Warar

Qisadii xanuunka badnayd ee quruxeey lagu eed Q:2aad

Saaxiibadeey maalin walba waxay iiga sheekeeyaan rag ay balamiyeen ooy u gooyeen, iyo kuwo kale ooy warqad ugu jawaabeen oon qaarkood anigu gacantayda ku qoray ooy ku daadiyeen, iyo qaar ay la soo sheekaysteen hadaladii ay is dhaheen. Wiilasha la balamiyey ee darbiga cidlada ah la taagay ee loo gooyey …

165 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii Soomaali waan necbahay Q.4aad

Habeenkii markaan u hoyday jeelka qol aniga oo kaliya la igu xidhay, wax qolka dhex yaalay haba yaraatee ma jirin suunka iyo kabahana waa la iga bixiyey waxaan haystay oo lacag ah iyo daawadii iyo waliba boorsadaydiina waa la iga qaaday, sibidhka oo banaan ayaan ku jiifay, saqdii dhexe markay …

425 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii xanuunka badnayd ee Quruxeey lagu eed Q:2aad

Saaxiibadeey maalin walba waxay iiga sheekeeyaan rag ay balamiyeen ooy u gooyeen, iyo kuwo kale ooy warqad ugu jawaabeen oon qaarkood anigu gacantayda ku qoray ooy ku daadiyeen, iyo qaar ay la soo sheekaysteen hadaladii ay is dhaheen. Wiilasha la balamiyey ee darbiga cidlada ah la taagay ee loo gooyey …

248 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii xanuunka badnayd ee Quruxeey lagu eed Q:1aad

Magacaygu waa filsan, waxaan ku dhashay isbitaalka wayn ee martiini, waxaana ku Koray xaafadda H/wadaag magaalada Muqdisho , caasimaddeena Somalia, magaca filsan waxaa la iigu bixiyey qurux xad dhaafa oo eebahay igu manaystay, reerkeena intaan arkay midna uma eki waxaa la ii sheegay inaan u ekahay ayeyday waliba awoowgeey dhashay, …

243 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii Soomaali waan necbahay Q.3aad

Markii adeerkay uu isiiyey wixii uu ii heli karay waxaan u diyaar garoobay safarkaygii, waxaana urursaday waxaan heli karay ee kale, waxaan reerka ka soo eryaday, ama kasoo kaxaystay awr koron ah oo aan anigu lahaa waxaana keenay magaalada oo sayladda xoolaha ayaan geeyey, waxaana u dhiibay sidii caadada ahayd …

273 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii soomaali waan necbahay Q;2aad

Aabahay waxaa lagu aasay meel aan ka fogayn reerkeena, waxaana dilkaas aabahay ka horeeyey aabahay ina abtigii iyo walaalkeey oo silig lagu marjiyey maydkoodana la helay iyagoo dhurwaa qayb ka cunay, qof kastoo reerka ka maqan oon sheekadiisa maqlo waxaan uun maqlayey in ay axmaaro laysay arintaana waxaan u qaatay …

235 total views, 0 views today

Share
Warar

Qisadii soomaali waan necbahay Qaybtii 1aad

Magacaygu waa sigad waxaan ku dhashay geed hoosti dhulka ay axmaaradu gumaysato meel ka mid ah waaxn dhashay burburkii dawladdii dhexe ee soomaaliya 3 sano ka hor ama taariikh ahaan 1987dii, sigadna waxaa la iigu bixiyey hooyaday oo ku sigatay inay umul raacdo,waayo dhulkaasi malahayn isbitaalo, wadooyin, gaadiid , iyo …

301 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q :25aad

Habeenkii la i aqal geeyey waxaa hareeraha iga socday labadii gabdhood ee malxiisadaha ii ahaa ee saaxiibaday ahaa, hooyaday iyo walaalkeey, wuxuu ahaa habeen taariikhi ah si gaarana noloshayda wax wayn uga badalay, waa habeenka aan iska tirtiray ra’yigii ahaa inaan qumayo ahay. Habeenkan waxaa run noqday sida ay hooyaday …

216 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:24aad

Inkastoo wadada markaan soo maraynay xoogaa nala qashqashaaday hadana si nabad galyo ah ayaan Nairobi ku soo galay, waxaana noogu darnaa buundada gaarisa, si kastaba markaan Nairobi tagnay waxaan ku degnay xaafad ku taala xaafadda soomaalidu ay sida wayn u dagantahay ee Nairobi.   Habeenkii markaan xaafadda ku barinay subaxiiba …

269 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q :23aad

Maalinkaas farxaddayda waxaad moodaysay in aduunku ii dhamaystiranyahay aad baan uga helayey markaan dheehanayey walaalkeey iyo hooyaday iyo Kaafi oo wada fadhiya kana arinsanaya guurkayga iyo waqtiga uu dhacayo, hooyaday iyo walaalkeey waxay ahaayeen kuwo maalinkaas ii cusub mid walbana markaan fiirinayo il jacayl oo aana hore ugu fiirin jirin …

197 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii Dhul u tura Q:22aad

Markaan arkay hooyaday iyo walaalkeey oo isku duuban ayaan soo orday oo aan damcay inay hooyo ii sii dayso oo aan laabta si fiican ugu qabsado oo aan ka dhargo, laakiin hooyo iyadaaba ka dhargi wayday meel alla meel aan ka maro ayaan waayey, markaasaan iyagoo isku duuban dusha ka …

331 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:21aad

  Marka ay afkiisa ka soo baxday wax i fahansii waxaa markiiba hortayda yimid riyadii aan ku riyooday ee ahayd anigoo dhintay oo la i kanfay oo godka iilka la i dhigay aad buu wadnahaygu u shaqeeyey waayo waxaa go’aan ii ah inaan sun cabo hadii Kaafi idiido intaan runta …

358 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q :20aad

  Sallin adi daraadaa Hadaan daa’in ka baqayn. Dunidaba ma joogeen Oo waan is daldali laa Dadka hadaana kaa baran Dacartaba ma leefeen. Dulli igama muuqdeen Dadka kamaanan goosteen Sidii aan dayeysnahay Dibadaha ma meereen Dacatina ma qaateen Adna iguma digateen Waji igama dadabteen Silic lamaanan dananeen Xanuun ima diloodeen. …

236 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q :19aad

To:- Sallin From:-Kaafi yare Sallin huuno quruxreey Qalbi saafi kuu ahoo Kuu sida kalgacaloo Kuu tumaya sacabkiyo Naf ku saadaalinaysoo Sawacaaga jecel baa Salaan kuu hibausaye Sallineey ma nabad baa? Sallin quruxda aadmiga Waxay saamayn ku leedahay San ku neeflahoo idil Ooy sababi karaysaa Adna qoodha suurada Dadku uma sinaynoo …

310 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:18aad

Markaan Xagar dheere tagnay waxaan ugu tagnay gabdho xabsiyadii wadanka intay ku soo uuraysteen xagardheere ku dhalay, taasina waxay kordhisay inaan ku samrol waxyeeladaydii oo aan u arko inay basiid ahayd,laakiin kalmadda aan aduunka ugu necbahay ilaa iyo hada waxay ahayd kalmadda kufsi oona rabin inaan maqlo.   Sida caada …

904 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii Dhul u tura Q.16aad

Maanta waxaa la gaadhay maalinkaan isbitaalka ka bixi lahaa cid isugaysa oo isbitaalka iga saaraysa ma jirto, baabuur ii balansanna ma jiro, cid iiga horaysa guriga aan u socdo oo i caawinaysaa ma jirto waa aniga kaligeey iyo allahay. Magaalada wax ehel ah dhankay doonaanba ha ka soo jeedeene oon …

294 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:17aad

Sheekadan inta danbe waan soo koobayaa hada waqtigan aan joogo sidaan hore isiinku sheegay waxaan ahay qof bislaaday oo aaminsan inay dhibka la noolaan karto. Waxyaabaha i barayna horaan idiimla wadaagay marka laga reebo Ismahaan oo ahayd qofkii ugu horeeyey een muddo dheerba la noqdo saaxiib oo idareensiisay inaan nasiib …

303 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:15aad

  Xaaladdu markay halkaas joogto subixii 1aad ee ay daawooyinku ii bilawdeenba aniga iyo hooyaday waxaan isla qorshaynay 2 qodob midi wuxuu ahaa inaan helo qol kiro ah maadaama hada aan qaliin galayo, kan 2aadna wuxuu ahaa bal inaan walaalkey lala hadalo oon xogtiisa ogaano. Waxaan ku hor maray qolkii …

350 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii dhul u tura Q:14aad

Markii ay akhbaartaasi ka timid Naftii hurihii walaalkay ahaa aad baan ugu farxay waxaana mar kale soo noolaatay rajadii nolosha, inkastoo wali ayna ii muuqan mustaqbalkii rajadayda ee ahaa inaan guursado oon ilmo dhalo hadana caafimaadkayga rajo ayaa iiga muuqatay iyo inaan iska noolaan karo. Waxaa xusuusin mudan 2 arimood …

237 total views, no views today

Share
Warar

Qisadii Dhul u tura Q:13aad

Qaar ka mida raga waxayba igu sugayeen dhaqtarka oo 5taas bari qaarkood waxaan meesha kula kulmay 3 jeer iyo wax ka badan, waxaana jira qaar isku dayey inay warqad ii dhiibaan oon si cad uga cararay, waxaa hubaal ah in kuwaas aan la kulmay iyo kuwo ay igala sheekaysteenba magaalada …

523 total views, no views today

Share