xumo gobey heerle iyo, horinta Cawl baa leh
Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
Hodya deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
Hannaan qurux san haashaar gobeed, hodon Dariiqaa leh
Horweynkiyo haleelada nirgaha, loo hitiqinaayo
Haamaha karuurkee la shuban, holaca jiilaalka
Heel xoola laga buuxiyiyo, hibana Eebbaa leh
Hal madow higgaad iyo Quraan, Ha iyo Wow reebban
Harannimiyo hooyaale gabay, heello iyo maanso
Nin kaleba naftiisa ha hafree, hoodo anigow leh
Diiwaanka Gabayadii Sayid Mohamed
M Ibrahim
Qorahay Online
Afeef: Suugaanta
& Gabayadan ay Qorahay Online idiin so ban dhigayso waxaanu uga jednaa Taariikh oo kali ah
Fadlan hadaad xiisaynayso in aad
suugaanta ka qayb qaadatid waxaan kaa codsanaynaa in aad
noso gudbisid wixii suugaan aad haysid. Waxaadna nagala
so xidhidhi kartaa ciwaankan suugaan@qorahay.com
|