CWXO oo askarta gumaysiga weerar la beegsaday khasaare xoogana gaadhsiiyay

Warar

Wararka laga helay gudaha Ogaadeenya gaar ahaan gobolka Qorahay ayaa sheegaua dagaal xoogan oo shalayto ka dhacay duleedka degmada Shilaabo ee gobolka Qotahay, sida uu warku nagu soo gaadhay dagaalka ayaa u dhexeeyay Ciidanka Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (CWXO) & askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia oo kaashanaysa hadhaaga kooxda Hawaarinta.

Photo-ONLF-Ogaden-People-Liberation-Front-fighters

Dagaalka oo bilowday barqadii shalayto ayaa ahaa weerar ay CWXO ku qaadeen coudanka gacan ku gabadka ah ee gumaysiga oo dad shacab ah dhibaataynayay, faahfaahin badan lagama hayo dagaalka waxaase la sheegay in cadowga uu khasaare xoogan soo gaadhay.

Si kastaba ha ahaatee askarta gumaysiga ee shacabka dhibaatayntiisa ku soo ururay & kooxda Hawaatinta oo xiligoodi gabagabo yahay ayaa shacaboa Soomaalida Ogaadeenya dhibaatooyin xoogan ku haya, CWXO oo u taagan difaaca shacabka & soo celinta gobanimada Ogaadeenya ayaa baryahan dambe dardar galiyay halganka hubsysan ee mudada dheer soo taxnaa waxayna weeraro qorshaysan ku qaadaan ciidanka cadowga oo baryahan dambe dhufayska isku ilaaliya.

Qorahay Media

2,014 total views, 0 views today

Share
Warar
Ciidamada Lugta Ah Ee Turki Oo Gudaha U Galay Deegaano Waqooyi Syria Ah Guulana Ka Sameynayo

Ciidamada Lugta Turkiga oo wata taangiyada dagaalka, ayaa Maanta gudaha u galay Waqooyiga Syria, si looga takhaluso dagaal-yahanada Kurdiyiinta Syria, iyadoona uu ujeedku yahay in laga saaro deegaanada ku teedsan xadka labada dal. Dowladda Turkiga, ayaa Sabtidii qaaday guluf ballaadhan oo ay qayb ka yihiin diyaaradaheeda dagaalka, kadib markii Madaxweyne …

4,392 total views, 0 views today

Share
Warar
Yaa Masuul Ka Ah FashilkaIyo Fowdada Dowlada Farmaajo? Wax Ka Ogow

Dad badan ayaa la yaaban isbedallada iyo fowdada ka dhex jirta dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, iyadoo Masuuliin Badan Xilka zlaga Qaaday Halka Ay Qaar Kale Iyagu Iska Casileen Xilalkoodi Xogta aan helnay ayaa caddeneysa cidda qaska ku haysa dowladda Farmaajo, waxayna dad badan aaminsan yihiin …

4,849 total views, 0 views today

Share
Warar
Alshabaab Oo Wadada U Galay Ciidamo Koonfur Galbeed Ka Tirsan Iyo Khasaare Ka Dhashay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya degaano ka tirsan Gobolka Baay dagaal khasaare dhaliyay ayaa waxa uu dhex maray Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab. Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa weerar jidgal ah u dhigay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur …

5,252 total views, 0 views today

Share