Dagaalo xoogan oo ka socda maagaladda Woldiya dhulka Amxaarada

Monday, December 4, 2017       Views
Spread the love

Wararka Qorahay Media ka helayso gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal culus oo fooda laysku daray in uu ka dhacay deegaanka Amxaarada gaar ahaan magaaladda lagu magacaabo Woldiya dagaalkan ayaa la sheegayaa in gacanta laysula tagay shacab gadoodsan oo diidan gumaysiga & askarta gumaysiga Itoobiya oo xabado ooda kaga qaaday.

amxaaro1

Waxaa la gubay sida wararku sheegayan guro & meherado ganacsi xaaladuna waa mid cakiran oo isku badashay kacdoon xoogan oo dadku ku dhawaaqayaan doonimayo gumaysiga & dabadhilifka la socdo, dooni mayno Wayaane (Tigree), sida aan wararka ku helayno xaaladda deegaanada Amxaaradda ayaa aad u kacsan waxaana socda aloole ka dhan ah gumaysiga Itoobiya oo qawmiyada Amxaaladu si dhab ah u diidan tahay.

amxaaro2

Isku soo wada duboo xaaladda gumaysiga Itoobiya ayaa meel halis ah gashay waxaana meelo badan oo dalka ah ka socdaan dagaal laysaga dulqaadayo heeryadda gumaysiga dagaalka ugu badana ee ay shacabku ku diidan yihiin wuxuu ka socdaa deegaanada Oromia oo meelo badan ay xidhan yihiin isku socodka gaadiidka.

Qorahay Media

1,728 total views, no views today

FacebookTwitterGoogle+Share

Comments are closed.

[wpp]