Dambiyada
Maamulada SSDF ay ka galeen Dhamaan umada Soomaaliyeed.
Oct 28, 2009
Sooyaalka taariikheed ee maamulada Gobolka Woqooyi
Beri Somalia ee SSDF waxaa ka buuxa dunuub culus oo ay ka galeen
qadiyada xaqa ah iyo shacabiga somalida Ogadeniya, sodonkii
sano ee tagtay waxay soomaali ka dharagsantahay dhaqannadii
iyo tallaabooyinkii foosha xumaa ee ay ku caanbaxeen, waxaa
la ogyahay in badhtamihii 1978 ay ahayd bilowgii taariikhda
ee siyaasiyada SSDF la safteen cadawga ummadda Soomaliyeed meel
ay joogtaba ee Abasiiniya. Kolkaas oo ahayd markii ugu horeysay
taariikhda dhow oo sarkaal Xooga dalka Soomaaliyeed oo lagu
dhaariyay kitaabka qur'aanka ah(suuradda bara'bisin la ') uu
u galo cadawgii lagu dhaariyay inuu dalka iyo dadkiisaba ka
difaaco, kaas oo ahaa G/sare C/hi Yusuf Axmed Guddoomiyhii SSDF
tallaabadaasi wqaxay noqotay sunne xun oo soomaali loo bilaabay,
ilaa ay noqotay tusbax furtay oo sarkaalkii cadhoodaba inuu
Ardisababa ka soo jeedsado isugu faanto noqotay.
Falkaas madaw wuxuu dhabarjabin toos ah ku ahaa
hagankii ogadeniya ee ay ku jirtay jabhaddii WSLF somaliweyn
oo dhanna garabtaagnayd, dhanka kalana waxay horseeday tallaabadaasi
burburkii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo taniyo maanta saldhigi
la', mudada burburku socday waxay madaxda SSDF saaxiib dhow
la ahayd taliska gumaysiga TPLF heer dhammaan qabqableyaashii
Somaliya rogay si xin ah ugu tukadaan qibladooda Addis Ababa
ee aan lahay waxaan ka ahayn dhilo iyo khamro jaban iyo cadaawad
Soomaali loo hayo, una baratamaan raali galinta iyo u adeegida
taliska cadawga Soomaaliyeed ee Tigreega ah.
Dhaqankaas guracan iyo siyaasadaas qaloocan waxay
dhalisay in Caasimaddii Soomaaliya Muqdisho iyo gabi ahaan dalkii
JS la galiyay gacanta gumaysiga Itoobiya ee ku caanbaxay dhulballaadhsiga
iyo damaca waalan, dhacdadan taariikhda gashay waxay si toos
ah lid ugu tahay jiritaanka guud ahaan ummadda Somaliyed, xagal
daacinna ku ah horumarka qadiyada Somaliyeed ee Ogadeniya ee
xaqa iyo cadaaladda ku dhisan.
Tobankii sano ee u danbeysay mamulada SSDF ee
gobalka W/bari waxaay qaaden talaaboyin dheerad ah oo ay ku
raaligalinyeen sayidkooda Meles Zinawi madax gumesiga Abasiiniya,kuna
dhabar jabinayaan walaalahooda Somalida Ogadenya iyagoo Apriil
2008 kala baxay laba masuul oo ah golaha dhexe ee ONLF huteel
ku yaala badhtamaha magalada Garowe labadan masuul oo inan-layaalo
ku ahaa deegaanka gobalka W/bari tan oo ceeb dheeri ah ku ah
dhaqanka Somalida waxayna C/nuur M. Sooyan iyo Dhiire C Cilmi
dhax kuududaan jeel jigjiga ku yaala iygoo lagu xukumaay 10
sano oo ciqaab ah jidhil ba,aan ka dib.
Intii kadabeesay falkaas waxay mamulayaasha Bari fuliyeen hawlgalo
isdabajoog ah oo ay ugu gudbiyeen shacab kor udhaafaya 20 Ruux
oo ka sojeeda somalida Ogadenya gacanta cadoga ay ka so carareen,
dadkan maatada ah oo maciin iyo ehelnimo soo biday deegankooda
dhacdooyinkan silsilada ah ee bahalnimada iyo xishood la,aanta
huwan waxaa ka mid ahaa xasuuq dad shacab ah oo dhana 183 qof
oo 45 dumar yahiin oo xabsiga loo taxaabay bishii ina dhaaftay,
gawraca wiil dhalinyaro ah loogu gaystay magalada Galkacayo.
Haddaan xusayno faldanbiyeedyada mamulayasha SSDF
ee yaabka leh waxaan la iloobikarin dilkii waxashinimada lahaa
ee loogastay N/hure Xilibaan Sandoon Julay 1996 magalada Galkacayo
isaga oo dhawac ahaan loo keenay inlagu daweeyo. Falba falka
darane waxaa yaab laheed markii horaantii 2008 guri aroos lagu
hayay oo ay odayaal,dhalinyaro,haween iyo caruur ku kulansanayeen
meesha ay ubixiyeen tuur Absame lagu tuuray banbaano gacmeed
oo 11 ruux ku dhawacantay, daqiqado ka dib la toogtay macalin
wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Boosaaso, iyodoo asbuuc ka hor
lagu weeraray qoys isqaba gurigoodii dhaawac ka dibna xabsiga
ladhigay oo uu ku geeriyooday aabihii qoyska shahiid C'/hi Cumar
oo 9 sano daganaa Boosaaso.
Gaboodfalada madaxda Gobalka Bari ee SSDF ay kula kacaan shacabka
dulman ee Somalida Ogadenya ee ka dhanka ah xaquuqda aadamaha,sharciga
islaamka iyo dhaqanka Somalinimada iyo wadadhalashada ma aha
mid qormo iyo labo lagu koobi karo laakiin waa dhito urursan
oo ku keydsan kutub maguuraan ah, waana wax uyaala inlagula
xisaabtamo goortii ku haboon, uhiilinta cadowga Soomaliyeed,
garab wagliilka xaq udirika somalida Ogadenya, Burburinta qarannimoda
iyo madaxbanaanida Jamhuriyada Somaliyeed waa tilmamaha ay ku
caanbaxeen horjoogayaasha SSDF iyo mamulkooda caatada ah ee
Gobalka Bari ee shacabka wakhatiga ka lumiyay kuna hankaajiyey
gobanimadii iyo madaxbanaanidii shacabku u soo halgamay, taas
oo 60 sano ka dib Jamhuryadii Somaliya dib u galiyay gacanta
gumeysiga taagtadaran ee laangaabka Tigray.
Shacabkan ay maamulaan madax kusheegan fadhiidka
ah waxaa maanta la gudboon in ay soo dhacsadaan gobanimadoodii
la lumiyay, Hoggaan sharaf leh oo u qalmana ay dhistaan haddii
kale sharaf dhac iyo burbur aan la mahadin ayay ku abaadi, Shacabka
Ogadenya waxuu leeyahay tawrad gobnimodoon ah oo aan dabadhilif
loodin karin.
Nabsi guratay gooraad heshaba waana ii Godobe'
Gadaafaba haddaad odhan lahayd laguma Gaadhsiinin
Ninka gabiga igu soo dunshayow sow ku Garanmaayo