Abiy Ahmed oo Jigjiga ku soo wajahan & Cabdi Iley oo ka walaacay

Warar

Warar hadda nasoo gaadhay ayaa sheegaya in raysalwasaaraah cusub ee gumaysiga Ethiopia loo doortay Axmed Abiy uu socdaal ku bixin doono guud ahan dhulka gumaysiag Ethiopai hoos waxaana lasheegayaa inuu safarkiisa ugu horeeya ku tagi doono magaalada Jigjiga ee maamulka guamysigu Ogaadeenya u wakiishay xarunta u ah,  sida ilo xog ogaal ah laga helayo Abiy Axmed ayaa lagu waday inuu maanta oo Jimce ah Jigjiga ka soo dago balse uu baaqday lamana sheegin sababta uu u baaqday.

Dhinaac kale hor joogaha maamulka gumaysiguu Ogaadeenya u wakiishay Cabdi Iley oo doorashada Abiy aad sas uga qaadaya ayaa la sheeagyaa in uusan ku faraxsanayn socdaalka uu Abiy Jigjiga ku daah furayo islamarkaasna uu shaki weayn ka qabo ujeedada socdaalkiisa, qorshaha socdaalka Abiy ayaa  la sheegayaa inuu yahay mid ay kooxda Tigreegu hagayaan loona dajiyay uuna ku mari doono dhamaan dhulka xukuumada gumaysiga hoos taga.

Si kastaba ha ahaatee doorashada Abiy ayaan waxba ka badalin dareenka shucuubta kala duwan ee gumaysiga deedan waxaana wali saaran calaamad su’aal dadkuna waxay u arkaan in uu xambaarsanyahay qorshe cusub oo kooxda TPLF ay ku cimri dheeraysanayaan, qorshe kasta oo ay TPLF ku gabadaan xilligan waa mid aan faa’iido badan u keeni doonin waxaana meesha ka baxay wayaalo badan oo ay adagtahay in dib loosoo celiyo balse guud ahaan shucuubta gumaysiga ku hoos jirta waxay si weyn uga war sugayaan halka uu Abiy wax ka bilaabo.

Qorahay Media

11,545 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,439 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,926 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,546 total views, 0 views today

Share