Kulan Bileedkii Hawladeenada Qorahay Media oo xalay lagu qabtay khadka isgaadhsiinta guula ku dhamaaday.

Dec 3, 2012 (QOL) Waxaa Maanta Oo Ay Taarikhdu Tahay 2december 2012 iskugu yimid kulan balaadhan oo dhanka khadka Skypke ka ah, hawlwadeenadii iyo wariyaashii Qorahay Media.
Kulankan oo ahaa midkii bilaha ee ay iskugu yimaadaan wariyaasha iyo shaqaalada Qorahay Media wuxuu ku saabsanaa qodobada kala ah:

1. Kala War qaadasho qaarad ahaan(Yurub,Australia,America,Africa)
2. Qabashada Sanadguurada Qorahay Media
3. Dhaliilo iyo Talo qaadasho.

Dhamaan Qodobadan korka ku xusan ayeey wariyaashu si fiican uga wada hadleen oo ay uga wada doodeen. Dhaliilo iyo Doodo badan kadib waxaa la isku af gartay in dadaalka kor loo qaado, 2012 dadaalkii ay hayeen wariyaashu dadaal ka xoogbadan ineey sanadka cusub la yimaadaan.

Dhaliilaha iyo Doodaha kadib waxa aad loogu farxay oo ay hawlwadeenadu iskugu bishaaraynayeen inaa Qorahay Media si fiican u socoto dhamaan hawlaha ay wadaan kuwaas oo aad loogu amaanay intii Qorahay lagu soobiiriyay Idaacad & Web in ay tahay warbaahan ay bulshadu u wada bogeen.

Dhanka kale waxaa si weyn loo soo dhaweeyay sida ay Qorahay u gaamurtay ama ay u xididaysatay ayada oo bishan bilaabatay 12 ay u dhamaanayso 13 sano arintaas oo ay howl-wadeenadu uga mahad celiyeen aas-aasayaashai Qorahay oo la qiray in ay jiilka dambe uga tagayaan warbaahin taariikhi ah oo ay bulshada dambe u aayi donaan.

Qodobka ugu muhiimsanaa oo ay hawladeenadu ka hadleen ayaa ahaa qodobkan Sanadguurada Qorahay Media oo ay kasoo wareegtay 13 sano bishan 12keeda. Munaasabadan Sanadguurada oo ah mid si weeyn loo soo abaabulayo ayaa lagu kala qaban doonaa dhamaan qaarada aduunka: Australia,Yurub,America iyo Africa.

Isku soo wada duuboo, Kulankan oo socday dhowr saacadood guul weeyn ayu kusoo dhamaaday... GUUL & GOBANIMO!

Khadra Abdi
Xooghaynta
Qorahay Media

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online