Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Warar

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal.

Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu wacad ku maray inuu burburin doono maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, ayaa sheegtay in ciidamadooda ay xadka ka gudbeen, isla-markaana ay wadaan hawlgal ay ku baacsanayan maleeshiyada YPG.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Binali Yıldırım, ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ay Gobolka Afrin ka samayn doonaan hawlgal 30km Oo ka caagan maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu hadafkooda ku sheegay inay halkaasi ka hirgeliyan amni la’isku halleyn karo.

Saraakiil u hadashay YPG, ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen Ciidamada Turkiga, isla-markaana ay madaafiic gudaha ugu tuureen dalka Turkiga. Saraakiishan waxay Turkiga ku eedeeyeen in sagaal ruux oo rayid ah ku dileen gobolkaasi.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka, ayaa ugu baaqday Dowladda Turkiga inay is xakameyso, ayna ka fogaato khasaaro hawlgalkeeda ka soo gaadha dadka rayidka ah.

YPG oo horey xulufo ula ahayd Mareykanka, ayaa ka qayb qaadatay gulufkii lagula dagaalamay Daacishtii ku xooganeyd Syria, oo la rumeysan yahay in awoodoodii la wiiqay.

Dhanka Kale Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ka codsaday in shir deg deg ahi uu arrintani ka yeesho.

Kurdiyiinta Syria oo markasta oo dagaal la qaado ka adkaan jiray maleeshiyadii Daacish, ayaa waxaa la leeyahay waxaa hadda ku adkaan doonto inay iska difaacaan militariga xoogga badan ee Turkiga.

Qorahay Media Oo Isha Ku Heysa Dagaalka Ujeedooyinka Badan Ee Syria Waxey Howlgalka Turkiga Idiinka Soo Diyaarin Doontaa Haddii Alle Idmo Warbixinno Faahfaahsan Oo Arrimahan Ku Saabsan

Wadani Ali Qorahay Media


9,673 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo Kooban.

Mudane Sulub Cabdi Ahmed oo kamid ah Masuuliyiinta Sare ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO ahna Xubin kamid ah Gudiga Jabhadda ONLF u qaabilsan Wadahadalada ONLF & Ethiopia ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeediyay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi …

3,279 total views, 0 views today

Share
Warar
Daawo Khudbaddii Drs Cibaado Hirsi Mahad Hogaanka Dhaqaalaha ONLF – Shirkii Nairobi.

Hogaanka Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya JWXO Marwo Drs Cibaado Xirsi Mahad ayaa shalay Khudbad Kooban U Jeedisay Boqolaal Qof oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi kuwaasi oo kasoo qayb galay Xaflad balaadhan oo ay Jaaliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Madaxda JWXO …

3,436 total views, 0 views today

Share
Warar
Cududa ONLF iyo cidhib go’a Tigrayga

Marka aad aragto cududa shacabka halgamaaga ah ee ogaadeniya, .Marka aad aragto hanka iyo doonista sare ee Masuuliyiinta iyo hubnaha ONLF oo saldhigiisu yahay xoriyad iyo aayo katashi Midnimo iyo wadajir .Marka aad aragto hufnaanta iyo bisaylka madaxda iyo kaadirka Jabhada ONLF Waxaad garwaaqsanaysaa in ay maanta jwxo Joogto heer …

6,519 total views, 0 views today

Share