Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

NIN LAGA ILHELAY LAGA ADKAA

Inkastoonan anigu tababar ciidan marin ilaa iyo maantana aanan aqoon sida qori xabbad looga rida, haddana waxaan akhriyey buugaag badan oo ka hadleysa dhigidda shaxda dagaalka iyo dumidda gulufka ciidan, weerar iyo difaacba.

Waxaan buugaagtaasi ka bartay in marka weerar kugu soo maqan yahay lagu garta madaafiicda xooggan oo barta ciidankaagu jooga lagu burseeya loogana golleeyahay in dabxidh loogu sameeya dagaalyahamiinta soo weerarka ah ee loogu talagalay iney jiidda hore ciidanka dhufeyska kaga jira cagta-mariyaan iyagoo cududdooda ciidan kaashanaya.

Waxaan kaloon buugaagta ka dhaxlay in xogta sugan eed cadowgaaga ka haaysa ay xabadda ka muhiimsantahay, waayo, haddii aad ciidan weerar ku qaadda adigoon heynin tirada iyo tayada ciidanka aad weerareysa iyo saanaddiisa militari, waxaa loo badiyaa in laguu awoodsheegta. Waxaa xitaa muhiim ah inaad hesha taariikh-dagaaleedka taliyaha ama abbaanduulaha ciidanka aad is-farasaari doontaan si aad ugu xisaabtanta fool-adeyga, feejignaanta iyo ama fuleynimada hoggaamiyaha aad hardanka isku haaysaan.

Waxaa kaloo lagamamaarmaan ah geesinnimada rooraha loo carbiyey inuu xabbaddoo dhuf leh dhinac ilaa dhinac ciidanka u dhaafa-dhuutaaleeya abbaanduulahana u soo tabiya hadba halka uu wax maraya iyo hubinta dhabarjabin dharbaaxa lagu wiiqma keeni karta sidaana lagu jabi kara.

Waxaa kaloo daruuri ah inuu hoggaamiyahu aqoon fiican u leeyahay ciidankiisa, ogyahayna nin walba iintiisa iyo adeyggiisa - his point of weakness and activeness. Tusaale ahaan rag baa ka faranaxa diyaaradaha-dagaalka duqeyntooda, midna Kaaraha, midna tirada ciidanka ladagaalaya, midna dhawaaqa laarmiga dhiillada colaadda.

Inkastoo waxa dagaalyahanka ugu adag lagu sheega inuu yahay dib-u-gurashada uu cadawgiisa ku ijbaara, haddana mooraalku wuxuu helidda guusha ka ciyaaraa kaalin miiggan.

Walow, ujeeddadeyda aysan aheyn inaan faaqida ama falanqeeya howl aanan cilmiba u laheyn, haddana, waxaan si tijaabo ah u ogaaday in haddii laagaa ilhela lagaa kadkaan kara waxaanan tusaale u soo qaadanayaa dhacda aniga iyo ciidan baleys ah nagu dhaxmarta nawaaxiga Dhadhaab:

Sanadkii 1994-kii, ayaan anigoo dhigta dugsiga-dhexe ee Dadaab Boarding Primary School, fasax u aaday magaalada Libooyo; soo laabadkeygina waxaan soo raacay baabuur nooca Lorry-ga loo yaqaan ah kaasoo siday rikaab iyo bagaash ayna la socdaan 3 askari AP - Administration Police ah kuwaasoo ilaalo u ahaa dadka iyo hantida gaariga saaraan dhuljiifka iyo shuftada oo badnaa awgeed. Labo waa Madow - from down Kenya, midna waa Soomaali. Labada madowga ah waxey siteen G3 qoriga loo yaqaan halkan kan Soomaaliga ahna uu watay badhiduleel - dabajeex. Haddaan Dhadhaab ku soo dhawnahay, ayaa waxaa qori nagu qabtay nin budhcad ah aniga ayaana ugu hor-arkay, waxaana askarigi Soomaaliga ahaa oo qayilayey igulana fadhiyey kabbiinka gaariga ku idhi, "Miyaadan arkeynin liishka nasaaran?" Askarigi intuu naxay ayuu gudaha baabuurka ku dhacay qorigiisina halki kaga tagay. Qorigi oo sii dhacaya ayaan dhaxda ka qabtay kuna qabtay ninki budhcadka ahaa ee shiishka nagu hayey. Budhcadki oo u qaatay inaan ahay askari kana naxay silsiladdi qoriga ee hareeraha baabuurka ka qalalac tidhi iyo Dabajeexa ku foorara ayaa dhirta jeexay cagahana wax ka dayey. Wixiba afkaa badinayee askarigi oo soo cabsigooyey ayaa igu yidhi, "I sii qorigeyga." Anna waxaan ku adkeystay inaanan siineynin anigoo ku eedeeyey inuu qoriga dayacay saas darteedna uusan xaq u laheyn aanan qoriga ku wareejin doona taliyaha ciidanka Dhadhaab kuna dacweyn doona.

Haddaam muran isladhaafnay, labadi askari ee kale ayaa isku dayey iney qoriga iga qaadaan anna asagi iyo ayagiba shiish baan ku wada qabtay waxaanan ku amray iney labadoodaba qoryaha sagxadda gaadhiga dhigaan waayo, gudaha hoose ayey fadhiyeen anna kabbiinka oo ka korreeya ayaan saarnaa. Waxaanan ku hanjabayey inaan wada gubi doona haddey amarkeyga qaadan waayaan saasna waxaan kaga ilhelay ilaaladii baabuurka. Wadihi baabuurka iyo rakaabkana waxaan ugu hanjabay inaan wada basin doona baabuurka haddey buuqa joojin waayaan. 5 daqiiqa markuu baabuurka ii afduubnaa aanan ku celcelinayey inuu ninka qoriga leh budhcad iiga cararay taasoo la micna ah inuu I dilay anna aan dawladda qoriga ku wareejin doona, ayaan is-idhi, "Ragga aad qoriga ku haysa waa askar tababar weyna ku dili karaan aadna waad u yartahay oo wey kaa xoog badan yihiin ee qoriga iska sii ninki lahaa." Waxaanan siiyey qorigiisi askartina dharbaaxey ila soo laaceen waxaase ku qeyliyey dadki baabuurka saarnaa oo ku andacooday inuu askarigu khaladka leeyahay ayna wada dacweyn doonaan haddii ay isku dayaan iney I jidhdilaan anigoo ku labisnaa dharkeygi school-ka ayaan anna ku adkeystay inaan dacweyn doona dareyskana laga wada dhigi doona, maxaayeelay daliilna waan u haystay taliyaha ciidanka wiilkiisana isku fasal baan aheyn saasaana ku kala badbaadnay.

Warka gunaanadkiisa, waxaa hubaal ah in Raaskaanbooniyiinta laga ilhelay aanse laga awoodbadnaan sidaa darteedna ay guuldarradu ku raacday haddana ay tahay muhiim iney xisaabaabkooda dib ugu noqdaan. Marka waxaad ogaataa in ilheliddu ay awoodda ka xoogbadan tahay tusaalaha sare ayaan kaa qancin kara tuhunka.

Stanza.

"Qorahay Online waa wehelkaaga Rasmiga ah"

 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online