Askari ciidankii Soomaaliyeed ee dagaalkii 1977 lagu waayay kamid ahaa oo nolol lagu helay

Warar

Waxaa 40 sano kadib la sheegay inuu noolyahay  Cabdiraxmaan Aw-Jibriil Bahdoon oo ka mid aha ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ee dagaalkii 1977 ka qayb galay waxaana la sheegayaa in uu mudadaas gudaha Ethiopia ku noolaa haatana uu ku soo wajahanyahay magaalada Gabiley oo uu ka soo jeedo, wali ma aanaan heli nooca uu mudadaas Ethiopia ugu noolaa waxaase siwayn isu badalay muuqaalkiisa oo kan inoo muuqda ah.

Ehelka Cabdiraxmaan ayaa la sheegaa inay soo dhawayntiisa ku hawaln yihiin aadna loogu farxay inkasta oo aan faahfaahin kale laga haynin meesha uu Cabdiraxmaan mudadaas 40 sano ah Ethiopia kaga noolaa & xaaladiisa caafimaad midan hadana sawirka laga helay waa mid muujina nin dad & dalba tabaya oo rafaad ka muuqdo rabbina khayr badan inuu siiyo ayaynu uga baryaynaa.

Ruuxii aan dhimanin mar uunbaa la arkaa runtiina waa arrin lagu farxo waana dhacdo ruxruxaysa rajo horlehna ku abuuraysa quluubta dad badan oo xubno ehelkooda ah ay gumaysiga Ethiopia ku maqanyihiin geeri & nolol midanana aan lagu sheegi karin, waxaa la aaminsanyahay inay jiraan maxaabiis faro badan oo Soomaalia h in ay gudaha Ethiopia ku maqanyihiin meelo aan la ogayna ay ku niraan kuwaas oo isugu jira maxaabiista 40 ka hor la waayay & kuwo shagaashanaadkii ilaa maanta la qabanayay.

Xuquuqda sawirka waxaa leh wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Qorahay Media

13,367 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,420 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

2,907 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,527 total views, 0 views today

Share