Alshabaab Maanta Lagu Laayey Duqeyn Ka Dhacday Shabeellada Hoose

Warar

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta duqeyn diyaaradeed ka dhacday deegaan ku dhaw Degmada Ow-Dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

duqeyn-218x150

Sida aan wararka ku helnay diyaarado dagaal ayaa labo gantaal ku riday gaadhi marayay deegaan lagu magacaabo Shan Garre oo ku dhaw deegaanka Ow-dheegle, waxaana mid kamid ah gantaalada lala helay gaadhiga la beegsanayay.

Gaadhiga Gantaalka lala helay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ku dhawaad shan ruux oo la tuhmayo inay xubno ka yihiin dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in gaadhigaasi dadkii saarnaa intooda badan dhinteen.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabeeaha hoose iyo dowlada Soomaaliya oo ku aadan duqeyntan maanta ka dhacday deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxaana diyaaradahaasi duqeymo xoogan ka geesteen deegaano katirsan gobolada Shabeelaha hoose iyo Jubada Dhaxe.

Wadani Ali Qorahay Media

157 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,461 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,918 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,321 total views, 0 views today

Share