Cali-Shoocaac Cabdille Fiixiye oo saaka salaadii subax masaajid laga afduubay

Wednesday, November 29, 2017       Views
Spread the love

Warar Qorahay Media soo gaadhaya yaa sheegaya in saaka salaadii subax lala baxay Cali-Shoocaac Cabdille Fiixiye oo 80 jir ah guud ahaan Soomaaliduna si wayn u taqaano marar badana xabsi gumaysigu galiyay, lama sheegin wali meesha odayga la geeyay balse in la la xaqiijiyay in saaka isagoo salaadii subax masaajidak ku soo tukaday la qabtay waxaana loo haysto oo dambi ahna ma jiro waase uun dulmiga shacabka Soomaalida Ogaadeenya ay gumaysiga & adeegeyaashiisu ku hayaan.

shoocaac

Sida lala wada socdo shcabka waa la iska xidhaa maxkamadna lama geeyo qaar badan oo kamid ah maxaabiista Ogaadeenya ee gumaysigu dulmiga ku qabsaday waxaa nafta lagaga qaaday jidh dil kowo kale macaluul ayay u dhinteen halka qaar kalena geeri & nolol aan midna lagu sheegi karin, waxaa ku jira xabsiga ciqaabta (Jeel Ogaadeen) caruur ku dhalatay kuna qaan gaadhay oo nolosha aduunka xabsigaas & darxumadiisa uun ka yaqaana waana xabsiga ay isugu yimaadaan dhamaan qaybaha bulshada.

Isku soo wada duuboo xadhiga Cali-Shoocaac  ayaa ku soo beegmaya xilli uu gumaysigu sii dhacayo iasaga & adeegeyaashiisana uu mugdi xoogani soo kala dhex galay islamarkaasna uu jiro isdhexyaac & kala shaki badan, Cali-Shoocaac xidhaygiisu kama duwana odayaasha hortii la dulmay balse xilligan in uu xabsi galo waxay sii muujinaysaa sida adeegeyaasha gumaysiga ay dullinimadu assalka uga tahay waxaana kooxda dhiiga shacabka ku naaxday ee jaho wareersan caado u ah in ay dadka si fudud u xidhxidhaan balse inay soo daayaan ayaa ku adkaata waana astaamaha lagu yaqaano dadka dadkale adoonimo ka ogolaada isuna duleeya.

Qorahay Media

2,372 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]