Hambalyo farxad leh guurka halgame Abdirahman Siciid & Marwadiisa Fartuun Daahir Abdi.

Dec 3, 2012 (QOL) Hanbalyo Gacal iyo sokeeyo ay ku wada farxeen ayaan waxa aan leenahayay naga hanta dhamaantayo Cariiska & Caruusada Xigada & Xigata Labada aan kala dhicin ee Halgamayaasha Qaaliga ah ee nagu weyn waa Caruuska Halgame Abdiraxman Saciid & Marawadiisa Halganto Fartuun oo ku aqal galay wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan Magalada Johannesburg

Guud ahaan Jaaliyada Ogaadeenya ee Wadanka Australia ayaa si aad ah ugu hambalyayna qoyskan shacabka Ogaadeenya ku soo biiray sidoo kale lamaanahan guurkooda aad loo soo dhaweeyay laguna faraxay waxa halkan hanbalyo & Bogaadin Faraxadeed oo aan la qiyaasi karin uga diraya dhamaan shacabka Somalida Ogadenia ee wadanka Koonfur Afrika gaar ahaan Gudiga Jaaliyada Ogaadeenya JOKA, dhamaan Xubanaha Jaaliyada Koonfur Afrika ku wada nool.

Waxaa iyaguna hambalyo aad u miisaan culus qoyskan u diraya Urur weynaha Ogaden Youth and Student Union (OYSU) oo ay ugu horeeyaan Gudiga Fulinta OYSU ee Koonfur Afrika oo ay hor muud u yihiin Hoghayaha Guud ee South Africa Mudane Abdinaasir Axbaab
Abdijamaal Abdulaahi Mohamed
Bashiir Qamaan
Maxamed Yare
Abdiqaadir
Cali yare
Sidoo kale qoyskan waxaa si gaar ah ugu hambalyaynaya OYSU faraca Cape Town Mas'uuliyiinta hambalyada dudbinaysana waxaa ka mid,
Mudane Abshir Maxamed Faatule
Bashiir Badal
Asad Xirsi Abdulaahi
Abdulaahi Qabdiid (Shiine)
Abdi Baar
Maxamed Yusuf

Hambalyada qoyskan halgamayaasha ah oo aan loo kala hadhin waxaa tahiyad aan la qiyaasi karin u diraya dhamaan maamulada, hawlwadeenada & taageerayaasha OYSU Melbourne, OYSU Sydeny, OYSU Adelaied & OYSU Westren Australia oo dhaamaantood.

Sidoo kale waxaa qoyskan cusub si aad ah ugu hambalyaynaya Maamulka & dhamaan hawlwadeenada daafaha caalmka kala jooga ee Warbaahinta Qorahay Media oo si weyn ugu farxay guurka lamaanahan
Bahda Qorahay Media leeyihiin Ilaahay qoyskan ha ka dhigo kii barakooba ubad khayr qabana kala hela.

Dhamaan ehelka qaraabada & xaabta halganka Ogaadeenya oo si aad ah ugu riyaaqay guurka haboon ee Abdirahman & Fartun waxay leeyihiin Ilaahay ha idinka dhigo qoyskii liibaan aduun & mid aakhiraba hela aqalkiinuna ha noqdo mid lagu hirto oo hadh qabow hodan ahoo ay barwaaqo hoos taal.

Aamiin Aamiin Aamiin.una

Oogle yare
Qorahay Media
Cape Town Koonfur Afrika

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online