Dad badan oo shacab ah oo uu gumaysigu Qabridahare lagu xidh xidhay.

Friday, November 10, 2017       Views
Spread the love

Wararka ay Qorahay Media ka helayno Magaaladda Qabridahare ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay dad shacab ah oo laga qab-qabtay magaaladda Qabridahare & agagaarkeeda, dadkan xabsiga loo taxaabay ayaa sida la sheegayo loo gaystay jidh dil & tacadiyo badan kadibna loo taxaabay xabsiga ciidanka Militariga ee magaaladda Qabridahare.

Sida eheladda qaarkamdid ah dadkan la xidh xidhay cadeyeen ma jiro sabab loo xidh xidhay waxayna shegeen in dhibaato xoogan loo gaystay kadibna xabsiga lootagaaxay ayaga oo laga soo qab-qabtay meelo kala duwan.

hooyociilan

Gumaysiga Itoobiya & kuwa dhaaraanka u ah ee Hawaarinta ayaa ah kuwa aan u nixin dadka shacabka ayaga oo u gaysta markasta tacadiyo joogta ah oo isugu jira dil, kufsi, & xadhig halka dad badan oo shacab ah aan lahaynin meel ay ku sugan yihiin qaarkale oo shacab ahana ka bara keceen.

Isku soo wada duboo xaaladda gumaysiga Itoobiya oo u muuqata cad-ceed casar joogta laguna kala tagayo ayayna kooxdaas Hawaarintu wali garwaaqsanin oo aynan rumaysanin in kooxdii TPLF maanta ku jirto gabasho & rafashadii ugu dambaysay waxaana meelo badan oo dalka kamid ah kabaxday gacantii gumaysiga gaar ahaan meelo kamid deegaanadda Oromia oo Tigree hadii lagu arko qoorta loo dheeraynayo.

Qorahay Media

289 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]