Urur waynaha Oysu_Finland oo doortay maamul cusub.

Dec 3, 2012 (QOL) Waxaa sabtidii si habsami leh u dhacay doorashadi urur wayanaha OYSU Finland oo ka dhacaday magalaada Helsinki. dalkaasi Finland Shirkaas oo si weyn uga soo qayb galeen dhamaaaan xubnaha ururka dhalinyarta iyo ardayda S.Ogadeenya.

Xiligaas oo ay ahayd xili cimiladu aad u qaboobayd oo baraf aad u badani da`ayay, hase ahaate dhalinta oo muujisay dhabar adayg iyo dadaal dheeraad ah. dareensana dhibatooyinka laguhayo shacabka dulam een waxba galabsan, Shirkaas oo ku furmay ayadaha qur`aanka iyo wacdi diini ah muddane C/rashiid ,

Sidoo kale goobta waxaa kabaxay siminaaro kala duwan oo ka mid ahaa doorka dhalintu kuleedsahay halganaka xaqa ah ee ka socda ciida ogadeniya. waxaa kale oo meesha kahadlay masuliyiin ka socotay jaaliyada iyo ururka hooyooyinka.

Waxaa iyana goobtaas lagu soo bandhigay wax qabadki iyo yoolka uu hiigsanayo ururka oo ay dhalinyaradi goobta joogtay aad u jecleeysteen. kadibna waxaa loogudagalay doorashadi Oysu_Finland, islamarkaana lagudoortay xoghaye Muddane Yuusuf Ahmed iyo maamulka intiisa kale.

Sido kale waxay gudiga cusubi wacad ku mareen in ay u istagayaan qadiyada shacabka Ogadeniya.
Gabagabadi iyo gunaanadki kulankaas ayaa wuxuu ku soodhamaaday guul iyo gabanimo.

Qorahay Media
Helsinki,Funland
Khadar Gulside

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online