Addis Ababa oo raashin laga la’yahay & dukaamada oo safaf dhaadheer loogu jiro

Warar

Wararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Ethiopia ayaa sheegaya cidhiidhi dhinaca walba ah oo magaaladaas laga dareemayo sida sawirkan hoose uu muujinayo shacabka ayaa la daalaa dhacaya nolosha oo sii adkaanaysa, waxaa safaf dhaadheer loogu  jiraa waa goobbaha ganacsiga gaar ahaan kuwa lagu iibiyo noocyada kala duwan ee raashinka.

FB_IMG_1514554387343

Xaalada dhabta ah ee Ethiopia waa sidan maceeshadii ayaana cidhiidhi mudooyinkii dambe ku jirtay, qofka aan Addis Ababa jogini ma rumaysan karo xaalada ka jirta.

Colaada  & khilaafka xisbiga EPRDF ka dhex aloosan ayaa xaalada gumaysiga sii murgisay, dhinaca kale kooxda TPLF ayaa isbadal ay dhexdooda ka sameeyeen dhaqaajin la.

Shirar ayaa maalin walba madaxtooyada gumaysiga ka socda waxaana laga soo saaraa awaamiir & go’aano is burinaya oo aan la fulinaynin, dhinaca kale shaqaalaha safarada gumaysiga ee dalka UK ayaa khilaaf xoogani soo kala dhex galay waxayna safaradu qarka u sarantahay in albabada loo lasbo

Isku soo wada duuboo xaalada Ethiopia ayaa u muuqata mid ka sii daraysa, xal wax tar ah oo gumaysiga burbur lagaga baajin karo ayaa la la’yahay.

Qorahay Media

1,981 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,500 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,987 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,607 total views, 0 views today

Share