Marka la doonayo in si buuxda looga waramo dagaalkii
Ogaadeenya (D. O.), waxaa mudnaan leh in la eego dhamaan xaglaha
uu dagaalku lahaa. Somaaliya iyo Itoobiya oo ku muransanaa gobolka
Ogaadeenya, ayaa waxay ahaayeen kuwii sida gaarka ah ugu qahranaa
waleecada dagaalkan. Waxaase jirtay dowlado badan ee ku weheliyay
waldaamintiisa, kuwaas oo ahaa xoogaggii isku hardafayay Dagaalkii
Qaboobaa (D. Q.).
Dagaalka Ogaadeenya wuxuu ahaa kii ugu milgaha
culsaa dagaalladii dunida ka dhacay xilligii uu socday Dagaalka
Qaboow. Waxaa xusid mudan in dagaal kasta oo xilligaas dhacay
ay xoogaggii dunida si buuxda u kala safteen. Dagaalkanse wuxuu
ahaa mid gudihiisa ay isku kala fireeyeen labadii quwadood ee
dunida ugu xooga weynaa. Dalkii la oran jiray Midowga Soofyeeti,
oo markuu dagaalka bilowda la dhan ahaa Soomaalida ayaa markuu
dagaalkii dhamaaday ka dhan ahaa. Waxaa taas ka soo horjeeday
Mareekanka oo Itoobiya ku sugnaa bilowgii dagaalka ayaa dhanka
Soomaaliya ka soo saftay.
Labada quwadood oo ku hardamayay D. Q. (SSR &
USA), waxaa mid waliba ku daba safnaa ummado badan oo sababo
kala duwan iyo doon-doon maslaxadeed, hiilo la garab taagnaa.
Sababahaasi waxay isugu jireen dano siyaasadeed, dano ciidameed,
dano dhaqaale iyo dano diineed. Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo
baadi-goob ugu jira baylahdood maqan oo ay muddo raadkeeda hayeen,
taas oo goortii la dhacay iyo raggii dhacayba ay u xusan yihiin.
Itoobiya ayaa iyaduna u muqatay dal difaacaya jiritaankiisa
dowladnimo iyo is-heysashada dalkeeda.
Qarnigii XX-aad, waxaa dunida ka dhacay dagaallo
caalami ah, kuwaas oo galaaftay naf iyo maal badan. Bulshada
Soomaaliya, inkasta oo tirada dadkeedu uu yar-yahay, misana
degaanka istraateejiga ah oo ay dadkeedu ku nool yihiin dartiis,
ayaa wuxuu kalifay in ay, qayb aanan la dhayalsan karin ka qaataan
dagaalladii caalamiga ahaa.
Dagaalkii I-aad, kii II-aad iyo Dagaalkii Qaboobaa
ayaa waxay yihiin dagaallada waaweyn ee qarnigii tegay sida
xoogan ugu baahay dunida guudkeeda. Dagaalladii Daraawiishta
ayaa waxay socdeen sanooyin badan intuusan dagaalkii I-aad dunida
ka qarxin. Markuu joogsadayna, dagaalladii Soomaaliya ka socday
waa ay ka danbeeyeen. Sidoo kale lix sano horteed ayaa degaankayaga
hur ka baxayay intuusan dagaalkii II-aad bilaaban, kaas oo hardidiisii
ay gaartay dhamaan gobollada Soomaaliyeed. Dagaalkii Ogaadeenya
ayaa isna ah mid taariikhda inoo galay oo safxado badan ka qaatay
qoraallada laga allifay Dagaalkii Qaboobaa.
Sanadkii 1945-kii, waxaa dhamaaday dagaalkii II-aad
ee aduunka. Waxaa halkaas ku soo af-jarmay itaalkii ay lahaayeen
dadyowgii dunida ku amar ku-taaglayn jiray qarniga qaybtiisii
hore. Waxaa safka hore kaga jiray Ingiriis, Faransiis iyo Jabaan.
Waxaa isna dagaalkii ku jabay Jarmalka oo markaas xag dhaqaale
iyo xag sancaba ka soo xoogoobayay. Dowladahaas aanu soo xusnay,
xoogoodii wuxuu ku wiiqmay dagaalka. Dabadeed waxaa halkaas
ka abuurmay laba xoog oo cusub. Waa Mareekan iyo Midowga Soofyeeti.
Jarmalka oo ahaa dowladda hurinaysay dabkii dagaalkan ayaa jabay
markii ciidamada labadaas dal ay ku soo biireen gulufyadii colaadeed
ee Jarmalka lagaga soo hor jeeday. Ciidankii Casaa ee Soofyeetiga
the red army waxay u soo dhaqaaqeen galbeed, halka kuwii Mareekanka
ay u soo dhaqaaqeen bari. Dagaalkii wuxuu joogsaday bartamihii
sanadkii 1945-kii, markaas oo ay labada ciidan ku kulmeen webiga
la yiraahdo Elbe ee ku yaal bartamaha dhulkii dowladdii laga
adkaaday ee Jarmalka.
Inkasta oo la sheego in D. Q. uu bilowday sanadkii
1945-kii, markaas oo uu dhamaaday dagaalkii II-aad ee dunida,
misana isu muuqashada labada dowladood ee xooga leh, waxay bilaabatay
sanadkii 1948-kii, markaas oo la dhisay derbigii ku teednaa
magaalada Berliin, kaas oo u qeybiyay degmada laba qeybood (East
Berlin & West Berlin). D. Q. wuxuu dhamaaday sanadkii 1989-kii.
Taasina waxay ka dambeysay markii la bur-buriyay drebigii Berliin,
xaafadihii degmadana dib laysugu furay.
Ciidamadii xulufada ahaa oo ka dhanka ahaa Jarmalka,
guushii ay ka soo hoyeen dagaalka, ayaa waxay abuurtay is-tuhun
labada xoog ee waaweyni ay is-dareensadaan. Isu muuqashadooda
waxay bilaabatay sanadkii xigay markii uu dhamaaday dagaalka,
taas oo si buuxda u istaagay sanadkii 1990-kii. Ooraahda ah
Dagaalkii Qaboobaa the cold war, waxaa bixiyay nin la yiraahdo
Bernard M. Baruch (bishii abriil, 1947-kii), markaas oo khilaafka
labada xoog uu soo if-baxay. Wuxuu ku bilowday muran lagu difaacayo
aragti siyaasadeed iyo isu caga-jugleyn ay weheliso is-hubayn.
Dagaalkan oo ahaa colaad buuxda iyo iska soo hor-jeed
dhex yiil Mareekan iyo xulufadiisa (dowladaha yurubta galbeed)
oo dhan ah iyo Midowga Soofyeeti iyo xulufadiisa (dowladaha
yurubta bari) oo dhanka kale ah. Labada quwadood, waxay muddadaas
ka fogaadeen inay si toos ah isu hardiyaan. Waxaa casharro lama
ilaawaan ah u noqday hoog iyo bi´ii ay ka dhaxleen labadii
dagaal ee qaaradda ka huray nuskii hore ee qarniga.
Inkasta oo uu ka dhexeeyay falal colaadeed oo
tilmaamaya is-diidanaanta ay isu qabeen, misana muddadii uu
D. Q. socday, quwadahaasi waxay ku guuleysteen in ay degaamadooda
ka fogeeyaan fagaaraha lagu hardamayo. Falalkaasi waxay isugu
jireen dagaallo dowli ah oo dhex mara dowlado aanan iyaga ahayn,
hurin dagaallo sokeeye, howlo jaajuusnimo ah, loolan siyaasadeed
iyo dhaqaale, is-hubayn iyo khilaafaad diblomaasiyadeed, af-gembiyo
ciidameed, saldhigyo laga sameysto dunida dacalladeeda, wada-hadallo
qarsoon iyo fadeexooyin siyaasadeed, kuwo dhaqan iyo kuwo dhaqaale.
Howlahaas ayaa dowlad waliba waxay ku dooneysay wadiiqadii ay
kaga gacan sareyn lahayd tan kale.
Intuusan dagaalku dhamaan, waxaa jiray fadhi ka
dhacay dalka Soofyeetiga oo ay isugu yimaadeen saddex madaxweyne
oo ka socday dalalka USSR, USA iyo UK. Fadhigaas waxaa loogu
magac daray magaaladii uu ka dhacay, waxaana la yiraahdaa Yalta
Conference. Mudddada uu socday fadhigu waxay ahayd 4 - 11/ 1945-kii.
Hoggaamiyihii Soofyeetiga Joseph Stalin, madaxweynihii Mareekanka
Franklin Delano Roosevelt iyo ra´iisul wasaarihii Ingiriiska
Winston Churchill ayaa halkaas isgu yimid.
Go´aamadii ay madaxdaasi gaareen ayaa waxay
ahaayeen kuwo sir ah oo aanan la baahin sababo ciidan iyo kuwo
siyaasadeed awgeed. Waxaa kamid ahaa in dagaalka la wado illaa
ay dowladda Jarmalku shuruud la´aan isla dhiibto, dabadeedna
dalkeeda loo qaybiyo gobollo federaali ah oo ay dusha ka maamulaan
dowladaha xulufada ah. Qorshihii qarsoonaa oo ay dowladahaasi
ku heshiiyeen ayaa dhulkii Jarmalka u qaybiyay afar qeybood
oo maamul dhexe oo ku meel-gaar ah leh, kaas oo wax ka diyaariya
maxkamadihii la saaray denbiilayaashii dagaalka, isla markaasna
wuxuu wax ka qiimeeyay dhaawacii uu Jarmalku geystay. Maamulladaas
afarta ah waxaa kala hagayay Mareekan Faransiis, Ingiriis iyo
Midowga Soofyeeti, waxaana magaalo madax u ahayd Berliin.
Mareekanku wuxuu doonayay oo kale in caalamka
uu yeesho ganacsi xor ah. Hoggaamiyihii Soofyeetiga ayaa arintan
ku eegay il ay ka muuqato kalsooni darro. Sababtoo ah, Mareekanku
wuxuu xilligaas lahaa 75 % wax soo-saarka wershadeed ee dunida.
Madaxda Soofyeetigu waxaa u muuqday haddii ganacsiga dunida
uu noqdo mid madax-bannaan, in Mareekanku uu si fudud seylado
ugu helayo wax soo-saarkiisa xooga badan. Isla markaasna uu
sicir jaban ku soo iibsanayo macaadinta uu dibadda uga baahan
yahay.
Wada-hadallada ay isugu iman jireen hoggaamiyayaasha
dowladaha adkaaday, ayaa Winston Churchill wuxuu Soofyeetiga
ku eedayn jiray in ay doonayaan in ay ballaariyaan maamulkooda,
iyaga oo baahinaya aragtida shuuciyadda ah. Stalin wuxuu ku
dadaalay dhankiisa in uu mag-dhow ka helo wershadaha Jarmalka.
Inkasta oo madaxweyne S. Truman uu arintaas diiday, misana Stalin
wuxuu ogolaaday tanaasulaad waaweyn. Taas oo uu dhaafsiistay
ballan qaad ku saabsan nabadgelyada dalkiisa. Tanaasulka uu
Stalin sameeyay baa waxaa kamid ahaa arimahakan :
Isaga oo ciidamadiisa kala baxay kanaalka la yiraahdo
Dardanells ee u dhexeeya badda Marmara iyo badda Dhexe (Turkiya).
Isaga oo ka kacay dhul uu ka qabsaday Iiraan ee
ku yaal waqooyiga.
Isaga oo oggolaaday in uusan Finland ka dhisin
dowlad shuuci ah.
Isaga oo oggolaaday in uusan taageero u fidin
dhaqdhaqaaqa shuuciga ah ee ka jira dalka Giriiga oo markaas
Ingiriisku maamulayay.
Waxaa kale oo jiray muran ku saabsanaa wejiga
ay qaaradda Yurub yeelan doonto mustaqbalka, gaar ahaan Jarmalka
oo ahaa dalkii jabay oo la hooshey. Waxaa arintaas xigay, in
Soofyeetigu uu faraha la soo galo arimaha dowladihii ka dhisnaa
bartamaha Yurub, gaar ahaan degaanka Balkaan. Taasina waxay
ka dambeesay markii ay caga-dhigteen maamulladii shuuciga ahaa
ee dowlaaddii Midowga Soofyeeti ay ka dhistay bariga qaaradda
Yurub. Arinta Balkaan, waxay kordhisay dareenkii dowladaha reer
galbeedku ka qabeen Soofyeetiga. Madaxweynihii Mareekanka S.
Truman, ayaa wuxuu gudoonshay in dowladdiisu ay taageerto halgamada
hubaysan oo lagu diidan yahay cadaadiska siyaasadeed. Aragtidaas
oo loo yiqiin Truman-docrine, ayaa soo baxday sanadkii 1947-kii,
waxayna ku wajahnayd ka hor-tagga is-ballaarinta shuuciyadda.
Mareekanka, si uu Yurub uga saaro diiftii badnayd
ee dagaalka ka soo gaadhay ayuu wuxuu diyaariyay mashruucii
la magac baxay Marshall Plane, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in
qaaradda dib loo dhiso. Waxaa jiray qorshe arintan hoos tiil
oo ahayd in uu caqabad hor dhigo faafidda ay aragtida shuuciyaddu
ku soo baahayso Yurub. Sidaa darteed, Soofyeetiga iyo dowladihii
la xulufada ahaa waa ay diideen in ay qayb ka helaan kaalmada
Mareekanka uu bixinayay.
5/ 6- 1947-kii, xoghayihii dowladda Mareekanka
George C. Marshall, markii ugu horeesay ayuu ku dhawaaqay howlaha
lagu kicinayo dib u habaynta dhismaha hoose ee dowladaha qaaradda
Yurub. Qorshahaas oo fulintiisa ay socotay muddadii u dhaxaysay
1948 - 1952, ayaa Mareekanka waxaa kaga baxay dhaqaale ka badan
13 bilyan oo doolar. Xoolahaas waxay ku baxeen kaalmo deyn ah
oo loo qaybiyay dhamaan dowladaha Yurubta galbeed. Waxaa halkaas
ka abuurmay xiriir is-kaashi oo xagga dhaqaalaha ah ee dhex-maray
dowladihii deeqdan qaatay iyo Mareekanka oo deeq-bixiyaha ahaa.
Xiriirkaas waxaa lagu magacaabaa ECA (Economic Cooperation Act).