Tafsiirka
Opinion/Fikradaha
Studio Qorahay
Dagaalkii Ogaadeenya
OHRC
VOA 16 pm GMT
VOA 17 pm GMT
BBC SOMALI
11:00 - 11:15
14:00 - 14:30
16:00 - 16:15
18:00 - 18:30
World News
Reuters Dailly
IRIN Dailly
Somali. Dailly
Daily Nation of Kenya
East African Standard
Audio
Somali Sites
Allpuntland.com
Puntland News Media
Aminarts.com
Banadir Software
BBC Soomaaliya
Dayniile
Dar-alnur.com
Jigjiganet
King-has.com
Hiiraan Online
HornAfrik Online
Kenyan Somali
Malayko Online
Markacadey.net
Ogaden Human Rights
Ogaden Online
Ogaden Student
Ogaden War 1977-1978
puntlandnewsmedia.com
Qaadisiya
Qaranimo.com
Radio Xoriyo
Shabeelle
SomaliTech.com
Somali Irrigation
Somalitalk.com
Somali Weyn
Somaliwide.net
Safaritravels
Somaliantv
SomaliUK.com  
The Ogaden Road  
Wabishabeele
Wardher Online
Waqooyibari.com
Waayaha

Xabsi dadka si ganacsi ahaan ah loo keenay ilayn maaro looma helo.

Sep 22, 2009 (QOL) Waxaan ahay muwaadin Ogaadeniya u dhashay mudo dheerna ka maqnaa wadankiisa waxaan go,aansaday inaan mar uun cagaha galiyo ciida hooyo anigoo xiiso badan u hayay dadkayga iyo dalkayba hase ahaatee waxaan si fiican u dareensanaa heerka gumaysi ee ay umadaydu ku jirto iyo wacyiga yaala oo aan odhan karo si aan qarsoonayn ayaan u ogaa iyadoon sidaas uga war qabay ayaan ka soo dhaqaaqay wadankaan ku noolaa markaan ciidaydii hooyo cagaha galiyay waxaan kala kulmay dhibaato xaddhaaf ah iyadoo la ii gacan galiyay dawlada nacabka ah axmaqa ah ee Ethiopia

Sida dad badani ogyahay waxay Ethiopia adeegsataa dad ka mid ah jinsiyada aan ka soo jeedo ee ah Soomaalida kuwaas oo laga war qabo dad badan inay ganacsi ugu iibgeeyaan Ethiopia waa kuwa la baxay Somaliland waxay gacanta iigu galiyeen ciidamada Ethiopia iyagoo ay ka duulayaan laba arimood oo kala ah mid ku salaysan qabiil nacayb ayna aad u necebyihiin qabiilka aan ka soo jeedo iyo mida labaad oo ah inay iska gadaan Ethiopia si ay ugu jeclaato.

Waxyna i qabteen aniga markay ogaadeen inaan ogaadeen ahay oo baabuurkii aan la socday iga dajiyeen iguna wareejiyen ciidamada Ethiopia meesha la yiraahdo harta sheekha ayay iigu geeyen taliyihii tigreyga aha ee joogay

Waxu ahaa shaalaqe ka soo jeeda tigrey ninkaasi la ii geeyay waxaa la joogay nin abtigay ah oo hooyaday isku jifo yihiin oo la yiraahdo cabdi dhuub ninkaasi cabdi dhuub la yiraahdo ayaa su,aalo badan igu waydiiyay waxaan ahay waxaan u imid wadanka cidaan kula soo kulmay wadamada dariska la,ah Ethiopia iyo ogadeniyaba waxaan u sharaxay inaan ahay ganacsade ka maqnaa wadanka in badan wax siyaasad ahna aanan ku jirin ururna aanan ka mid ahayn hase yeeshee waxaa meesha lagugu ciqaabayaa waa inaad qasab ku qirato waxaadan ahayn markasta oo ay I su,aalaan inaan sharxo waxaan ahay waxaan u imid iyo cidaan la soo kulmay waxaan u sheegayay waxaan ahaa oo aanan haba yaraaatee ka qarinin nasiib daro se kama shaqeeyaan waxaad tahay iyo runtu laakiin waxaa ka shaqeeya waxay Ethiopia rabto inaad qirato si kastaba ha ahaate

Kama fursanaysid in lagu jidhdilo lagugu qasbo waxaadan ahayn waxaana laysku dayayaa in waliba afkaada laga yeedhsiiyo markaan u dhaafi waayay runta ayay iigu hanjabeen inaan runta banaanka soo dhigi doono waa sida ay hadalka u dhigeene waliba waxaa hadalkaasi dhahay cabdi dhuub oo ahaa ninka ugu talo galay inuu daacad isaga dhigo ninka tigreyga ah ee nala fadhiya waxaa la ii sheegay ninkii godobtaas galay ee waliba abtiga ii ahaa in laga eryay waxuu ahaaba markaasi ayuu dhahay ciidanka xooga dalku waa ninkan iyaga ayaa qasab kaagaga soo saaraya waxaadan noo sheegin wali kalmad run ah kaama hayno ayuu dhahay waxaan ugu jiray xarshin laba habeen ka dib subax ayaa layga soo qaaday waxaa iyana baabuurkii laygala dagay lagala dagay gabadh uun aan u gartay ogaadeen inay ahayd oo iyadna aan u gartay in hayb ahaan ay ugu soo dhiibeen reer Hargaysa xabashidan iyagoo ka dhaadhicinaya inay dadkani ONLF yihiin, Gabadhaas ayaa iyadna ay wataan markii danbena aniga iyo gabdhaas ayayba qoorta isu gaaya galiyeen oo ay leeyihiin waad wada socoteen waa waxyaabaha yaabka ah ee aan kula soo kulmay

Waxay qaateen waxaan watay oo dhan waxuu dooniba ha noqdee tigidhkii baasaaboorkii lacagtii kaarar Account Bank iyo alaabo badan oo kaleba waxaa la ii dhaadhiciyay jig jiga amin saacadu tahay duhur ku dhawaad ka dib waxaa laygu riday jeel dabadeedna 11.30 habeenimo ayaa laygala baxay jeelkii waxaa la ii qaaday xerada meel ka baxsan geedo qudhac badan leh qodaxdu ay aad uga buuxdo godad badan leh waxaa layga saaray dharkii dhamaantii xataa layguma reebin nigis markaan dhashay noocaan ahaa ayaa layga dhigay xadhig ayuu la soo baxay mid ka mid ahi waxaa layga xidhay afka oo layga galiyay qoriga ulxarbidiisa iyo silig yar oo dhuuban dabadeedna go,ayaa hadana afka laygaga xidhay si aanan dhawaaqayga loo maqal

Anigoo kubadaysan ayaa laygu bilaabay shaabuug laga sameeyay taayirka baabuurta oo halmar markuu kugu dhaco jiidhkaagu kala firxanayo waxaan ku qiyaasi karaa doontu marka ay biyaha badda jiidhayso biyaha qaabka ay u kala boodaan inuu jiidhkaygu u kala boodayay waxaan ka codsaday in aan laysilcinin ee xabad laygu dhufto waxuu igu dhahay xabadu waa laba dollar waxaan kala soo kulmay noloshaydii dad bani,aadam ah ayaa noocaas oo kale u dhaqma maanan islahayn duniday ka jiraan hadana qof waxba lagu haysanin ayaa sidaas loo bahalnimo cunayaa kumaanan fikirin

Laguuma ogola inaad si xor ah u hadasho laguuma ogola waxay doonayaan waxan ahayn inaad ku hadasho calaa iyo xaal jidhkaygu waa hayl haylan yahay laba farood oo isku xiga waa I naafaysan yihiin waxyar markaan socdo waa shaqo gabayaan farta ku xigta suulkana waa iyana I dhaawacan tahay meelo badan ayaan rabaa inaan sawirkooda iska soo qaado oo aan u soo gudbiyo saxaafada waqtiga ku haboon

Hadaba dantu waxay igu kaliftay inaan noqdo nafla caari waxa qofka bani,aadamka ahi ugu neceb yahay dhimashada dhimashada wax ka daran ayaa yaala jeelasha Ethiopia maamusho maxaa yeelay qofku waxuu door bidi in la dilo meel dhimashadu ay dhaanto weeye waxa aan arkay markaa sidaas darted ayaan u maagay inaan baxsado cabsi wax la yiraahdo meesha ma taalo maxaa yeelay waxaad ku doodaysaa war halaydilo yaan sidan la ii galin waana qorshe u yaala ddaqalatada Ethiopia oo ay kula dhaqanto shacabka aan soo arkay ee Ogaadeenya.

Markaa meesha silig ayaa lagugu xidhayaa dhiigaaga kala jar jaraya waxaa lagugu qabanayaa koronto sida bahalka ku goosanaysa miyirkay kaa qaadaysa calaacalaha ayaa lagaa tumayaa madaxa ayaa lagaa garaacayaa.

Waxaad tamaniyaysaa yaa nafta kaa qaada foolxumada dilka ah ee wadanka yaala waxaa laguu soo gelin kolba laba ama sadex miyir beelsan ama mayd ahaan laguugu soo celin jeelka hadana waxaa lala bixi qaybo la soo jidhdilayo markaa inaad noolaatoba waxaad ka doorbidi inaad dhimato waa meel xuquuqda muwaadiniintu ay noocaas ka tahay

Jeelka in dadka noocaas loogu galo waxaa ka danbeeya Tigreyga kuwa u shaqeeya oo shurkad ku ah waxaa uu nin iyaga ka mid ahi soo arkay dad fara badan oo aan danbi lahayn oo jeelkii laga soo buuxiyay dabadeedna waxuu dhahay war dee sidani maxay ahayd dadkan uun layska xidh xidhayo dadkan waan naqaanaaye sidan miyaan ka dayno waxaa loogu jawaabay Jeel madhan jeeb madhan ayaa laga qaadaa.

Bal u fiirso waxaan soo arkay dumar jeelka lagu soo wado oo ciyaalkoodii xataa lala soo xidhay markay gurigooda ka soo kaxaynayaan kuwa baasaasiinta u ah gaalada ama jaajuusiinta u ah ee ka danbeeya dilka dhaca xadhiga kufsiga dulaynta dadka ciyaalka oo ay boga ku wadaan iyagoo jeelka ku sii sida ayaad arkaysaa qalbiga ayaa ku badalmi dumarka meesha ku silicsan markaad u fiirsato.

Waxaan soo ogaaday marnaba Tigreygu inaysan ku aqoonaynin waxaad tahay ee ay yihiin dadka marka horeba umada waxyeelada u gaysta tigreygana u soo hormaraa ay yihiin dabadhilifyada liita xabashidu marka ay dadka waxyeesho waa marka ay u baxdo asase ama ay hawdka hawlgal ahaan ugu baxdo markaasi cida ay la kulanto waa nasiibkeed mid ay dabto mid ay dhagax ku disho mid ay soo kaxaysato dumar ay soo kufsato adhi ay soo qalato geel ay xabadaysay oo ay rasaas ku soo laysay intaas iyo waxyaabo la jiraba waad maqlaysaa oo ay soo sameeyeen.

Balse magaalooyinka umadaha lagu ciqaabo dhamaan waxaa ka danbeeya mujrimiin damiir, caqli, diin, akhlaaqad, dad jacayl iyo wadan jacayl midna aan lahayn yacni waxa bani,aadamka celiya oo dhan malaha damiir laawayaashani illaahay duleegu umada way duleeyeen bal u fiirso waxan yaa ka danbeeyay ayaad is odhanaysaa dee waa iyaga dilmada waa jidhdilkii igu dhacay aniga ahaan anigoo miyir la ayaa nabarkan igu dhacay markaan soo miyir saday ayaan ogaaday waana jilibka korkiisa.

dadka noocan jeelka loogu galayo waxaa ka danbeeya dad reero ku biisha oo maxaabiista eheladooda lacgo ka qaata Xadhig iyo jeel dadka si ganacsi ahaan ah loo keenaya ilayn maaro looma helo.

Dhibane: Xaashi Dhicis

Qorahay Online

 
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright © 1999 - 2009, All rights reserved. Qorahay Online