Dec 4, 2012 (QOL) Ciyaartooda
xulka qaranka soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo laabtay
magaalada mqudisho kadib markii ay ka qaybgaleen ciyaaraha
bariga iyo bartamaha Africa oo lagu qabtay dalka
Uganda
ee caasimadiisa Kampala waxaana ciyaartoyda soomaalida ay
halkaaso kala soo kulmeen guuldaro xoogan oo is xig xigay.
Goolasha laga dhaliyay xulka soomaaliya ayaa gaaraya ilaa
13 gool halka xulka soomaaliya ay dhaliyeen 1 gool oo kaliya
sedexda ciyaar oo ay lakala ciyaareen Burundi Tanzania iyo
waliba Suudaan waana guuldardii ugu waynd ee ay lasoo laabtaan
xulka soomaaliya.
Dadka falaanqeeya ciyaaraha ayaa eedayn dussha kaga tuuraya
xariirka soomaaliya oo intabadan aan ciyaaraha caalamiga
ah aan dirin dad guulo ka soo haynkara arimahaasi.
Qorahay Media
Muqdisho, Somalia
qorahay99@yahoo.com