CANBAAREEYNTA DUULIMAADKA IYO COLAADA RAJIIMKA S/LAND.

Dec 4, 2012 (QOL) Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed nabadda,midnimada iyo cadaalada codka somaalida nool,damiirka iyo dareen wadaniyadeed leh ku qanacsan caqiiqada diintooda xaniifka ah,jiriraanka iyo midnimada qiimaha iyo waayaha weyn leh oo nafta iyo maalkaba loo soo hudhay, waxaanu qormadan kooban si cad ugu qeexeeynaa ku canbaareeyneynaa Duulimaadka gardarada ah oo Rajiimka Maamulka S/Land ku qaadeeyn intii mudo ahba ku hayeen degaamadda iyo bulshadda Khaatumo State iyo Maakhir-land oo ah dhul ku caan ah nabadgelyo,xasilooni,dareen iyo damiir wadaniyadeed iyo midnimo difaacid,taariikhda somaliyeedna kaga xusan bogob ama baalal dahab ah,talaabada guracan oo garasho xumada ku saleeysan oo rajiimka Hargeeysa dhoweeyn weerarada cadaan ka ah
ugu soo qaadeen degaamaddan:-

-Degmadda Xudan,Awr-boogeeysa iyo Sarmaanyo oo intuba ka tirsan Gobolka Sool(Khaatumo State) iyo taciyadda joogtada ah oo ciidanka Meleeshiyaad beeleedka S/Land iyo raxanta yar oo shaqaalaha u ah
(Damiir-laawayaasha Horgalayaasha ah)ka geeystaan xarunta G/Sool Laascaanood(dilka,jir dilka,xoriyad ka qaadida iyo boobida hantidda Dadweynaha)ayaa intuba ah kuwo ka baxsan hab dhaqameedka Diinta
Islaamka,dhaqanka somaaliyeed iyo xeerarka caalamiga ahba,sidoo kale xiisadaha colaadeed joogtada ah degaamadda G/Cayn.

-Duulimaadka xadgudubka ah oo eey Rajiimka S/Land ku qaadeen dhowaan degaamadda Maakhir-land sida:- Dhahar,Xingalool,Badhan iyo Degmadda Taariikhiga ah ee Laasqoray ayaa tusaale cad u ah colaad
abuurida,dagaal oogida iyo sii kala fogeeynta bulshada qarniyada iyo qarniyada deris wadaaga,ehel wadaaga iyo nabad wadaaga ahaaba ee Gobol-weynaha Sanaag(Sanaag bari iyo Heyland) talaabo qorshe kale
oo dhul-balaarsi iyo isir naceeyb ku saleeysan kuna dameeyseey guul- darro,inkastoo weli xiisado colaadeed taagan yihiin.

http://www.lasanod.com/details.php?num=5377
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxaanu si cad u qireeynaa halkan ugu qeexeeynaa xaqa sharciyeed oo Khaatumo State iyo Maakhir-land u leeyihiin difaacida dhulkooda,dadkooda iyo xurmadooda sharafeedba,
kuna saxan yihiin iska caabiinta duulimaadka,weerarada iyo qorshaha cunsuriyada,naceebka iyo aragti xumada ku saleeysan ee rajiimka SNM, anagoo sidoo kale halkan canaan culeeyskeeda leh uga soo jeedineeyna Hogaanka Sarre Dowlada Federaalka Somalia gaar ahaan(Madaxweynaha, Gudoonka Barlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada)iyo xubnaha Barlamaanka oo asal ahaan ka soo jeedad degaamadaas oo ka aamusay duulaanka iyo colaada rajiimkaasu wado taasoo micnaheedu yahay ka
raali noqosho cad(ku taageerid).


Sidoo kale waxaan canbaareeyn culeeyskeeda u soo jeedineeynaa cida qortay ama qabta aragtida xanuunka,naceeybka,cunsuriyada,cuqdadda iyo Isir naceebka ku saleeysan kuna qoran warqadda lifaaqan la socota kuna hadleeysan codka,aragti,rabitaanka iyo hadafka koowaad ee SNM-ta hadana ah kuwa taladda rajiimka S/Land haya,waana arrin ayaan darro weyn iyo naxdiinteedaba leh,runtiina marka si dhabta loo eego sidda arrimuhu u dhacaayaan iyo hab dhaqameedka rajiimkaas lifaaqaasu waa saldhiga siyaasadooda iyo fikirka dhabta oo eey aaminsan yihiin,waana sirtii qarsooneyd oo banaanka timmi-nasiib wanaag.

-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo Cadaaladda.
Dec-03-2012.

 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online