Dec 2, 2012 (QOL)
Waxaa Lagu qabtay shir Aad caalami u ah oo lugu qabtay gobalkaVictoria,
magaalada Melbourne. Shirkaas Ayaa soo abaabulay hay'ad
u shaqeysa Qeybaha xaquuqul insaanka ' Humanitarian Crisis
Hub' islamarkaana ku casumay Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda
Soomaalida Ogadenia ee Melbourne iyo jaaliyada Soomaalida
Ogadenia ee Victoria. Shirkaas Ayaa waxaa ka qeyb galay
Naima Mohamed ismaciil, Luul Abdi Macali,, Sumeya Abdi Macali,
iyo Hani Cabdulahai Macalim oo matalayeey dhamaan jaaliyada
Soomaalida Ogadenia ee Australia, Ururka Haweenka Soomaalida
Ogadenia ee Australia iyo Ururka OYSU ee Pacific. Shirkaas
Ayaa muhiimadiisa aheyd in looga hadlo isbadalkanka eey
Dumarka ku soo kordhin karaan bulshada, gaar ahaan bulshada
Durmarka lagu hayo cunaqabateen, faraxuumeen sida kofsiga.
Waxaa ka soo qeybgalay shirkaas dumar ka socda
wadamada dumarka dhibaatooyin lagu hayo sida Afghanistan,
Pakistan, Iran, Congo. Waxaa shirka furay gudoomiya Ururka
'Crisis Hub' Denise. Waxeeyna u mahadcelisay dhamaan Dumarka
ka soo qeybgalay shirkaan. Waxay kaloo Denise taabatay in
hormar iyo isbadal eey dumarka gaarsinkaraan bulshada eey
ku noolyihiin. Waxeey halkaass ku soo qaadatay tuusaalo
Ururka Haweenka Afghanistan iyo sida wanagsan eey Isbadal
iyo hormar u gaarsiyeen dumarka ku nool Afghanistan. Shirkaan
Ayaa aha' mid dumarka kaladuwan oo ka socday jaaliyaadka
kaladuwan ee ku nool dalka Australia ey dood iyo cilmi isweydaarsadan,
waxaana dooda hogaaminayeey Naima Maxamad Ismail oo matalaysay
jaaliyada Soomaalida Ogadenia, OYSU Pacific iyo Ururka Haweenka
Soomaalida Ogadenia ee Australia.


Waxeey u aheyd fursad qaali ah dhamaan jaaliyada Soomaalida
Ogadenia ee Australia, waxaana dhamaan
xubnaha ka qeyb galay shirka ey u soo hoyiyeen guul. Waxeey
xubnaha la kulmeen Steph oo ka socoto Oxfam Australia oo
halkaas si mug leh ay xubnaha ogala hadleen Ogadenia iyo
xaaquuq la’aanta ka jirta. Naciima iyo Luul ayaa halkaas
ka soojeediyeey warbaxeen ku saabsan dhibaatooyinka lagu
hayo shacabka Ogadenia iyo sida Jaaliyaadka S/Ogadenia iyo
uru hoosaasyada hoosyimaada ay isku abaabuleen una u istaageen
in ey dhibaatooyinka shacabka Ogadenia wax oga badalilahaayeen.
Waxaa kalo kalkaas ku so badhigeen xubnaha shirka urur ey
haweenka iyo ciyaalka S/Ogadenia lagu talagay seey hormarka
dumarka iyo ciyaalka.
Waxaan sodiri doona qoraal kusaabsaan qodabadii shirka oo
ku qoran Afka Engriska mardhow ee ha kafogaanin Qorahay
Media.
Qeybta Halganka Dumarka Ogadenia waa mid lagu qoridoono
buugga taarikhda Adaanku.
Guul iyo Gobanimo


Leyla Abdi
Qorahay Media
Melbourne