Taxaleex Hooyga Karaamada & Milgo Gobeedka Taariikh ayay ku leedahay Umadda Soomaaliyeed.

Dec 5, 2012 (QOL) Mahad oo dhan Allah ayeey sugnaatay-Naxariis iyo nabadgelyo Suubane Rasuulkeena Muxamed CSW korkiisa,karaamadda iyo milgo gobeedka ayaa ah astaama somaalida hibo loo siiyeey, Daraawiishtii halyeey-Sayid Maxamed tiirarka asaasigga ah ee halgankii xoriyada iyo gobanimo doonka,Taleexna xarunta 1-aad iyo hooyga guni-mo diidka somaaliyeed(lama illaawan iyo asal
ma guuraan ah Taleex).

http://youtu.be/x7T50HfdIXM http://youtu.be/UqgHN8J-Qa0 Taariikhdu waa maalmo taxane ah oo mid walbaa waayaheeda iyo dhacdaeeda leedahay xusuus ahamiyadeeda leh ku fadhidda 4-dec 2012 maalinta qiimo gaar ahaaneed u leh degmadda Taleex xarunta Maamulka Khaatumo State waxaa si nabadgelyo ah Allah mahadi ah u soo cago dhigatay diyaaradii ugu horeeysay oo nasiibka u yeelatay ku soo degida garoonka cusub ee Halyeey-Sayid Max'd C/Dule Xasan oo dhismihiisii iyo diyaariintiisaba intii badneyd gacanta laga qaaday, waa adagtahay ka faaloodka ama sawir ka bixin munaasabadaas gaarka ah (Waji farxadiisa leh,guushiisa leh,gobanimadiisa leh,horumarkiisa iyo tallo wanaagiisaba leh)(Alloow,Raxmaankoow naga aqbal mahad celinta,Garoonkuna mid camal kheyrka iyo wanaaga u adeega)Inshaa Allah.
http://youtu.be/qBgbN3_XD-Y

http://youtu.be/scPzOgj5Bwc Howl biloowga garoonka Sayid Maxamed ee Taleex waa guul ahamiyad
weyn leh tallaabo wadada toosan loo qaaday,hanaan aayo wanaagiisa iyo habsamidiisaba leh kana turjumaaya ama si cad uu qeexay iftiinka iyo ahamiyada jiritaanka Maamulka Khaatumo State,furitaanka garoonka waa tallaabo kaalin weyn ka ciyaari doonta hadii Allah idmo-adeegyada Bulshadda,Kocbinta Dhaqaalaha iyo muural dhiska guud ahaanba dadka reer Khaatumo iyo bulshadda degaamada eey deris wadaaga yihiin,waa guul waqtigii ku haboona ku soo aadeey,midka damiirka lihi dareemaayo
farxad awgeed dhinac u dhacaayo,damiir-laawe naxdiin iyo murugo lool.


Marka hore Raxmaanka ayaa mahad weyn leh,amaan,bogaadiin iyo mahad celinba howlwadeena garoonkaas dhisay,Hogaanka Sare Khaatumo State, Bulsho-weynta degmadda Taleex,qurba jooga khaatumo iyo guud ahaanba Qoomiyadda karaamadda iyo milgo gobeedka leh reer khaatumo,waxaan
halkan baaqo ahamiyadiisa leh uga soo gudbinaaya Jaaliyada Khaatumo Qaaradan Yurub,W/Mareeykan,Austaraaliya,Newzland,Dunida Carbeed, Barigga Afrika,Bartamaha Afrika,K/Afrika iyo Asiyada Fogba in eey sidda ku haboon gacan uga geeystaan dhameeystirka howlaha garoonkaas oo
gurmad deg deg ah la qaado,isla markaana garoonka Buuhoodle oo meel wanaagsan maraaya la dhameeystiro,farxadu yeey noqon mid laab la kac ah balse ha ahaato mid run ku saleeysan,garasho wacan ka duuleeyso oo danta guud u adeegeeysa,iyadoo laga duulaayo dhibkii,rafaadkii,dayacii iyo arimihii gunimadooda leh oo garoomada qaarkood lagala kulmaayeey iyo dhulkii fogaanta badnaa oo laga soo wareegaayeey-Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood leh,Waabaa beryeey,xaqii baa dilaacay,karaamadii soo
noqotay,gunimadii iyo duli-nimadii ayaa suusheey-nacam weey suusheey.

Nin Lagu Seexdoow ha Seexan-
-Qorre-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Dec-05-2012.


 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online