Ciidamada gumaysiga oo kanacasiga hubka bilaabay & qaar la xidhxidhay

Monday, December 4, 2017       Views
Spread the love

Magaaloyinka Diridhaba & Hargeysa waxaa lagu qabqabtay Saraakil ka tirsan sirdoonka & Militeryga gumeysiga Ethiopia oo si wada jir ah u sameystay Suuq ay kaga ganacsadaan hubka & noocyada kala duwan ee rasaasta ee Ciidamada gumeysiga Ethiopia leeyahiin.

images (1)

Warkan oo Qorahay Media ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kooxdani Hubki xarumaha gumeysiga ku keydsanaa u suuq geysay magaaloyinka Somalia & dalka Yeman, falkan oo gumeysiga Ethiopia dhabar jab ku ah ayaa si wada jir ah u fuliyeen Garab sirdoonka Ethiopia ka tirsan oo ka abuurmay khilaaf mudo udhaxeya Taliyahii Sirdoonka Ethiopia & ka Militeryga.

Falkan oo baadhidisu wali kasoo dhamaanin dhanka gumeysiga ayaa loogu xidhay Hargeysa Taliyahii Sirdoonka gumeysiga ee Berbera, madaxii Logistics-ka ee Xafiiska gumeysiga Ethiopia ee Hargeysa & xoghayahii Xafiiskaas.

Dhanka kale magaalada Diridhaba ayaa shalay Casarkii lagu qabqabtay Saraakil ka tirsan Ciidamada Gumeysiga oonan helin xilalkooda dhacdadan oo wali baadhitankeedu socdo ayaa sii kala fogaynaysa ciidamada gumeysiga inta la ogyahayna waa natiijadii ugu xumayd ee qeybsanka ciidanka gumeysiga & xaalka dhaqaalo xumo ee soo foodsaray dhalisay.

Wixii kasoo kordha warkan iyo wararka kale ee qeybsanka Ciidamada gumeysiga waan kuusoo gudbin hooyo

Qorahay Media

1,061 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]