Ciidamada gumaysiga Ethiopia oo markii labaad Diinsoor isku laayay

Warar

Degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayay markii labaad ciidamada gumaysiga Ethiopia dhexdoodu ku dagaalameen, haddaba siduu xaqiijinayo war Qorahay Media soo gaadhay dagaalka hore ayaa markay taariikhdu ahayd 1/11/17 ku dhex maray ciidamada garoonka Diyaaradaha ee Diinsoor.

images

Dqgaalks ayss yimid ka dib markii askari ka tirsan ciidamada gumaysiga uu toogasho ku dilay Sarkaal 4 askarina uu dhaawac,  askariga falkan geystay ayay u suurto gashay inuu goobtaas ka baxsado.

Intaas kadibna wax garoonka diinsoor ku dagaalamay ciidamada gumaysiga Ethiopia oo laba saf u kala jabay, wxaa goobta gurmad ku yimid ciidamo kale oo Ethiopian ah kuwaas oo dhanka Qansax-Dheer kasoo kicitimay labada dhinac ee dagaalamayay midkood ayaa hubka laga dhigay.

Xallay ayuu mar labaad Diinsoor dagaal ku dhexmaray Ciidamada Ethiopia oo halkaas maalmihi dambe isugu soo ururayay, tirada himasho iyo dhaawac dagaalka ka dhashay ayaan wali la xaqiijin.

Si kastaba ha ahaate xaalka guud ee gumeysiga Ethiopia ayaa maraysa marxaladii gabagabada taas oo arrimo badan qaabayneysa

Qorahay Media

1,783 total views, 0 views today

Share
Warar
Qasnad Farax waa magaca gabay ay hadda tirisay Abwaanad Roda Ibrahim C. Gurey

Abwaanad Roda Ibarhim C.Gurey (Afjano) ayaa hadda barteeda Facebook soo dhigtay gabay kooban oo qoraal ah kaas oo ay ku cabirtay dareenkeeda ku aadan xabsiga uu ilahay Bashiir Axmed Makhtal ka soo saaray, gabayga oo ay abwaanadu ugu wan qashay Qasnad Farax ah ayay qayb hordhac ah bulshada u soo …

2,525 total views, 0 views today

Share
Warar
TAARIIKHDU WAA DHAXAL

Garaad makhtal daahir rabi naxaristi jano haka waraabiyo wuxuu mudo dheer Jeel ka maanta bashiir kasoo baxay ugu xidhnaa dawlada Ethiopia Waxa kaliya ee Loo haystay waa mabdi iisa gobonimo doon ilahay haw naxariistee makhtal dahir akhirki waa lasoodayay, hadafkiisi gobonimo doon halkii ayuu ka watay ilaa mawdku u yimid …

3,012 total views, 0 views today

Share
Warar
Shacabkii ku bara kacay colaada Ogaadeenya & Oromia laga dhex abuuray oo xaaladooda laga dayrinayo

Warar Qorahay media gudaha Ogaadeenay ka soo gaadhay ayaa sheegaya xaalad halis ah oo ay ku suganyihin dad aad u badan oo kamida haa shacabkii Soomalaida ah ee ku soo baro kacay colaada uu gumaysigu Ethiopia ka dhex huriyay labada sjhacab ee walaalaha aha waa Soomaalida Ogaadeenya & shacabka Oromia, …

8,632 total views, 0 views today

Share