Alshabaab Oo Weeraray Degmada Ijara Dabna Qabadsiiyey Xarumihii Dowladda

Warar

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay dagaalyahano aad u hubeesan ay weerar ku galeen Degmada Ijaara, waxa ayna dagaalyahanadan la wareegeen saldhiga booliiska iyo xarumo kale.

al

Al Shabaab ayaa dab qabadsiisay saldhiga booliiska Ijaara iyo xarunta Shirkada Safaricom , waxa ay sidoo kale Al Shabaab horey u qaateen gaadiid iyo sidoo kale agabyo kale oo yaalay xarumo ganacsi.

Ciidamo katirsan Milatariga iyo booliiska dalka Kenya ayaa howlgalo kawada Degmada Ijaara, waxa ayna ciidamadan la sheegay in ay kudaba jiraan dagaalyahanadii Al Shabaab xalay la wareegay Degmada Ijaarada.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday gudaha dalka Kenya, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa xili ciidamada Kenya ay xoojiyeen amaanka xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka Dagaanka Ayaa Sheegaya Sidii Ay Wax U Dhaceen Waxaana Laga Dareemayaa Cabsi Xooggan Oo Dadka Shacabka Soo Wajahday

Wadani Ali Qorahay Media

193 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,483 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,940 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,343 total views, 0 views today

Share