Soomaalidu waxey tidhaahdaa, "Ciyaari waa
galin-dambe," odhaahdanoo marag u ah sida ay caaddifaddu
xeerka ciidamada maqsin ugu laheyn iyo in hubsashadu habboon
tahay had iyo goorba.
Wani Igga oo ah Afhayeenka Golaha Baarlamaanka koonfurta Suudaan,
kana mid ah abbaanduulayaasha lagu tixgeliya goobaha dagaalka,
wuxuu yidhi, "In the army, no matter how good the beginning,
the end is what counts." Wuxuu markale leeyahay, "Secrecy
is the mother of success."
Halheysyadiisan aan soo xigannay, waxaan uga golleennahay inaan
laba arrimood diiradda ku saarna: gaaridda guusha iyo qiimaha
qeybidda sirta oo labaduba muhiimad gaara u leh guul-ka-gaadhidda
goobaha dirirta iyo libin-ku-geeraarka.
Dhanka sirta iyo ilaalinteeda haddaan tooshka ku ifinna, waxaa
caaggan in wax ciidanka calaaqa la leh fagaarayaasha lagaga
sheekeeya, tusaale ahaan, saaxiibkaa oo kaala tirsan gaas, guuto,
unug ama horin, hadduu ku weydiiya, "Imisaa koofiyadood
baa maanta laydiin qeybiyey?" Adna aad intaasaa nala siiyey
ugu warcelisa, waxaa halkaa xog muhiim ah ka helay cadawgaaga
lagaba yaaba inuu saaxiibkaagan kula hadlaya noqda waaberiga
maalinta xigta; sida ay maahmaahdan Ingiriiska ah leedahay,
"Your best friend is sometimes your worst enemy."
waayo, wuxuu ogaaday caddadka ciidanka.
Waxyaabaha guusha dhalin kara waxaa ka mid ah qodabadan hoose
oo ka mid ahaa maqaal aan dhawaan qoray (NIN LAGA ILHELAY LAGA
ADKAA) laguna daabacay bogga www.qorahay.com:
Waxaan buugaagtaasi ka bartay in marka weerar
kugu soo maqan yahay lagu garta madaafiicda xooggan oo barta
ciidankaagu jooga lagu burseeya loogana golleeyahay in dabxidh
loogu sameeya dagaalyahamiinta soo weerarka ah ee loogu talagalay
iney jiidda hore ciidanka dhufeyska kaga jira cagta-mariyaan
iyagoo cududdooda ciidan kaashanaya sidaasna ku jabiyaan.
Waxaan kaloon buugaagta ka dhaxlay in xogta sugan
eed cadowgaaga ka haaysa ay xabadda ka muhiimsantahay, waayo,
haddii aad ciidan weerar ku qaadda adigoon heynin tirada iyo
tayada ciidanka aad weerareysa iyo saanaddiisa militari, waxaa
loo badiyaa in laguu awoodsheegta. Waxaa xitaa muhiim ah inaad
hesha taariikh-dagaaleedka taliyaha ama abbaanduulaha ciidanka
aad is-farasaari doontaan si aad ugu xisaabtanta fool-adeyga,
feejignaanta iyo ama fuleynimada hoggaamiyaha aad hardanka isku
haaysaan.
Waxaa kaloo lagamamaarmaan ah geesinnimada rooraha
loo carbiyey inuu xabbaddoo dhuf leh dhinac ilaa dhinac ciidanka
u dhaafa-dhuutaaleeya abbaanduulahana u soo tabiya hadba halka
uu wax maraya iyo hubinta dhabarjabin dharbaaxa lagu wiiqma
keeni karta sidaasna lagu jabi kara.
Waxaa kaloo daruuri ah inuu hoggaamiyahu aqoon
fiican u leeyahay ciidankiisa, ogyahayna nin walba iintiisa
iyo adeyggiisa - his point of weakness and activeness. Tusaale
ahaan rag baa ka faranaxa diyaaradaha-dagaalka duqeyntooda,
midna Kaaraha, midna tirada ciidanka ladagaalaya, midna dhawaaqa
laarmiga dhiillada colaadda."
Waxaan kaloo buugaagtaasi ka maan-daartay in kalsoonida
iyo kasbashada siyaasadda deegaanka ay hanashada helidda guusha
halbowle u tahay.
Daacadnimada dagaalyahamiinta u darban dirirta danta dagaalkuna
waa daruuri, haddii taasi la waayana, waxaa si fudud loo farasaara
karaa dulucda hadalki St Augustine ee uu yidhi, "Without
justice, states are robber bands enlarged."
Xaalku siduu doonaba ha ahaadee, gulufyada Islaamka ku wada
gabbanaya, Alshabaab iyo Xusbul Islaam, oo kan hore lagu sheega
garabka Alqaacida uga howlgala Soomaaliya ciidan ahaan, ayaan
ilaa iyo hadda la ogaan karin midka libinta ku labisan doona,
waxaasa meesha ka baxay sheegashadii ay ku sheeganayeen iney
yihiin "Waardiyayaasha Islaamka ee Geeska Afrika",
arrintanoon si hor-dhac ah ugu dhalliilnay maalintey Kismaayo
qabsadeen.
Maahmaah guun ah ayna leeyihiin qabiilka Baari ee Baantuuda
Koonfurta Suudaan, ayaa oraneysa, "Even if you crown a
cat king, rats would still be suspicious." Haddaba, diin
kastoo la sheegtaba waxaa waagu ka baryey beenti wadaad-u-ekayaashu
isuguna biyashubatay "shilin-doon iyo deegaan-riix daadaheynaya
damac-qabiil oo dakad-doon ah dulbalaadhsina ku dhisan."
Kismaayo oo ah goobta lagu jila filimaanta dagaalka Soomaaliya
daashaday, hadba kooxdi maroorsatana ay boob, bililiqo iyo banneysiga
dhigga shacabka ku cimmaamadata, ayey dadki dhulka lahaa beylaheen.
Kaagaba sii darane, waxey noqdeen kuwa tayogaliya dulucda maahmaahda
Soomaaliyeed oo tiraahda, "Lafo geri iyagaa laysku garaacaa."
Isku celcelis haddaan saadaalinnay tirada jannada ka gali doonta
dadka deegaanka, waxaa noo soo baxday boqolkiba shan, waayo
waxey aqbaleen dulmiga oo uu Ilaah diiday, waxeyna ku ogalaadeen
iney ka dhiidhiyi waayeen dhulkooda la boobaya iyo dhiigga dadkooda
ee doolku xalaaleystay.
Gunaanadki qormada, waxaad ogaataa inuu dagaalka Kismaayo yahay
Dakad-doon ee uusan aheyn Diin Ilaalis, saas darteed dadka dhulkan
u dhashay ama haka dhoofaan ama dhidibka ha aastaan, marxabeynta
midka horana waa gumoobid iyo gobannimo aasid aragtideyda ii
gaarka ah.