Dec 3, 2012 (QOL) Wafdi
uu hugaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka
dowlada Soomaaliya Cabdixakiim Xuseen Guuleed ayaa weerar
gaadma ah ay ku qaadeen ciidamo katirsan Al sahbaab meel
ku dhaw deegaanka Shanaambood ee gobolka Shabeelada hoose
waxaana wafdiga wasiirka kamidahaa wasiirka garsoorka Cabdulaahi
Abyan Nuur iyo xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya
ito taliyayaasha ciidamada dowladda Soomaaliya .
Weerarka ayaa waxaa xaqiijiyya gudoomiyaha gobolka Shabeelada
Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii waxa uuna sheegay
in weerar uu intabadan risaasta ay qabsatay gaariga uu lahaa
taliyaha PolisKA Shariif Hunaa Maya dhaawacna uu soo gaaray
qaar kamida ilaaladiisa.
Wafdiga uu hugaaminayo wasiirka ayaa howlo shaqo waxa uu
ku joogay gobolka xilli uu u kuurgaliyay xaaladaha dadka
deegaanka iyo waliba shaqada maamulada goobaha ay gacanta
ku hayso dowlada soomaaliya mana jiro wax war ah oo ilaa
hadda kasoo baxay wasiirka arimaha
Qorahay Media
Muqdisho, Somaliya
qorahay99@yahoo.com