Waxaan jeclahay marka hore inaan hambalyo
iyo bogaadin halkan uga soo gudbiyo dhamaan Xaq udirirka
Reer Ogaadeeniya- Ciidanka JWXO iyo madaxdooda, Odayaasha
iyo Marwooyinka, Aqoonyahanka, Abwaanadda, DHalinyarada
iyo waliba bulshada qaybaheeda kala duwan ee kale, siday
ugu dhabar adaygeen geedi socodka halganka xaqa ah, hana
ku bishaareystaan inay guusha gaadhi doonaan idamka alle.
Hadaan dulmaro dhibka loo geystay shacabka masaakiinta ah
waa wax aan lasoo koobi karin xataa hadii Suxufiyiinta caalamku
isugu tagaan inay wax kaqoraan. Waxuu halmar cadowgu u kulmiyay
dil, xidhay,boob iyo cunaqabatayn ku habsatay oo sababtay
gaajo, kadibna ay dadku Qaadhaan sida geedka markey biyo
la,aan kudhacdo u Qaadho, dabadeedna layidhaaho ( geedkii
wuu qaadhay oo macnaheedu yahay- mana dhiman mana noola
). Waxaa gabi ahaamba meesha kabaxay midabkii ciidda u ekaa
ee asalka loo lahaa ileen waad ogtihiin oo dadku waxay kasoo
jeedeen reer Qureesh.
Dad badan waxay aamin,sanyihiin ITOBIYA waa dowlad weyn
oo xoog badan weyna adag tahay in laga guulaysto. Saaxiibayaal
hadii la doono in bani,aadmiga wax laga dhaadhiciyo waxuu
u baahanyahay tusaaleyaal cad,cad oo u sahla inuu wax fahmo.
Waxaa jira noole loo yaqaano Dhuug, Geela
ayuu ganaa ( qaniinaa). Boqol halaad iyo baarqabkooda ayuu
geed hoostii ku aruuriyaa. Waxaa jira oo kale noole loo
yaqaano Kud,Kude- waa noole aan lahayn xarakaad iyo socod
lasheegi karo, haseyeeshee wixii geedkiisa ugu yimaadda
wuu ka adagyahay.
Waxaa jira oo kale noole loo yaqaano Aboor. Waxuu ku caambaxay
dhismaha SARTA loo yaqaano Dun,Dumo oo hadii Gantaal lagu
dhufto uuna gaadhsiin karin dhaawac lasheegi karo. Caruurtu
waxay ku sheekaysan,jireen Aboorka waxaa ladhisa Dun,dumada
Jinka habeenkii. Hada waxaanu rumaysanahay inuu ku dhiso
raganimadiisa iyo isgoo isku tashadey oo adeegsadey candhuuftiisa
iyo kaadidiisa. Haba yaraatee muuna wax caawimaad ah kahelin
UNka ama cid kale midna.
Waxaan ku dhiirri,galinayaa dhamaan bulshada aan kor kusoo
xusay inay Ilaahay ku kalsoonaadaan. Waxaan aragnaa waagi
baryaba iuu la imaanayo maamul uuna cidna kala tashaneyn
haduu dili, haduu nooleyn, haduu cisayn ama dullayn.
Gabagabadii waxaan leeyahay - Midnimo, Mintid, Iskutashi
iyo Ninkii dhoof ku yimidbay geeridu dhibaysaa.
Xaaji Maxamed Aw Macalim
geele55@hotmail.com