Dad badan oo shacabka Oromia kamid ah oo magalaooyinka ka baxay & xaalka oo sii murgaya

Friday, December 1, 2017       Views
Spread the love

Wararka Qorahay Media dhulka Oromia uga imanaya waaya asheegaya dad bada oo dhulka Oromia saaka ka baxay dhulka miyiga ahna isku uruursanaya waxayna ku baxayaan basas dhaadheer iyagoo dhawaaqaya, dadka baxay oo dhalintro u badan ayaa goobo cayiman isugu tagaya waxaana socad abaabul xoogan oo guud ahaan kacdoon wadayaashu ay habkii hore wax kaga badalayaan.

gob6gob4

Dhinaac kale magaalooyinka Oromia qaar kamid ah waxaa ka baxay ciidamada Tigrega oo baaqi ku sii ahaa oo lafahooda la baxsaday xaalkuna waa mid aad u murugsan oo aan la fahmi karin, xasuuq ayaa meelaha qaar ka socda ay askarta Tigreegu gasanayaan waxayna xaalada gumaysiga ku sii hurisay baasiin hoe leh waana sababta ay saaka dadku dhulka miyiga ah isugu uruursanayaan.

gobgob2

Isku soo wada duuboo xaalada gumaysiga Ethiopia lama saadaalin karo aadbuuna u murugsanyahay marka dhinac walba laga eegana waa uun dal burburay oo maalmihii ugu dambeeyay ee rafashada ku jira, burbur fool xumada Ethiopia ka soo muuqata waa mid mudooyinkii dambe la saadaalinayay.

gob5

Qorahay Media

1,513 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]