Dec 3, 2012 (QOL) Kulan
maalmihii lasoo dhaafay ay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya
ay kaga doodayeen xeer hoosaadka Baarlamaanka ayay maanta
waxa ay si qod qodon ah ay markale kaga doodeen xarunta
golaha shacabka waxaana dooda ay maanta salka ku haysay
in la ansixiyo xeer hoosaadka Baarlamaanka soomaaliya.
Gudoomiyaha
Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa xildhibaanada
ku wargaliyay in ay cutubkasta ay ka doodaan waxaana dooda
xildhibaanada ay intabadan salka ku haysa qaabka sahqada
xeerhoosaadka waxaana ugu dambayntii dood dheer kadib ay
cod loo qaaday ay ku ansixyeen cod caqlabiyad leh.
Xeer hoosaadka ayaa ah midka kuxiga dastuurka waana midka
kali ah oo tilmaamaya sahqada Baarlamaanka Soomaaliya waxa
uuna hadda fududaynaa in la soo dhiso gudiyada Baarlamaanka
Soomaaliya
Qorahay Media
Muqdisho, Somaliya
qorahay99@yahoo.com