Dec 5, 2012 (QOL) Waxaa
maanta dhaawac loo gaystay Taliyaha Ciidanka Taraafikada
ah ee Soomaaliya Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) xili uu rabay
inuu Isbaaro kaqaado Isgoyska KM4 ee Magaalada
Muqdisho,
illaa iyo hada si cad looma garanayo sababta keentay dhaawaca
Taliyaha maadaama aysan jirin wax weerar ah oo lagu soo
qaaday Taliyaha, hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya
in Taliye Cali Gaab uu ku dhaawacmay xabad ku fakatay (qaraxday).
Dhaawaca taliyaha ayaa lasheegayaa in loola cararay Xarun
Caafimaad oo lagu magacaabo Daaru-shifa halkaas oo lagu
dabiibayo Caafimaadkiisa, waxaana la filayaa inay Masuuliyiinta
Soomaaliya ka warbixin doonaan waxa sababay dhaawaca maanta
soo gaadhay Madaxa Ciidanka Taraafikada Soomaaliyeed iyo
waliba sida ay xaaladiisa Caafimaad tahay.
Isku soo wada uruuriyoo dadka aqoonta u leh Taliye Cali
Gaab ayaa ku sheega nin aad hawlkar u ah isla markaasna
marwalba jecel inuu wax badan kaqabto Shaqada u taala Ciidanka
Taraafikada loo yaqaano, taas oo uu maanta ku dhaawacmay
isagoo ku hawlaan.
Waxii kasoo kordha xaalada Taliyahaas dib ayaan kasoo gudbin
doonaa hadii alle idmo.
Noor Mohamed
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com