| Cashirkii
1-aad

W/Q Dr Saadiq Enow
Marka la doonayo in si buuxda looga waramo dagaalkii Ogaadeenya
(D. O.), waxaa mudnaan leh in la eego dhamaan xaglaha uu dagaalku lahaa.
Somaaliya iyo Itoobiya oo ku muransanaa gobolka Ogaadeenya, ayaa waxay
ahaayeen kuwii sida gaarka ah ugu qahranaa waleecada dagaalkan. Waxaase
jirtay dowlado badan ee ku weheliyay waldaamintiisa, kuwaas oo ahaa
xoogaggii isku hardafayay Dagaalkii Qaboobaa (D. Q.).
Dagaalka Ogaadeenya wuxuu ahaa kii ugu milgaha culsaa dagaalladii dunida
ka dhacay xilligii uu socday Dagaalka Qaboow. Waxaa xusid mudan in dagaal
kasta oo xilligaas dhacay ay xoogaggii dunida si buuxda u kala safteen.
Dagaalkanse wuxuu ahaa mid gudihiisa ay isku kala fireeyeen labadii
quwadood ee dunida ugu xooga weynaa. Dalkii la oran jiray Midowga Soofyeeti,
oo markuu dagaalka bilowda la dhan ahaa Soomaalida ayaa markuu dagaalkii
dhamaaday ka dhan ahaa. Waxaa taas ka soo horjeeday Mareekanka oo Itoobiya
ku sugnaa bilowgii dagaalka ayaa dhanka Soomaaliya ka soo saftay.
Labada quwadood oo ku hardamayay D. Q. (SSR & USA), waxaa mid waliba
ku daba safnaa ummado badan oo sababo kala duwan iyo doon-doon maslaxadeed,
hiilo la garab taagnaa. Sababahaasi waxay isugu jireen dano siyaasadeed,
dano ciidameed, dano dhaqaale iyo dano diineed. Soomaalidu waxay ahaayeen
kuwo baadi-goob ugu jira baylahdood maqan oo ay muddo raadkeeda hayeen,
taas oo goortii la dhacay iyo raggii dhacayba ay u xusan yihiin. Itoobiya
ayaa iyaduna u muqatay dal difaacaya jiritaankiisa dowladnimo iyo is-heysashada
dalkeeda.
Qarnigii XX-aad, waxaa dunida ka dhacay dagaallo caalami ah, kuwaas
oo galaaftay naf iyo maal badan. Bulshada Soomaaliya, inkasta oo tirada
dadkeedu uu yar-yahay, misana degaanka istraateejiga ah oo ay dadkeedu
ku nool yihiin dartiis, ayaa wuxuu kalifay in ay, qayb aanan la dhayalsan
karin ka qaataan dagaalladii caalamiga ahaa.
Dagaalkii I-aad, kii II-aad iyo Dagaalkii Qaboobaa ayaa waxay yihiin
dagaallada waaweyn ee qarnigii tegay sida xoogan ugu baahay dunida guudkeeda.
Dagaalladii Daraawiishta ayaa waxay socdeen sanooyin badan intuusan
dagaalkii I-aad dunida ka qarxin. Markuu joogsadayna, dagaalladii Soomaaliya
ka socday waa ay ka danbeeyeen. Sidoo kale lix sano horteed ayaa degaankayaga
hur ka baxayay intuusan dagaalkii II-aad bilaaban, kaas oo hardidiisii
ay gaartay dhamaan gobollada Soomaaliyeed. Dagaalkii Ogaadeenya ayaa
isna ah mid taariikhda inoo galay oo safxado badan ka qaatay qoraallada
laga allifay Dagaalkii Qaboobaa.
Sanadkii 1945-kii, waxaa dhamaaday dagaalkii II-aad ee aduunka. Waxaa
halkaas ku soo af-jarmay itaalkii ay lahaayeen dadyowgii dunida ku amar
ku-taaglayn jiray qarniga qaybtiisii hore. Waxaa safka hore kaga jiray
Ingiriis, Faransiis iyo Jabaan. Waxaa isna dagaalkii ku jabay Jarmalka
oo markaas xag dhaqaale iyo xag sancaba ka soo xoogoobayay. Dowladahaas
aanu soo xusnay, xoogoodii wuxuu ku wiiqmay dagaalka. Dabadeed waxaa
halkaas ka abuurmay laba xoog oo cusub. Waa Mareekan iyo Midowga Soofyeeti.
Jarmalka oo ahaa dowladda hurinaysay dabkii dagaalkan ayaa jabay markii
ciidamada labadaas dal ay ku soo biireen gulufyadii colaadeed ee Jarmalka
lagaga soo hor jeeday. Ciidankii Casaa ee Soofyeetiga the red army waxay
u soo dhaqaaqeen galbeed, halka kuwii Mareekanka ay u soo dhaqaaqeen
bari. Dagaalkii wuxuu joogsaday bartamihii sanadkii 1945-kii, markaas
oo ay labada ciidan ku kulmeen webiga la yiraahdo Elbe ee ku yaal bartamaha
dhulkii dowladdii laga adkaaday ee Jarmalka.
Inkasta oo la sheego in D. Q. uu bilowday sanadkii 1945-kii, markaas
oo uu dhamaaday dagaalkii II-aad ee dunida, misana isu muuqashada labada
dowladood ee xooga leh, waxay bilaabatay sanadkii 1948-kii, markaas
oo la dhisay derbigii ku teednaa magaalada Berliin, kaas oo u qeybiyay
degmada laba qeybood (East Berlin & West Berlin). D. Q. wuxuu dhamaaday
sanadkii 1989-kii. Taasina waxay ka dambeysay markii la bur-buriyay
drebigii Berliin, xaafadihii degmadana dib laysugu furay.
Ciidamadii xulufada ahaa oo ka dhanka ahaa Jarmalka, guushii ay ka
soo hoyeen dagaalka, ayaa waxay abuurtay is-tuhun labada xoog ee waaweyni
ay is-dareensadaan. Isu muuqashadooda waxay bilaabatay sanadkii xigay
markii uu dhamaaday dagaalka, taas oo si buuxda u istaagay sanadkii
1990-kii. Ooraahda ah Dagaalkii Qaboobaa the cold war, waxaa bixiyay
nin la yiraahdo Bernard M. Baruch (bishii abriil, 1947-kii), markaas
oo khilaafka labada xoog uu soo if-baxay. Wuxuu ku bilowday muran lagu
difaacayo aragti siyaasadeed iyo isu caga-jugleyn ay weheliso is-hubayn.
Dagaalkan oo ahaa colaad buuxda iyo iska soo hor-jeed dhex yiil Mareekan
iyo xulufadiisa (dowladaha yurubta galbeed) oo dhan ah iyo Midowga Soofyeeti
iyo xulufadiisa (dowladaha yurubta bari) oo dhanka kale ah. Labada quwadood,
waxay muddadaas ka fogaadeen inay si toos ah isu hardiyaan. Waxaa casharro
lama ilaawaan ah u noqday hoog iyo bi´ii ay ka dhaxleen labadii
dagaal ee qaaradda ka huray nuskii hore ee qarniga.
Inkasta oo uu ka dhexeeyay falal colaadeed oo tilmaamaya is-diidanaanta
ay isu qabeen, misana muddadii uu D. Q. socday, quwadahaasi waxay ku
guuleysteen in ay degaamadooda ka fogeeyaan fagaaraha lagu hardamayo.
Falalkaasi waxay isugu jireen dagaallo dowli ah oo dhex mara dowlado
aanan iyaga ahayn, hurin dagaallo sokeeye, howlo jaajuusnimo ah, loolan
siyaasadeed iyo dhaqaale, is-hubayn iyo khilaafaad diblomaasiyadeed,
af-gembiyo ciidameed, saldhigyo laga sameysto dunida dacalladeeda, wada-hadallo
qarsoon iyo fadeexooyin siyaasadeed, kuwo dhaqan iyo kuwo dhaqaale.
Howlahaas ayaa dowlad waliba waxay ku dooneysay wadiiqadii ay kaga gacan
sareyn lahayd tan kale.
Intuusan dagaalku dhamaan, waxaa jiray fadhi ka dhacay dalka Soofyeetiga
oo ay isugu yimaadeen saddex madaxweyne oo ka socday dalalka USSR, USA
iyo UK. Fadhigaas waxaa loogu magac daray magaaladii uu ka dhacay, waxaana
la yiraahdaa Yalta Conference. Mudddada uu socday fadhigu waxay ahayd
4 - 11/ 1945-kii. Hoggaamiyihii Soofyeetiga Joseph Stalin, madaxweynihii
Mareekanka Franklin Delano Roosevelt iyo ra´iisul wasaarihii Ingiriiska
Winston Churchill ayaa halkaas isgu yimid.
Go´aamadii ay madaxdaasi gaareen ayaa waxay ahaayeen kuwo sir
ah oo aanan la baahin sababo ciidan iyo kuwo siyaasadeed awgeed. Waxaa
kamid ahaa in dagaalka la wado illaa ay dowladda Jarmalku shuruud la´aan
isla dhiibto, dabadeedna dalkeeda loo qaybiyo gobollo federaali ah oo
ay dusha ka maamulaan dowladaha xulufada ah. Qorshihii qarsoonaa oo
ay dowladahaasi ku heshiiyeen ayaa dhulkii Jarmalka u qaybiyay afar
qeybood oo maamul dhexe oo ku meel-gaar ah leh, kaas oo wax ka diyaariya
maxkamadihii la saaray denbiilayaashii dagaalka, isla markaasna wuxuu
wax ka qiimeeyay dhaawacii uu Jarmalku geystay. Maamulladaas afarta
ah waxaa kala hagayay Mareekan Faransiis, Ingiriis iyo Midowga Soofyeeti,
waxaana magaalo madax u ahayd Berliin.
Mareekanku wuxuu doonayay oo kale in caalamka uu yeesho ganacsi xor
ah. Hoggaamiyihii Soofyeetiga ayaa arintan ku eegay il ay ka muuqato
kalsooni darro. Sababtoo ah, Mareekanku wuxuu xilligaas lahaa 75 % wax
soo-saarka wershadeed ee dunida. Madaxda Soofyeetigu waxaa u muuqday
haddii ganacsiga dunida uu noqdo mid madax-bannaan, in Mareekanku uu
si fudud seylado ugu helayo wax soo-saarkiisa xooga badan. Isla markaasna
uu sicir jaban ku soo iibsanayo macaadinta uu dibadda uga baahan yahay.
Wada-hadallada ay isugu iman jireen hoggaamiyayaasha dowladaha adkaaday,
ayaa Winston Churchill wuxuu Soofyeetiga ku eedayn jiray in ay doonayaan
in ay ballaariyaan maamulkooda, iyaga oo baahinaya aragtida shuuciyadda
ah. Stalin wuxuu ku dadaalay dhankiisa in uu mag-dhow ka helo wershadaha
Jarmalka. Inkasta oo madaxweyne S. Truman uu arintaas diiday, misana
Stalin wuxuu ogolaaday tanaasulaad waaweyn. Taas oo uu dhaafsiistay
ballan qaad ku saabsan nabadgelyada dalkiisa. Tanaasulka uu Stalin sameeyay
baa waxaa kamid ahaa arimahakan :
Isaga oo ciidamadiisa kala baxay kanaalka la yiraahdo Dardanells ee
u dhexeeya badda Marmara iyo badda Dhexe (Turkiya).
Isaga oo ka kacay dhul uu ka qabsaday Iiraan ee ku yaal waqooyiga.
Isaga oo oggolaaday in uusan Finland ka dhisin dowlad shuuci ah.
Isaga oo oggolaaday in uusan taageero u fidin dhaqdhaqaaqa shuuciga
ah ee ka jira dalka Giriiga oo markaas Ingiriisku maamulayay.
Waxaa kale oo jiray muran ku saabsanaa wejiga ay qaaradda Yurub yeelan
doonto mustaqbalka, gaar ahaan Jarmalka oo ahaa dalkii jabay oo la hooshey.
Waxaa arintaas xigay, in Soofyeetigu uu faraha la soo galo arimaha dowladihii
ka dhisnaa bartamaha Yurub, gaar ahaan degaanka Balkaan. Taasina waxay
ka dambeesay markii ay caga-dhigteen maamulladii shuuciga ahaa ee dowlaaddii
Midowga Soofyeeti ay ka dhistay bariga qaaradda Yurub. Arinta Balkaan,
waxay kordhisay dareenkii dowladaha reer galbeedku ka qabeen Soofyeetiga.
Madaxweynihii Mareekanka S. Truman, ayaa wuxuu gudoonshay in dowladdiisu
ay taageerto halgamada hubaysan oo lagu diidan yahay cadaadiska siyaasadeed.
Aragtidaas oo loo yiqiin Truman-docrine, ayaa soo baxday sanadkii 1947-kii,
waxayna ku wajahnayd ka hor-tagga is-ballaarinta shuuciyadda.
Mareekanka, si uu Yurub uga saaro diiftii badnayd ee dagaalka ka soo
gaadhay ayuu wuxuu diyaariyay mashruucii la magac baxay Marshall Plane,
kaas oo ujeeddadiisu ahayd in qaaradda dib loo dhiso. Waxaa jiray qorshe
arintan hoos tiil oo ahayd in uu caqabad hor dhigo faafidda ay aragtida
shuuciyaddu ku soo baahayso Yurub. Sidaa darteed, Soofyeetiga iyo dowladihii
la xulufada ahaa waa ay diideen in ay qayb ka helaan kaalmada Mareekanka
uu bixinayay.
5/ 6- 1947-kii, xoghayihii dowladda Mareekanka George C. Marshall,
markii ugu horeesay ayuu ku dhawaaqay howlaha lagu kicinayo dib u habaynta
dhismaha hoose ee dowladaha qaaradda Yurub. Qorshahaas oo fulintiisa
ay socotay muddadii u dhaxaysay 1948 - 1952, ayaa Mareekanka waxaa kaga
baxay dhaqaale ka badan 13 bilyan oo doolar. Xoolahaas waxay ku baxeen
kaalmo deyn ah oo loo qaybiyay dhamaan dowladaha Yurubta galbeed. Waxaa
halkaas ka abuurmay xiriir is-kaashi oo xagga dhaqaalaha ah ee dhex-maray
dowladihii deeqdan qaatay iyo Mareekanka oo deeq-bixiyaha ahaa. Xiriirkaas
waxaa lagu magacaabaa ECA (Economic Cooperation Act).
Waa socotaa ......................................
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|