Baroordiiq Rooda (Afjano) Musuraar dilaac Rooda (Afjano) Dufaan Rooda (Afjano) Dhamc Rooda (Afjano)
25/4/2012
Marka koowaad waxaa mudan in laweyneeyo allah cir iyo dhul iska leh ee isagu maamula. Qudradiisu bilow malahayn dhamaadna maleh. Majiro war uu mooganyahay habayaraatee. Waxaan lawada soconaa inuu abuuray Nabi Aadam Aabo iyo Hooyo la,aan. Xaawa hooyadeen wuxuu abuuray hooyo la,aan. Nabi Ciise -CS- wuxuu abuuray aabe la,aan. Markuu doonayo inuu muujiyo qudradiisa bal u fiirsada qisooyinkan, Nabi Ibraahim dab ololaya ayaa lagu tuuray, balse ilaahay dabkii oo damin ayuu awoodii kaqaaday adoonkiisiina waa badbaaday. Nabi Muuse waxaa loo diray adoon kibray oo laa odhan jiray Fircoon, laguna amray inuu hortago, balse ninkii awooda sheeganayey waa halaagsamay kii miskiinka ahaana waa baaqi noqday. Xaaladan oo kale waa - XASBUNALLAAHU WANICMAL WAKIIL- Kalmadan Nabi Ibraahim baa yidhi markii dabka lagu tuuray, Nabi Muxammad -SCW- iyo asaxaabtiisii baa yidhaaheen markii afarta koone looga imaaday, sidaa daradeed waa kalmad mudan in umada lagu baraarujiyo. Horayna looma arag cid kalmadaas qabsatay oo aan guulaysan. Maskax iyo muruq wixii la awoodana dabcan waa la adeegsanayaa. Hadaan nuxurka maqaalka usoo dago, hadii alle doono inay umadi horay u marto madaxdooda ayuu islaaxiyaa, haduu doono inuu umad halaagana madaxdooda ayuu fasahaadiyaa. Maashaa allah soomaalida Ogaadeenya waxaa u kacay duqayti aan habayaraatee lafahooda daryeelaynin, balse ugantaday inay umadda meel gaadhsiiyaan waa calaamaadka ii muuqda. Halagan gaamuray iyo wiilal raamo leh waa sida ciwaanka ku qoran. Raamuhu waa ceeb markii magaalada lajoogo, laakiin waa amaan markii halgan lagu jiro. Waxay ka shabahaan Libaaxda markaad ufiirsato xaga raamaha iyo xaga go,aan qaadashada aan leex leexad lahayn. Xikmad soomaaliyeed baa tidhaaha, wixii rag u kaco rabina aqbalo waa rumoobaa. Maana ilaawin gabdhaha halganka guud ahaan waxayna mudanyihiin amaan horayna maqaal khaas ah ayaan uga qoray. Geeska Afrika majito umad qalbigooda, muruqooda iyo maalkoodu midaysan yahay oon ahayn reer ogaadeenya. Inay riyaaqaan allana ku mahadiyaan waa lagama maarmaan. Afrikada kale ee isaga keen dhigaysa inay wax na dhaamaan waa wax laysku wada qasbay sidii IDAHA markay dumarka reer baadiyuhu maalayaan kurka layskaga wada dabi jiray oo nolosha ayay isku wada dhaxlayaan. Gabagabadii waxaa cadaalad iyo barwaaqo geeska afrika u horseedi doona ONLF insha allaah. GUUL IYO GOBANIMO Maqaalku wuxuu khaas u yahay qoraaga ku saxiixan Xaaji Maxamed Aw Macalim geele55@hotmail.com
"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"