Shirkii Bilaha Xarunta Jaaliyada Somalida Ogadenia oo ka dhacay Nairobi Guula ku soo dhamaaday.

Dec 3, 2012 (QOL) Waxaa maalintii shalayto ay Taariikhdu aheed 2-12-2012 lagu qabtay Shir balaadhan oy intabadan Ka sooqeyb galeen Xubnaha Xarunta Jaalliyada Somaalida Ogadenia ee Bariga Africa.

Shirka ayaa ka dhacay Hotelka Binu Cali ee ku yaala Badhtamaha Xaafada Islii ay Somaalidu ku badan tahay, shirka oo biloodey Abaare 8:30duhurnimo waxaa shir gudoomin hayay Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadenia ee Bariga Africa En:Ahmed Saadiq Faarah,Gudoomiyaha ayaa Xubnihii Shirka ka soo qeybgalay uga warbixiyay Xaladihii ugu danbeeyay ee Halganka lagu xoreenhayo Ogadenia Dal iyo Dibadba.

Shirka Bilaha jaaliyada waxaa ka soo Qeybgalay Gudoomiyaha Hay’ada Daryeelka Agoonta iyo Naafada Bariga Africa Dr: Sheekh Abdirahman oo ka warbixiyay wax qabadka hay’ada uu masuulka ka yahay iyo waxyaabihii ay uqabatay Danyarta geeska Africa ,Gudoomiya oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegey in ay dhibaato aad ubadan ka jirto xeryaha Qaxootiga dhadhab ee Dalka Kenya,waxuuuna ka codsadey Qorbajoogta aduunka Ku baahsan in ay soo caawiyaan dadkasi ku dhibaateysan xeryahay Qaxootiga ee ka Gooban bulshada Nugusha ah.

Shirka oo Arimo badan lagu lafaguray oy kamid aheed wax qabadka xubnaha jaaliyada waxaa la’isla Qiray in jaaliyadu bihihii udanbeeyay ku talabsatey talaabooyin kii loobaahnaa, waxaana Holka uu shuku ka dhacayay Shahaadooyin lagu gudoon siiyay xubno katirsan xarunta Jaalida Somaalida Ogadenia xubnaha ayaa ku muteystey Abaal marinta Shaqo wanaag ay layimaadeen.

Is ku soo duuboo shirka oo ahaa shirkii bilaha ee jaalida somaalida Ogadenia Bishiiba halmar Qaban jirtey ayaa shalayto ka dhacay Hotel Binu cali oo ku yaala xaafada islii Guula ku soo dhamaadey.

Askari Abdullahi
Qorahay Media
Nairobi, Kenya


 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online