|
|
Dhulka Soomaalida
Ogaadeeniya sida aan horay u soo sheegnay wuxuu caan ku yahay beeraha
iyo Xoolaha Nool, waxaynu maanta cashirkeena ku soo qaadanaynaa Gobol
Waliba khayraadkiisa iyo waxyaalaha uu caanka ku yahay hadii aan ku
horayno Gobolka Jig jiga.
Gobolka
Jig jiga:-
Gobolka Jig Jiga waa Caasimadda Ismaamulka Soomaalida Ogadeeniya waxayna
ku taalaa koonfur Galbeed Ogaadeeniya, Magaaladdu waxay ku taalaa
Meel god ah waxaana dhexmara Toga looyaqaan Toga Jarareed, dadka ku
dhaqan Magaaladaasi waxay noloshoodu ku xidhan tahay 95% waxa ka soo
baxa Beeraha, waxaana dhulkaas si weyn loo beertaa ama uga baxa Geedka
Jaadka iyo Raashinka Masagada ama Galayda.
Gobolkaasi wuxuu ka kooban yahay Shan Degmo inta aan ognahay dhamaantood
waxay isaga mid yihiin dhanka Beeraha iyo qaadka, waxaana ka mid ah
Degmooyinkaas, Harta Sheekh, Jig jiga, Alaybaday iyo Fayaanbiiro.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Jig jiga 100% waa dad qaadka cuna waxaanad
arkaysaa markasta iyadoo dadku habeen iyo Maalin ay dul fadhiyaan
Cunida Jaadka, xilliyada shaqadu ama Xafiis ha ahaato ama shaqo kale
noocdooniba ha ahaatee, waa xili kooban wuxuuna qof waliba ku fikirayaa
sidii uu u diyaarin lahaa meeshi uu ku qayili lahaa iyo jaadka nooca
uu maanta cuni lahaa.
Dadka ku dhaqan Magaaladda Jig jiga waxay u badan yihiin Soomaali
waxaa kale oo iyaguna si weyn u degan qabiilka Xabashida iyo Uraagada
kuwaas oo waligoodba deganaa kuna leh Guryo waa weyn ahna dhulka bilicda
magaalada ah.
Magaalada Jig jiga waa meesha kaliya ee dhamaan Gobolada Soomaalida
Ogaadeeniya aad ka dareemi karto woxogaa horumar ah waxayna leedahay
Jidad dhaadheer oo laami ah kuwaas oo iyadana dhawaan loo sameeyey
hase yeeshee laamigaasi maaha mid ka baxsan Magaaladda Gudaheeda wuxuuna
ku kooban yahay Xaafadaha iyo Jidka dheer ee badhtamaha Magaalada
ahna jidka caadiga ah ee isku xidha dhamaan Gobolada Ogaadeeniya iyo
Galbeedka Itoobiya.
Dadka Reer jig jiga waa dad shaqaale ah qof kasta subaxda hore waa
ordayaa waxaana loo dareerayaa in qof waliba uu diyaariyo nololmaalmeedkiisa,
Magaaladda jig jiga Xoolaha lagu gado oo ay isticmaalaan Waxaa looga
keenaa Gobolada kale ee Ogaadeeniya sida Gobolka Nogbeed iyo Gobolka
Jareed.
Dadka reer Guuraaga ah ee ku dhaqan Banka jig jiga malaha xoolo sidaas
ah, waxay dhamaantood ka kooban yihiin beeralayd qofka ugu badani
wuxuu leeyahay Saco ama dhawr dibi oo uu beerta ku qoto xoolaha ay
dhaqdaani waa lo’ geela iyo adhiga laguma dhaqdo in kasta oo
aay jiraan geel iyo adhi aad ku arki karto bankaasi jig jiga hase
yeeshee maaha wax la odhan karo waxay ka mid tahay dhaqankooda.
Gobolka Jig jiga wuxuu xuduud la wadaagaa Gobolo badan oo ay ka mid
yihiin Galbeed, Harar, Dhanka Woqooyi Galbeed Gobolka Shiniile, dhanka
Woqooyi Soomaaliya (Woqooyi Galbeed Soomaalia) dhanka Bari Gobolka
Jarareed iyo dhanka Koonfureed oo uu ka xigo Gobolka Nogbeed.
Dhanka
Beeraha
Dadka reer jig jiga waxay 100% noloshoodu ku tiirsan tahay Beeraha
nooc dooniba ha haatee, waxaana dadkaasi ay beertaan raashinka noocyadisa
kala duwan sida, Galay ama Badar, Digir, Laws IWM sidoo kale waxaa
qof walba oo reer jig jigaad ahi uu leeyahay Beer Jaad ah kaasoo isaguna
qayb weyn ka qaata nolosha qoyska Reer jig jiga maadaama uu noqday
shayga kaliya ee gobolkaas ama dalkaas Itoobiya sida weyn looga isticmaalo
ganacsigiisa iyo Cunidiisaba.
Raashinka ka baxa dhulkaas banweynaha jig jiga waa mid ku baxa oo
kaliya Roobka Guga, dayr iyo Xayska da’a mana jiraan wax beera
ah oo lagu waraabiyo Matooro ama ceel haba yaraatee, waxaana xiliyada
roobabka la waayo aad u adkaata Noloshada dadka Reer Baadiyaha ah
ee ku dhaqan Gobolka Jig jiga, hase yeeshee inta badan waxaa ka da’a
roobabka.
Dadka ku dhaqan Gobolkaasi waxay u badan yihiin beeralayd raashinka
u soo go’a sanadkaas waxaa lagu guraa Boholo, loo habeeyey raashinka
wuxuuna bohoshaas ku jirikaraa muddo dheer ama intii la doono.
Gobolka Jig jiga wuxuu ku yaalaa ban’banaan oo aan lahayn geed
la hadhsado waxaana ka dhaca Xiliyada qaarkood qabow aad iyo aad u
qabow kaasoo xoolaha iyo dadkaba noloshooda xiligaas dhib weyn u keena
in kasta oo ay qabowgaani aanu ahayn mid baraf ah hase yeeshee waa
mid dheel iyo qabow leh.
Ugu dambeyntii, akhristow ma soo koobi karo waxyaalaha Gobol waliba
uu ku horumarsan yahay waxana dhici karta in aanu waxbadan dhaafno
waxyarna aanu ka sheegno marka wixii aqoontayada ah ayaan in shaa
allaah markasta idinka soo gudbin doonaa anagoo ku dadaalayna in aan
waxbadan oo ku saabsan khayraadka Gobolka aan idiin soo gudbino.
Lasoco qaybaheena dambe
Afeef: Waxaan ka afeefanaynaa qormooyinkan
aan ugu magac darnay Baro Dhulka Hooye eey idiin soo diyaarinayso
Boggan Qorahay Online, waxay naga tahay in aan u faa'iidaynu shacabka
jecel in uu barto dhulkiisa Hooye. Waxaan ka codsanaya wixii khalad
aad ku argtaan in aad no soo gudbisaan waxaan idiin balan qaadaynaa
in aan saxno.
dool@qorahay.com
contacts@qorahay.com
|
|
|