Dagaal beeleed qasaare xoogan gaystay oo ka dhacay Tuulada Baaldheer oo Gobolka Galguduud ka mid ah.

Dec 2, 2012 (QOL) Dagaalo beeleedyo qasaaro xoogan ayaa kadhacay deegaano kamida gobolada dhexe ee soomaaliya wararka naga soogaaraya hospitaalka Cadaado ayaa sheegaya in ay isa soo tarayaan qasaarihii ka dhashay dagaal beeleedyo ka dhacay tuulooyin ku dhaw dhaw degmada cadaado ee Gubolka Galguduud Cadaado.

Qasaaraha uu dagaalkaasi gaystay ayaa gaaraya 25 waxaaan baajinta dhiig kale oo dadka walaalaha ah ay iska daadiyaan ku hawlan kana hadlay Madaxwaynaha Maamulka Xibin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Tiicey oo sheegay in xilligan ay dadaal xoogan ugu jiraan joojinta dagaalkaas isagoo xukuumada dhexe ee Soomaaliya kadalbaday in aydagaaladaas soo faro galisosi loo bajiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi wuxuu sheegay in ay coolaadani tahay mid qatar badan leh oo hadii aan si dhab ah looga hawlgalin siifidi karta isla markaasna siihurin karta dagaaladii sokeeye ee guud ahaan dalka Soomaaliya ragaadiyay

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online