Dagaalkii Qaboobaa, ummado badan ayuu dhibaato
u geystay, isaga oo ku keenay dhaawacyo culus hannaankii nololeed
iyo kii dhaqan-dhaqaale oo ay hiddaha u lahaayeen. Taasina waxay
ka dambeysay dowladihii tabarta yaraa ee madax-bannaanida qaatay
ayaa siyaasad ahaan waxay u diidanaayeen dowladihii gumeysatada,
iyagoo u janjeersaday aragtidii dowladihii reer bariga. Isla
markaas dhaqaale ahaan waxay ku xiraayeen dowladaha reer galbeedka.
Mid kamid ah sababihii ugu horeeyay is-diidkii siyaasadeed
ee ka dhex-dhacay xoogaggii xulufada ahaa ee ku adkaaday dagaal-weynihii
dunid ee labaad (1939-1945), waxaa kamid ahaa isku-qabsigii
ka talinta dhulalkii uu Talyaanigu ku haysatay dul-maamulka
(Soomaaliya, Eriteriya iyo Liibiya).
Liibiya markii ay xoriyad heshay, Eriteriya waxaa federaal
lagala dhigay maamulkii Itoobiya oo uu Xayle Selaese boqorka
ka ahaa. Soomaaliya waxay noqotay meel kale oo muran xoogan
ka dhex abuurta siyaasaddii ay ku wada socdeen dowladihii xulufada
ahaa. Ingiriiska oo markaas gacanta ku hayay dhamaan gobolladii
Soomaaliyeed, marka laga reebo, ayaa wuxuu soo bandhigay taladiisii
ahayd in isaga faraha looga qaado maamulka gobolladan, dabadeedna
uu gaarsiiyo dowladnimo buuxda.
Faransiiska oo markaas Jabuuti gacanta ku hayay ayaa qaatay
aragti ah in talada Soomaaliya la hoos geeyo Qaramada Midoobay
Q. M. Soofyeetiga, wuxuu raacay taladii Faransiiska, wuxuuse
ku darsaday in muddadaas la sameeyo maamul daakhili ah oo Soomaalidu
ay iyaga is-maamulaan. Mareekanka ayaa markaas soo bandhigay
talo ah in gobollada koonfureed iyo kuwa bariga iyo bartamaha
loo celiyo Talyaanigii laga qabsaday. Sababtu waxay ahayd hiilo
uu u geysanayay Talyaaniga si xisbigii dalka qabtay dagaalkii
kadib oo ahaa Christian Democratic uu u helo qaab uu ku hanto
maamulka dalkiisa.
Waxaa kale oo jiray dhambaal uu xambaarsanaa go¡äaanka
Mareekanka, kaas oo ah in Ingiriisku garto in uu dhamaadey xilligii
uu siyaasadda dunida ka ahaa kabiir wax yeeriya. Mareekankana
uu safka hore kaga jiro dowladaha kala wareegaya xilkaas. Sidaas
ayay Soomaaliya waxay kaga mid noqotay dhibanayaashii ugu horeeyay
ee uu Dagaalkii Qaboobaa ku reebay raad xoog badan. Gobolkan
Ogaadeenya ayaa wuxuu yahay mid si toos ah iyo si dadbanba uu
u dhaawacay dagaalkaas. Ayaan darrada aanu la wadaagno dad-yowga
dhlkooda laysku haystay waxaa inoo dheer, dowladihii xulufada
oo dhamaantood u janjeeray hiilka Xabashida. Waxaa taas ka culus
hiilada ay ka heleen caqliga Soomaaliyeed ee guracan ee aanan
qaan-gaarin. Caqliga ku dabran is eegasho gudaheena ah iyo u
adeeg dan gaar ah. Qoraalladeenaan hore waxaanu wax kaga xuseynaa
ummadihii uu gaaray dhimbilihii dagaalkaas iyo is maan-dhaafyadii
uu ku reebay dowladihii adkaaday.
Bartamihii sanadkii 1948-kii, waxaa dhimbil muran keentay ay
ka shidantay magaalada Berliin. Dowladdii Soofyeetiga ayaa xayiraad
ku soo rogtay gaadiidkii dhulka ee u kala shaqaynayay gobolladii
Jarmalka Galbeed iyo xaafadihii galbeedka kaga yiil degmada
Berliin. Waxaa xusid mudan magaalada Berliin, inkasta oo afartii
xoog ee adkaaday ay wada galeen, misana ay bartamaha kaga tiil
dhulkii ay ciidamada Soofyeetiga qabsadeen. Taasi waxay magaaladii
ka dhigtay jasiirad ku dhextaal bad-weyn ciidamadii casaa ah.
Xiriirkii oo xumaaday darteed, Soofyeetiga waxay maamulkii xulifada
oo reer gelbeedka ahaa ka reebeen in ay xagga dhulka ugu kala
gooshaan degmada iyo gobolladii ay haysteen.
27/ 6- 1948-kii ayay xayiraadaasi bilaabatay. Arintaasi waxay
ka danbeysay markii ay dowladihii reer galbeedka ahaa damceen
in ay Jarmalka u sameeyaan lacago mid ah. Soofyeetiga ayaa markiiba
lacag u soo daabacay degaankii uu isagu maamulayay ee ku yiil
dhanka bari. Taasina wuxuu uga dan lahaa in kala gooynta Jarmalka
ay noqoto qadiyad aanan dood gelin.
Dhibaatada xayiraadda waxay socotay tan iyo 1/ 5- 1949-kii.
Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu dagaal maskaxeed ku
qaado reer galbeedka. Wuxuu bedelay muuqaalkii ay lahaayeen
xaafadahii magaalada Berliin. Wuxuu dhisay derbi weyn oo taagiisu
yahay 4 m. oo magaalada kala teeda. Dhanka bari waxay noqotay
meel uu fadhiyo maamlkii isaga la xulufada ahaa. Dhanka galbeed
oo ay ku noolaayeen dad laba melyan gaaraya, ayaa muddadaas
laga quudinayay xagga hawada. Muddadii ay xayiraadu taagnayd,
daqiiqad walba dayuurad xamuul ah ayaa soo caga-dhiganeysay
gegida dayuuradaha ee Berliin. . (Swedish National Encyclopedia.
1993. Vol. 2, p. 467).
Dowladihii reer galbeedka waxay xayiraadan kaga jawaabeen in
sanadkii xigay ay Jarmalka ka dhisaan dowlad isu-tag ah oo ka
kooban gobolladii ay kala haysteen. Waxaa halkaas ku baxay magaca
Dowladda Federaaliga ah ee Jarmalka. Isla sanadkaas waxaa la
dhisay is-bahaysiga ciidameed ee North Atlantic Treaty Organisation
NATO.
Sanadkaas waxaa dhacay kacdoonkii degmada Parag oo markaas
ahayd magaaol-madaxdii dalkii la oran jiray Tjeckoslovakia.
Dad-weynaha kacdoonkaas dhigay waxay diidanaayeen maamulkii
shuuciga ahaa ee halkaas ka dhisnaa. Waxaase cadaadiyay ciidamadii
Soofyeetiga oo si toos ah ugu soo hiiliyay maamul ay dhiseen
rag shuuciyiin ahaa. Dad gaaraya 100.000 ayaa loo taxaabay xabsiyada
iyo shaqooyinka culus. Isla markaas dowladdii Soofyeetigu waxay
bilawday in ay bariga Yurub ka dhisto dowlado sita magac dimoqraadiyadeed
oo hal xisbi u taliyo.
Dhismaha is-bahaysiga NATO, Soofyeetigu waxay kaga jawaabeen,
in gobolkii ay ka haysteen Jarmalka ay ka dhisaan dowladdii
la oran jiray Dowaladda Jarmalka Dimoqraadiga. Waxaa kale oo
ay dhiseen is-bahaysigii dhaqaalaha oo la oran jiray COMECON
(The Council of Mutual Economic Cooperaion), kaas oo ku dhisnaa
wax is-dhaafsi iyo qeybsi wax soo-saar.
Sanadkii 1955-kii, dowladdii Is-bahaysiga ee Jarmalkii galbeed,
waxay ku biirtay is-bahaysigii ciidamada ee NATO. Soofyeetiga
ayaa arintan kaga jawaabay in uu dhiso is-bahaysigii ciidameed
ee dowladihii reer bariga oo la oran jiray WARSZAWA. Waxaa halkaas
ka abuurmay labo xulufo oo haysta hub halis ah, kuwaas oo Yurub
bartamaheeda degay, isla markaasna aragtidooda siyaasadeed ay
is diidan tahay.
Bilowgii sanadkii 1950-kii, Mareekanku wuxuu heshiis la dhigtay
Jabaan. Heshiiskaas waxaa ku xusan in Mareekanku ka helo dhulka
Jabaan saldhigyo ciidameed oo uu muddo dheer fadhiyo. Taasi
waxay ka caraysiisay dowladihii shuuciga ahaa, gaar ahaan Soofyeetiga
iyo Shiinaha. Dabadeed iyada oo aanan wax sabab ah oo horaysay
eeyan jirin, ayaa dowladda Waqooyiga Kuuriya ay bartamihii sanadkaas,
ku duushay Kuriyada koonfureed. Markaas dowladda Waqooyiga Kuuriya
waxay sheegatay in iyada lagu soo duulay, runtuse waxay ahayd
in Soofyeetiga iyo Shiinuhu ay gadaal ka taagnaayeen iyaga oo
kaga jawaabayay heshiiskii Jabaan.
Markiiba, dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska ayaa si buuxda
ugu hiiliyay Kuuriyada Koonfureed oo ciidamo u diray, iyaga
oo weliba ogolaansho ka haysta Q. M. Markaas waxaa bilowday
in Dagaalkii Qaboobaa uu ka soo wareego Yurub, isaga oo u soo
tallaabay dowladihii ku yiil bariga fog.
Inkasta oo goor danbe ay kala furteen, misana xiriirkii ku
dhisnaa aragtida shuuciyadda ah ee dhex-maray Soofyeetiga iyo
Shiinaha ayaa culays ku kordhiyay miisaankii ay lahayd dowladda
Soofyeetiga. Taas ayaa ka danbeysay in Shiinaha ay ku fekeraan
fara-gelinta siyaasadda dowladaha la deriska ah. Taasi waxay
sabab u ahayd dagaalkii Kuuriya iyo kii goor danbe ka dhacay
Fyetnaam.
Dagaalkii Kuuriya dabadeed, waxaa bilaabatay in labadii xoog
ay qolo waliba adduunka kale ka raadsato xulufo ay is bahaystaan.
Mareekanka oo loolankan bilaabay wuxuu saaxiibo ka raadsaday
waddamada ku yaal bariga fog. Sanadkii 1954-kii waxaa magaalo-madaxda
Filibiin (Maniila) lagu saxiixday heshiiskii la magac baxay
SEATO (South East Asia Treaty Organisation). Dowladaha ku bahoobay
heshiiskan waxay ahaayeen Mareekan, Ingiriis, Faransiis, New
Zeeland, Bakistaan, Awstreeliya, Taylaand iyo Filibiin. Sanadkii
1955-kii waxaa kale oo la dhisay is-bahaysigii Baqdaad oo ay
bilaabeen Turkiya iyo Ciraaq. Waxaa goor danbe ku soo biiray
Bakistaan, Iiraan iyo Ingiriis. Labadaas is-bahaysi waxay ka
dhan ahaayeen Shuuciyadda.
Kadib markii ciidamada Soofyeetiga ay ku guuleysteen in ay
dhisaan gantaallada qaaradaha isaga tallaaba, kaas oo gaari
kara dhulka Mareekanka, waxaa bilaabatay in labada dal ay kala
cabsadaan. Waxay hakad badan geliyeen hanjabaad ay is-dhaafsan
jireen, taas oo dhalin kartay in ay dagaal furan isaga hor yimaadaan.
Labada maamul waxaa u muuqatay in uusan midkoodna bad-baadeyn
haddii ay diriraan. Muddadii uu socday D. Q., marna labadaas
xoog dagaal furan isagama hor iman. Waxaase jirtay in uu mid
walba taageerayay dhinac kamid ah dagaalladii dunida ka socday,
iyadoo kan kalena uu dhinaca kale la safnaa. Taageerada dowladahaasi
waxay isugu jirtay bixin jaadad kala duwan oo hub ah, kaalmo
dhaqaale iyo waxbarasho aqoonta kala duwan ee ciidamada.
Soofyeetiga oo markaas dareensanaa in reer galbeedku eeyan
weli aqoonsan awooddiisa ayaa isna dhankiisa dadaal ka muujiyay
sidii uu raad siyaasadeed ugu yeelan lahaa siyaasadda dowladaha
aduunka saddexaad. Taasi waxay kaliftay afgembiyadii ciidamada
ee ka dhacay waddamada Carabta iyo qaaradda Afrika, kuwaas oo
hir-gelintooda ay ku beegnayd sanadihii 50-aadkii iyo 60-aadkii.
Bilowgii sanadihii 60-aadkii, Mareekanka ayaa bilaabay falal
kuwaas lamid ah. Wuxuu la beegsanayay dowladaha u janjeera siyaasadda
Hanti-wadaaga ah. Sanadkii 1963-kii, waxaa af-gembi ku dhacay
dowladda Grenada. Sanadkii 1965-kii, waxaa la af-gembiyay dowladdii
Domenika. Waxaa jiray af-gembi lala damacsanaa dowladda Kuuba
sanadkii 1961-kii, kaas oo fashilmay. Af-gembiyadaas ayaa dhamaantood
waxaa ka dambeeyay Mareekanka.
Geeridii Stalin dabadeed, xisbigii shuciga ahaa wuxuu hoggaamiye
u doortay Nikita Khrshchev, kaas oo sanadkii 1956-kii ku dhawaaqay
in hanti-wadaaga iyo hanti-goosigu ay wada noolaan karaan iyaga
oo aanan wax dagaal ah dhex-marin. Taasina waxaa mahadeeda leh
shuuciyadda oo yeelatay xoog aanan la dhayalsan karin. Taasi
waxay neef ku afuuftay rajo ah in labada xoog ay wada shaqeyn
dhex-marto. Waxaa kale oo jiray damac waalan oo labada xoog
ay ku doonayeen in ay iyagu buuxiyaan meelihii ay baneeyeen
quwadihii gaboobay (Ingiriis iyo Faransiis).
Dagaalkii biya-mareenka Suweys ayaa kamid ah dhacdooyinka uu
reebay D. Q. hogaamiyihii dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir, oo
ku dhawaaqay in uu qarameeyay maamulka biya-mareenka Suweys.
Dhacdadaas waxay ku beegneyd 26/ 7- 1956-kii.
Waxaa jiray shirkad Ingiriisku ah oo gacanta ku haysay maamulka
biya-mareenka. Dowladdii Masar ayaa waxay eriday shaqaalihii
shirkadda. Ingiriiska oo falkaas ka xumaaday ayaa duulaan ku
soo qaaday Masar. Wuxuu horay u soo kaxaysaty Faransiiska oo
ka xumaa taageerada ay Masaaridu siinayeen jabhaddii gobanimo-doonka
ahayd ee Jasaa¡äir. Dowladda Israa¡äiil ayaa iyaduna
is tusisay in ay fursadda ka faa¡äiideysato si ay ugu wiiqdo
awooda cadowgeeda la deriska ah midka ugu weyn.
Muddadii u dhexeysay 22-kii iyo 25-kii oktoober, waxaa socday
duulimaad xagga cirka ah oo lagu duqeynayay degmooyin ku yaal
waqooyiga Masar. 29/ 10- 1956-kii waxaa bilaabatay in ciidamada
Ingiriiska ay qabsadaan degmooyinkii ku yiil daanka biya-mareenka
oo ay ugu horeysay Bur-saciid. Israa¡äiil ayaa iyaduna
dhl weyn ka qabsatay lama-degaanka Siinay.
Laba fikrad ayuu dagaalkaas soo kordhiyay. Mid waxay ahayd,
madax-bannaanida la siiyay dowladaha aduunyada saddexaad in
ay tahay mid siyaasadee oo eeyan ahayn mid dhaqaale. Haddiise
ay doonayaan madax-bannaani dhaqaale waa in ay halgankii ay
galeen mid lamid ah isu taagaa. Oo ay diyaar u ahaadaan dagaal
furan oo ay la galaan dowladaha gumeysatada ah. Midda labaad
waxay tahay quwadihii cusbaa (USA & USSR) oo isu diyaariyay
in ay bedelaan kuwii gaboobay. Taasina waxaa tilaamay mowqifkii
midka ahaa oo dowladaha Mareekanka iyo Soofyeetiga ay ka qaateen
dagaalka biya-mareenka. Labadaas dowladood ayaa si buuxda ugu
caga-jugleeyay Ingiriis iyo Faransiis. Waxay ku khasbeen in
ay xushmeeyaan madax-bannaanida Masar, kana soo baxaan meelaha
ay ciidamadooda geeyeen. Sidoo kale ayaa Israa¡äiilna looga
saaray dhulkii ay boobtay ee lama degaanka Siinay.
Waa socotaa ......................................
Cashirkii
1aad
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com
|