Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa
qaar ka mid ah maalmahaas.
01 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe
Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe
iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali
Aadan iyo Diiriye Dhaqane.
06 Febraayo, 1994 Waxay sidoo
kale waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya magaalada Wardheer ku
dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi
Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey
wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku
khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa
shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho odayaasha iyo cuqaasha
dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda ah
in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.
07 Febraayo, 1994 Waxay Odoyaasha
iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya
Goday in Afti laga qaado dadkooda.
12 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada
Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen
guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo
Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul
ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii
iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay
noqotay wax ku cusub taariikhda, kana soo horjeedda xeerarka
caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.
12 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada
Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse
Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii
Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.
15 Febraayo, 1994, Waxaa la qabtay
kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogaadeenya. Baarlamaanku waxay
ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogaadeenya, waxayna
aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida
Ogaadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda
ka damacsan yihiin. Go’aanka baarlamaanku wuxuu lahaa
muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa
kii ugu horreeyey taariikhda Ogaadeenya ee shacbigu si dimoqraadi
ah u soo doorteen, kalsoonina ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale,
go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka
ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto
aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii
Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday
inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta”
ee dalka Ogaadeenya.
Isla Badhtamihii Febraayo, 1994,
ururkii ONLF, Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda
ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka, kuna baaqay in
si nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka ahaa
ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogaadeenya iyo
Itoobiya.
Febraayo 22, 1994, Waxaa magaalada
Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii
baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday
in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo kale, waxaa xilligaas
ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Marxuum Sheikh
Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.
Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay
joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha
JWXO geeri ama nololba. Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub
culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii.
waxayna shacbigii ree Wardheer waxay maalintaas si geesinimo
iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey
ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta
ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii.
Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus, waxay xasuuq
u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday
shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday
85 ruux oo u badan dad rayid ah.
Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed
iyo Murugo labadaba. Waxay huwan yihiin murugo, marka laga eego
xasuuqii loo gaystay dadwaynaha ree Wardheer iyo madaxdii lagu
laayey Qabridaharre iyo waliba burburkii dhismayaashii magaalada.
Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan,
marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, u qab
jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya, u difaaceen madaxdii
iyo magacii umadda. Waxay noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana
gashay sidii dadwaynaha ree Wardheer oo aan haysan hun u dhigma
kuwii ay wateen Ciidamada Itoobiya ay u difaaceen magaalada
iyo madaxdii shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan
ay ku dhinteen halkaas, ayna mudan yihiin in loo murugoodo,
haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan, geesinimada iyo sharaftii
lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.
Bisha Febraayo taariikhaas ayay kulmisaa, waxayna
shacbiga Ogaadeenya ku xusaan bishaan hab Murugo iyo Farxad
labadaba leh, waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka
loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka
xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogaadeenya.