FAALO: ONLF & TPLF Koodee ku guulaysan doona loolanka Geeska
Afrika ?.
Sep 22, 2009 (QOL) Waaxaa hubanti
ah in Geeska Afrika ay ku loolamayaan xoogagga ONLF iyo ururka
haya talada wadnka Itoobiya ee TPLF.istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha
labadaasi urur ay kawada duulayaan ayaa waxaa la odhan karaa
midba kan kale waxa uu kuyahay liddi.
Tan iyo intii ay TPLF ay gacanka ku dhigtay talada
wadanka Itoobiya waxaa jiray muraayad gooni ah oo ay eegto jabhadda
ONLF ee matasha dhulka Ogaadeenya,si hadaba ay TPLF uga takhalusto
ONLF, sandihii sagaashanaadkii iyo horaantii labo-kunaadkii
waxa ay adeegsatay qab-qanlayaashi Soomaaliyeed oo xiliyaasi
mid waliba uu raalli galintii ugu waynayd usameeyay Itoobiya,
si midba midka kale uu ugaga dheereeyo TPLF.Dhulka Soomaalidii
xorta ahaan jirtay badankiisna waxa uu noqday meel aad loogu
ugaadhasado dadka kasoo jeedo dhulka Ogaadeenya oo iyadoo aan
shacab iyo jabhadtoona loo kala eegin loogu gacan galiyay cadawgoodii
iyagoo garbaduuban.
Hase ahaatee talaabooyinkaas oo dhami markii ay
wax guul ah ka keeni waayeen Tigreegu isla markaana uu halganku
maalin walba kor usii kacay ayaa Tigreegu waxa ay qaateen istaraatijiyadii
ugu dambaysay oo ahayd in gabi ahaanba ay gacanta ku dhigaan
magaalo madaxda Soomaaliyeed ee Muqdishi,iyagoo markaas filayay
in ay tahay meesha ONLF ay kasoo duusho,amaba in qabashadeedu
quusiso cid kasta oo ay kujirto ruux Soomaaliyeed oo xalaal
ahi.dhanka janbhadda ONLF taas lidigeed go’aaan ah ayay
qaadatay waxa ayna gashay dagaaladii ugu waawaynaa oo ladhihi
karo waxay dib usoo nooleyeen mooraalkii iyo yididiiladii Soomaaliyeed
ee dhulka tagtay markay Tigreegu qabsadeen Muqdisho
Dadaba hadaan usoo daadago nuxurka qormadan Itoobiya
waxaa ka go’an in ay mar uun ragto amaba ku guulaysato
Jamhuuriyaddii xorta ahayd ee Soomaaliyeed oo noqota:-
Markaas in Geeska Afrika ay ka dhashaan dawlado
walaalo ah oo ay Minority kuyihiin Tigreega iyo Axmaaradu, ayna
awoodda ugu saraysa leeyihiin dadka Kushitka ah (Oromo,Somali,Canfar
iyo Sidaamo),halkaasna ay kuhadho faragalinta joogtada ah ee
ay Itoobiya kuhayso jamhuuriyadda Soomaaliya,oo markaas wadanigii
Soomaaliyeed uu helo fursad uu dalkiisa ugu xasilin karo dawladna
ugu sameeyo.
Akhristoow waxaa laga yaabaa sidan faalada qormadu
sheegayso in ay kufarax galiso hadana aad naftaada kula showrto
in waxani yahay Cali-katiin (waxaan dhici Karin),waxaan hadaba
kuusheegi labada istaraatijiyadood ee ay Itoobiya iyo ONLf ay
kala wataan in ay ka ifafaalo dhow dahay ama ay muuqataba tan
ONLF,waayo waxaa marag madoonta in maanta xoogga ugu wayn ee
Itoobiya udbeheeda shidanaya uu yahay kan ONLF,dhamaan ururadii
mucaaradka ahaa ee Itoobiyana ay iyada kudaba fayshan yihiin,taasi
miyayna ahayn guul usoo hoayatay Umadda Soomaaliyeed?, miyayna
Itoobiyaanimadii maanta ahayn midda xataa reer Galbeedkii ay
badbaadin la’yihiin?.
Hadaan waxyar ka taabano saadaasha sii jiritaanka
Itoobiya,qabiilkan maanta lada wadanka haya waa qabiilkii Itoobiya
kala diri lahaa,waayo masii hayn karaan xukunka intan ka badan
oo waa dad laga tira badan yahay,isla markaana qoomiyadihii
Itoobiya oo dhanna ay mucaarad kuwada yihiin,marka xalka kaliya
ee ay haystaan waa qodobka iyaga kaliya ugu yaala tastuurka
ee 39-aad in ay meel mariyaan,taasoo waliba laga yaabo in ayna
ku nabad galin hadii ayna samaynin si sidaas ka balaadhan.
Iskusoo wada duuboo loolankaa dheer ee udhexeeya
labadan urur oo ay ku baraarugsan yihiin Itoobiyaanku ayayna
Soomaali badani aynaba dhooroofsanayn,waxaa aad loo saadaalinayaa
in qrniga 21-aad u noqon doono qarnigii jograafiga cusub ee
Geeska Afrika.