Dec 2, 2012 (QOL)
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,midnimada iyo cadaaladacodka
inta damiirka,dareenka wadaniyadeed iyo qiirada nool lehwaxaanu
halkan baaq nabadeed uga soo gudbineeynaa beelaha Walaalaha
oo degaamadda Mareer iyo Belalder ku dagaalamaayakhasaare
weyna ka dhashay mashaqadaas xanuunkeeda leh eynahaboon
tahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalkaas(dadka
walaalaha ah,degaan wadaaga ah,daaq wadaaga ah,ceel wadaaga
ah iyo ehelnimo wadaagaba.
Waxaanu
ugu baaqeeynaa Culimaa-udiinka,hogaanka dhaqanka, waxgaradka,ururadda
bulshadda iyo guud ahaanba inta caqliga fiyoow leh kana
dhoow degaankaas ineey kaalintooda qaataan gacan ka geeystaan
xakameeynta mashaqadaas khasaaraha weyn dhalisay,anagoo
si weyn halkan canaan uga soo jeedineeyna dowlada Federaalka
Somaaliyeed gaar ahaan Madaxda sarre iyo Wasiirka Arr.
Gudaha oo kaalintoodii masuuliyadeed ka gaabiyeey,xilkii
ka saarnaa wax ka qabashadda mashaqadaasna runtii ka seexday
waana arrin ayaan daradeedda,garasho xumadeedda iyo dayacaadeedaba
leh, sidoo kalle Barlamaanka Federaalka ayaa xil loo igmaday
ka seexday siiba wax ka qabashadda mashaqadaas,iyadoo hogaanka
sare dowlada, Qeybo Barlamaanka ka mid,qurba joog qabyaaladi
qaaday iyo Tv-ga Al-XasaridTV (Ex-UniversalTV) ku mashquuleeyn
dhibaateeynta iyo khalkhal gelinta arrimaha Jubbaland iyo
ku xadgudbida dastuurka iyo hanaanka Federaalka ahba.

Waana arrimo fara-gelin iyo dhibaato abuurid
ku saleeysan iyo sidii loo kala fogeeyn lahaa bulshada J/Land
qorshahooda aayo ka tashigoodna looga dumin lahaa,balse
nasiib wanaag midnimo adkeeyn iyo isku duubni ayeey ku biirisay,waxaanu
Tallo ahaan ugu soo jeedineeynaa Hogaanka Dalka in eey ku
dadaalan ku dhaqmida nidaamka dastuurka dalka isla markaana
gartaan in eey Xilka u hayaan Ummadda Somaaliyeed oo dhan(Il
keliya wax u eegidu dhibkeeda ayeey leedahay iyo aragti
xumadeedaba).
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Dec-02-2012.