Markay dunidu maqasho magaca Ethiopia waxaa lasoo xasuustaa
ama ay lamacno (synonym) tahay , gaajo, abaaro, saboolnimo,
cuduro & meel hadd & jeer eey dagaalo ka ooganyihiin.
Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonaa isbadelka kataagan Ethiopia
ama ha,ahaato dhinaca dhaqanka, dhaqaalaha & loolanka siyaasadeed
ee kadhex aloosan kooxda EPRDF kadib geeridii Kaligii Taliye
Meles Zenawi.
Xukuumadaha kaligood taliyeyaasha ah shaqsigu doorka uu kaciyaro
oo kaliya lama eego ee waxaa adkaanaysa in la kala saaro ururkii
ama nidaamkii dawliga ahaa iyo shaqsigii kaligii taliyaha ahaa
ileen isaga ayaa wax walba go’aamiyee.
Marka uu shaqsiigaasu geeriyoodo ama uu booska ka baxana waxaan
isla markiiba arkaynaa ururkii ama nidaamkii oo meesha ka siibaxaya,
taas ayaa maanta Ethiopia ka taagan. Iyadoo aynu wada oganahay
sida shuucubta Ethiopia loogu khasbay ineey u oyaan kii xasuuqay
ee dadkooda laa’yay ee cuno qabtaynta saaray ayaa ilaa
maanta oo 3 bilood laga joogo wali sawiradiisii eey meel walba
ka muuqdaan ama ha noqoto goobaha la isugu yimaado ama dharka
uu shaqsigu xidho.
Taariikhda Ethiopia marka dib loo eego horay ooma dhicin in
si nabadgalyo ah oo aan dhiig ku daadanin xukun loola kala wareego.
Tana maadaama isbadel wayn uusan dhicin oo uu wali sii talinayo
xisbigii talada gacanta ku hayay oo ah TPLF lama filayo in eey
isbadel siyaasadeed la yimaadan lagamana filayo ineey wax kabadelaan
21 sano nidaamkeey wadanka kusoo xukumayeen oo ah qaybi oo xukun
(Divide and Rule) & cadaadis awood sheegasho (oppression).
Waxaa aad u adag in ummada cadaadis ( oppression) & aragagixin
(terrorize) lagu xukumo iyadoo loo adeegsanayo (illegitimitet
institutions) haddii dad saas lagu xukumi lahaa waxay u suurto
galilahayd Kaligood taliyeyaashii aduunka soomaray oon dhamaanteen
wada garanayno ha oogu danbeeyo Xusni Mubaark gii Masal.
Hailemariam Desalegn (H.M) oo madaxtinimadiisa inbadan muran
kataagnaa ayaa waxaa soo dhexgalay wadamada reer galbeedka oo
kulataliyay ururka TPLF haddaan xilka lagu wareejinin H.M ineey
Ethiopia burbur qarka u saarantahay sidaas darteed in uu xilka
Ra’iisul Wasaaranimada Ethiopia lawareego ayaa oogu danbayntii
la isku raacay kadibna baarlamaanka Ethiopia ayaa lagu hor dhaariyay.
Wadamada reer galbeedka hadda sidii hore kuma ah arrimaha Ethiopia
ee waxay ka baqanayaa ineey sidii Soomaliya oo kale eey kadhacdo
Ethiopia isla markaana eey dhibaatadu guryahooda oogu timaado.
Markii la dhaariyay kadib khudbadii uu jeediyay H.M waxaa laga
afgartay oo kaliya in uu mari doono wadadii uu hayay Kaligii
Taliye Meles Zenawi isagoo ku tilmaamay in uu ahaa hogaamiye
wayn wuxuuna arrintaas ku celceliyay dhawr jeer sidaas darteed
wax is badel ah oo laga filayo majirto.
Iska daa in uu isbadel siyaasi ah oo wadanka xasilooni &
daganaasho u keena la yimaado ee wuxuu wali ku guulaysan waayay
in uu dhiso golihii wasiirada (Cabinet Minsters) iyadoo laga
joogo mudo ka badan laba bilood intii la siiyay inuu kusoo dhiso
dawladiisa.
Arrintan
golaha wasiirada Ethiopia een wali ladhisan waxay muujinaysaa
kala qaybsanaanta ama (power struggler) ka dhextaagan EPRDF-ta
gaar ahaan ururka ugu awooda badan ee TPLF.
Kala qaybsanaantan ururka talada Ethiopia gacanta kuhaya ee
EPRDF ayaa meel aad u saraysa gaadhay, tusaale ahaan hadaan
usoo qaadano ururka OPDO oo ah ururka Oromada ee katirsan isbahaysiga
EPRDF ayaan habayaraatee wax mansib sare ah la siinin markii
la magacabayay Ra’iisul Wasaare H.M oo ka tirsan ururka
Southern Ethiopian People's Democratic Movement (SEPDM) &
Damake Mokonin Hassan oo ka soo jeeda ururka Axmaarda ee Amhara
National Democratic Movement (ANDM), halkaas oo uu Ururka OPDO
oo isku tirinayay inuu kasoo jeedo qowmiyada oogu badan qowmiyadaha
Ethiopia ay arrintaas aad ooga cadhoodeen ooynan xataa 180 xubnood
ooy Baarlamaanka Ethiopia eey ku leeyihiin ayaan in kabadan
50% kasoo qaybgalin xafladii lagu dhaarinayay H.M.
Golaha wasiirada ee Ethiopia waxay ka koobnaan jireen sida
hoos ku qoran inkasa ooy magac uyaal aan awood lahayn ahaayeen
, waxayna warbixinta report-ga siiyaan xubno katirsan gudiga
fulinta ee ururka TPLF.
Markii la ogaaday in aynan kasoo qaybgalin xafladii dhaarta
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagusoo eedeeyay ineey u
shaqaynayaan ururka hubaysan ee la dagaalama Ethiopia ee la
yidhaahdo OLF. Arintaas oo keentay in shir dag dag ah la isugu
yeedho ururka OPDO oo xubno ka socda ururka TPLF inteey soo
dhex fadhiistaan eey Qiimayn (Gimgamaa) ku sameeyaan xubnihii
oogu sareeyay qaar xabsiga loo taxaabay qaarna jagooyinkii eey
hayeen laga qaaday sida Wasiirkii Adeega Bulshada Junden Sado
isla markaana xaaskiisii xabsiga loo taxaabay, meesha qaar kalena
digniin lasiiyay.
Waxaa kale
oo intaas dheer in mudo 3 bilood kabadan lagu guul daraysatay
in la dooroto madaxwaynaha golbolka Oromada oo uu buuq badani
ka taagantahay.
Dhinaca kale waxaa buuq badani ka taaganyahay gacan ku haynta
H.M ama cidii uu amarka kaqaadan lahaa oo ileen waynu wada ognahay
waxaa meesha ka taliya waa qowmiyada Tigreega ama ururka TPLF
oo tiro ahaan lagu qiiyaaso ineey gaadhayaan 5% dadka Ethiopia
oo dhan ilaa 90 Million. Waxaa intaas dheer wax awood ah oo
gacanta H.M oogu jiraa majirto.
Wuxuu ururka TPLF u kalajabay markii hore dhawr koxood oo siyaasiyiin
ah haddana inteey kala qaybsanaantii eey dhaaftay siyaasiyiintii
ayay waxay gaadhay ilaa heer eey kala qaybsamaan saraakiisha
sare ee ciidama Ethiopia, waxaanan tusaale inoogu filana in
dhawaan la eryay taliyihii ciimada cirka ee Ethiopia Gereral
Mola oo taliye ka ahaan jiray ciimada magaalda Qabridahar jooga.
Inkastoo eey aad u kala qaybsanyihiin haddana awoodii dalka
oo dhan iyagaa gacanta kuhaya sida ciidamada qalabka sida, Federal
Policeka, nabadsugida (security apparats) & dhamaan ilaha
dhaqaalaha ( Economy & Financial sectors ) ee wadanka.
Waxaa badatay goosashada laga goosanayo dawlada Ethiopia waxaa
dhawaan ka goostay madax sare oo ka tirsanaan jirtay ururka
TPLF. Waxaa kamid ahaa Atakliti Hagos oo ka tirsanaa madaxda
sare ee TPLF oo iska dhiibay wadanka Canada & Getachew Belay
oo ahaa ku xigeenka ururka horumarinta gobolka Tigreega ooy
madax katahay haweenaydii Meles Zenawi, ururkaas ooy hoos yimaadaan
in ka badan 300 oo shirkadood ayaa isna wuxuu magan galiyo siyaasadeed
ka dalbaday wadanka Marykanka , intaas waxaa dheer inuu dhawaan
iska casilay dhamaan xilakii uu u hayay ururka TPLF Ambassador
Tawolde Agaame oo ahaa xubin golaha dhexe ah isla markaana nin
aad looga danbeeyo ahaa.
Waxaa kale oo isna goostay gudoomiyhii ururka dhalinyarad ee
TPLF. Waxaa kale oo badatahay goosashada askarta Booliska federalka
ah iyo ciimadaba militariga.
Si loo xaliyo xurgufta u dhxaysa mdaxda ururka TPLF oo ay bishan
November 16-18 ayaa shir wayne aan la shaacinin ay ku qabdaseen
magaalo madxada gobolka Tigrega ee Maqale, hakaas aan wali la
sheegin waxa ka soo baxay & in ay heshiiyeen & in kale.
Waxaa kale oo jira ineey dagaalo aad u tiro badani gobolka
Tigreega uu kawado ururka la yidhaahdo Ururka Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga
ee Shacabka Tigreega (Tigre Peoples Democratic Movnment). Ururkan
wuxuu maalin dhawayd weeraray xabsi wayn oo kuyaala magaalda
Adhigrat halkaas ooy ka siidayeen dad maxaabiis ah oo aad u
tiro badan isla markaana eey ku dileen in ka badan 40 askari.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha ururkan Mola Asagidom ineey dagaalo
waawayn dawlada eey kulagaleen magaalooyinka Humara & Matama.
Kacdoonka Islaamka: Cadaadinta iyo xasuuqa laguhayo ummada
muslimiinta ee xooga lagu haysto ayaa wuxuu muslimiinta Ethiopia
kusoo rogay khilaaf uu kadhex abuuray maamulka majlis Al-aclaha
iyo masaajida isagoo talada ka xayuubiyay dadkii maamulayay
masaajida kuna wareejiyay Diin Cusub oo lasameeyay laguna magacaabo
Al-Axbaash.
Muslimiinta Itoobiya oo arrintaas ka dhiidhiyay waxay bilaabeen
mudahaaradyo waaweyn oo kadhacay Addis Ababa ooy ku diidanaayeen
taliska TPLF. Mudaaharaadyadaas waxay keeneen in shacab badan
oo muslimiin ah la laayo kuwo badana loo taxaabo xabsiyada.
Waxaa sitoos ah loo weeraray culimadii diinta laga baran jiray
iyo maamulladii masaajida oo idil. Walina waxaa sii kordhaya
maalinba maalinta ka danbaysa kacdoonta islaamka Ethiopia.
Qaybaha Ciidamada Ethiopia: Ciidamada Ethiopia waxay udhisanyihiin
5 qaybood , qaybta Waqooyi, qaybta Koonfureed, qaybta Bari iyo
Galbeedka iyo taliska dhexe oo fadhigiisu yahay magaalo madaxa
Ethiopia ee Addiss Ababa. Haddaba taliyaha ciidamada bariga
(Ogadeniya) oo magaciisa la yidhaahdo General Abraha (quarter)
ayaa ka tirasan raga ciimada oogu awooda badan , oo isagu qaybtiisi
xidhay oo ah ninka masuulka ka ah xasuuqa ummada reer Ogadeniya
, kaasoo ku taajiray dhiiga ummada Somalida Ogadeniya.
Waxaan lawada soconaa ineey dawlada Ethiopia xilkii uu uhayay
gumaysiga eey ka qaaday Cabdi iley, sidaas waxaa qoray joornaalka
la yidhaahdo The Reporter oo afka dawlada kuhadla, intuusan
u dhoofin wadanka Emirate-ka halkaasoo eey rabtay Ethiopia oo
aad oogu fadeexadowday xasuuqa ka socda Oagdeniya ineey Ina
Iley ku qaanbaxdo si eey eeda isaga dusha ooga saaraan.
Arrintaas waxaa sicad uhor istaagay Gerneral Abraha oo u arkay
ineey danahiisii shaqsiyadeed lataabtay, waxaan wada oganahay
oo kale in dhamaan qanddaraasyada (quantracts) Kililka oo dhan
la siiyo Gerealka xaaskiisa iyo walaalkii.
Sii uu haddaba arrintan uu General Abraha uhor istaagay taageero
oogu helo ina Ileyna ooga dhigo mid shacabka la xasuuqayo ineey
taageersanyihiin ayaa shirkii waynaa ee dhaqan bi’iska
ahaa loo soo abaabulay shirkaas ooy danihii eey ka lahayeen
aysan u hirgalin ooy fashilmeen isla markaasna eey dadwaynuhu
u arkeen riwaayad uu Ina Iley iyo General Abraha eey jilayeen.
Haddaba ururka TPLF ee talada dalka Ethiopia haya ayaa sidaan
kor kusoo sheegnay aad u kala qaybsan oo qof waliba ku dadaalayaa
sidii uu xukunkiisa u sii adkaysan lahaa isla markaana hanti
badan uheli lahaa.
Xaalada uu maanta ururka TPLF marayo inteey ummadihii kale
oo dhan soo dhameeyeen ineey iyagu hadda khatar isku hayaan
oo uu wadanka gacanta ka boxo. Dhinaca kale waxaa jirta maahmaah
Danish ah oo tidhaahda *marka eey Bisadu maqantahay jiirku miiska
dushiisa ayuu ku ciyaaraa* taas oo micneheedu ka dhiganyahay
markii uu KT M.Z ka baxay meesha ayuu hadda qof waliba awoodiisii
la soobaxay oo aagiisii xidhay. Waxaa jiri jirtay qarnigii 17
aad in nidaamka lagu maamuli jiray wadanka Ethiopia oo la odhan
jiray Zemane Masafint oo ay ka dhigan boqortooyin aan isku xidhnayn
oo mid waliba uu iskii gobol u maamulo, kadib qarnigii 19aa
Minilikii 2aad ayaa xoog isugu keenay.
Dhaqaalaha: Qiimaha maciishad oo gaadhay heer aynan dadka caadiga
ah goyn karin ( very high inflation) haddii la heloba iyo lacagta
adag oo wadanka (hard currency) ku yaraatay ayaa waxaa usoo
gurmaday wadamada reer galbadeeka USA, UK, Germany , IMF &
World Bank, haddana waxba way katari wayday dhibaatadii jirtay
lacagyowigii eey dunidu oogu deeqday, sababtuna waxaa weeye
lacagowga lookeeno waxay gashaa jeebka shaqsiyaad (Individuals
Pocket) katirsan ururka TPLF ama (corruption) oo aad u gaadhay
meel sare.
Guud ahaan bal aan isha kuhayno loolanka siyasadeed ee ka dhex
taagan ururka TPLF oo talada wadanka gacanta kuhaya taas oo
saamayn wayn ku yeelan karta guud ahaan in isbadel wayn oo lataaban
karo uu dhaco wadanka Ethiopia oo qarka usaaran inuu kala bur
buro dagaal sokeeyana uu ka qarxo sidii Soomaaliya oo kale.