12-12-2007
(QOL) Maanta
oo arbaca ah waxay ku beegan tahay 12/12/99 markii shabagadda
warbaahinta ee Qorahay Online ay si toos ah ay hawada u
gashay islamarkaasna ay biloowday in ay baahiso dhammaan
wararka caalamka si dadka Soomaliyeed ee ku dhaqan dunida
dacaladeedda ay si fiican ay ula socdaan wararka ka jira
gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Ogaadeenya & Soomaaliya
oo ah meelo dhibaatooyin badani ka taagan yihiin gaar ahaan
Ogaadeenya oo ka socdo dagaal mudooyinkii dambe aad marba
marka ka dambaysa sii badanaya.
Tan iyo wixii ka dambeeyey xilligii dhidibadda loo aasay
warbaahinta Qorahay Online
waxay bulsha waynta Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee ay
ka haqab tirtay dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen
haddii ay tahay, Warar xaqiiqo ah, Suugaan, madadaalo, Gabayo
wadani ah Waraysiyo iyo waliba Faalooyin hadba lagu eegayo
heerka ay marayso, taasi oo keentay in dadka sida gaarka
ah ugu xiran Website-ka ay waraaqo dhambaalo ah ay ku soo
gaarsiiyaan
Warbaahinta caalamiga ah ee Qorahay Online ayaa waxaa mudooyinkii
ugu dambeeyey ka howlgalayey wariyayaal xirfad u leh waxyaabaha
ay qabanayaan, kuwaasi oo wararka uga soo diraya goobo kala
duwan oo ka mid ah caalamkan aynu ku nool nahay si dadka
loo gaarsiiyo hadba wixii cusub ee dunida ka dhaca.
Magaaladda Nairobi ayaa waxay ahayn muddooyinkii ugu dambeeysay
meelaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan ay sida wayn ay
uga booqdaan Shabagadda Qorahay Online, si ay uga dheehdaan
wararka ay u baahan yihiin, maadaama ay warbaahintaasi tahay
kuwa ugu faca wayn marka la eeggo shabagadaha kale ee haatan
hawada ku jira ee Soomaaliyeed, Waxaanna shabagaddan lagu
amaanay dhexdhexaadnimo iyo soo tabinta wararka deg degga
ah ee gobalka Geeska Afrika ka jira, maadaama ay goob walba
ku leeyihiin saxafiyiin uga soo warrama.
Waxayna haatan mas"uuliyiinta Shabagadda warbaahinta
ee Qorahay Online ay u ballan qaadayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed
ee sida tooska ah ugu baahan waraka iyo barnaamijyadda shabagadda
Qorahay Online in ay sare u sii qaadayaan howlaha ay u hayaan
bulsho waynta soomaaliyeed
Waxay shaqaalaha bogga Qorahay Online tahniyad & bogaadinba
u dirayaan dhamaan Wariyaasha Qorahay Online, iyo tafatirayaasha
boggan oo runtii soo qabtay arimo aad mihiim u ah lana iloobi
karin taas oo ay u qabteen umadooda.
Sidoo kale waxaan salaamaynaa dhamaan Akhristayaasha Qorahay
Online anaga oo u balan qaadaynaa in aan sii laban laabno
da-daalka aan ku jiro oo ah sidii aan idiinka haqab tiri
lahayn hadba wixii soo kordha.
Hadii aad doonayso in aad u tahniyadayso Qorahay Online
u dir e-mailka ah qorahay99@yahoo.com
Hambalyo Hambalyo Hambalyo Qorahay Online.
Maamulka
Qorahay Online
|