Contact: As Taariikh Tafsiirka -Studio Qorahay - Opinion/Fikradaha - Dagaalkii Ogaadeenya - OHRC - Duljoogso Sports Qorahay Web TV

 

 


 

 

 

Ururka Dhalinyarada Jubaland (JYL) oo shir si weyna looga soo qeyb galay Magaalada Nairobi ku qabtay.

Dec 1, 2012 (QOL) Waxaa Maanta shir balaadhan lagu qabtey Magaalada Nairobo ee Xarunta wadanka Kenya, Shirkaas oo ay Soo abaabuleen Ururka Dhalinyarada Jubaland (JYL) oo ah Urur dhalinyaro oo ku midoobeen magacaas ku mkidoobay isla markaasna sanadkii 2004 Magaalada Afmadoowlagu aas-aasay.

Shirkan maanta Nairobi lagu qabtay ayay ujeediisu ahayd dhaw qodob oo ay ka mid ayaaheen .Taraageerid Maa'mul u sameenta Gobalada Jubalaand iyo Canbaareen Faragalinta lagu hayo Maa’mul u sameenta Gobalada Jubaland.

Shirkan oo ahaa mid aad loo soo agaasimey si heer sare ahna looga soo qeyb galay dadkii ka qayb galay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Mohamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah Xildhibaanada cusb ee Barlamaanka Dalka Somaliya kana soo jeeda Dowlad Gobaleedka Jubaland.

Xildhibaan Mohamed Shuuriye oo maanta nasiib u heley in uu shirka Ururka Dhalinyarada Jubaland qudbad ka jeediyo noqdana xildhibaankii ugu horeyay ee ka soo jeeda Gobalada Jubaland ee la kulma dhalinyaro aad u tiro badan is koodna isu abaabulay hadafkooduuna yahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen shacabka Jubaland ayaa Dhalintii shirka sooqabanqaabisay aad uga mahad celiyay.

Xildhibaanku wuxuu sheegey in Dhalinyaradani yihiin Mustaqbalka Somaalia gaar ahaan Gobalada Jubaland wuxuuna xusay xildhibaanada Jubaland ka soo jeeda ay in hiil iyo hooba ku taageerayaan Dhalinyaradan is xil qaantay ee dadaalka baadn muujiyay.

Shirka waxaa kale oo ka qeyb gashay martisharaf farobadan oo bulshada qeybaheeda kala duwan ka koobnayd sida Cuqaasha, Aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada oo iyagu shirka soo abaabulay.

Isku soo duuboo shirkan oo ahaa shirkii ugu balaadhnaa ee ururka Dhalinyarada Jubaland ku qabteey Nairobi ugna saamaynta balaadhnaa ayaa ku soo dhamaaday guul iyo Jawi Farxadeed waxaanad Warbaahinta Qorahay Media kala socon doontaan Marnaamij muhiim ah oo aanu shirkaas ka soo diyaarinay.

Askari Abdullahi
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

 


   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online