Dec 4, 2012 (QOL) Wararka
naga soo gaarayo Gudaha Ogadenia gaar ahaan Magalada Jigjiga
ayaa waxa shegayaan in Muwaadin Reer Ogadenia in badan ku
xirnaa Jeelka uu gumaysiga ku gumaado Shacabaka Somalida
Ogadenia ee uu ula baxay Jeel Ogadenia.
Marxuun
kan oo magaciisa yahay MAXAMED CABDI XAYI (SANJAB) Allaha
ha u naxaristee marxuunka ayaa waxa si arxan dara ah u dilay
Horjoogayasha gumaysiga ee xabsiga Jeel Ogaden ka shaqeeyo
kuwaas oo sida ay ugu tumanayeen Afka dhiiga ka kenay sadacad
kadibna Nafta ay ka baxday , Marxuunkan ayaa waxa uu ku
dhashay Magalada Garbo waxa uuna ahaan jiray Marxuunka nin
iska ganacsada ah kuna noolaan jiray inta aan la soo qaban
Magalada Hargayso kadib gudaha Ogadenia markuu soo galayna
Lagu eedeeyay in uu Jabhada onlf uu ka tirsana kadibna Jeel
ogaden ay u taxaabeen gumaysi kal kaalka kadiban xabsiga
ay dhigeen sanadkii 2011 itaas na uu xabsiga ku jiray, Marxuunkan
iyo Marxuuma badan ayaa jeel ogaden lagu jir dilaa halkaas
oo noqotay Kawaankii Shacabka Somalida Ogadenia aan wax
galab san kolba mid lagu dili sidii xoolihii ,Gumaysiga
Ethiopia iyo shaqaalihiisa u adeega ayaa caada u ah in shacabka
maskininta ah ee iska xoog sado in ay guryahooda ka soo
qab qabtaan kadibna sida ay rabaan ka yelaan ,isku so wada
duuboo waxa an leenahay marxuunka allaha ha u naxariisto
janadii fardowsana allaha ha ka waraabiyo Qoyski iyo Qarabadii
uu ka geeriyoodayan samir iyo iimaan allah aha ka siiyo
aamiin aamiin aamiin.
Marxuum Mohamed Abdi Xayi (Sanjab) ayaa shalay
subicii maydkiisa loo qaaday magaalada Dhagaxbuur halkaas
oo lagu aasay.
Ma aha markii ugu horeeyay ee ay Ciidamada
Gumaysiga Itoobiya falalka waxashnimada ah kula kacaan dadka
shacabka arinta oo ay caadi ka dhigteen in ay gumadaan dadka
rayidka ee aan waxba gakabsanin.
Qorahay Media
Jigjiga
Ogadenia
qorahay99@yahoo.com