Dec 5, 2012 (QOL) Madaxweynaha
Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhigiisa
Turkiga Abdallah Gul, iyadoo kulankan ayaa ahaa mid labada
dhinac ay kaga wada hadlayeen arimaha labada dowladood waxaana
ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid ah is bedelada
iyo horumarada ka jira Soomaaliya iyo siiwadi taageerada
Turkiga uu siinayo xilligan si looga gudbo xaaladaha adage
e jira.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray qasriga Madaxtooyada
ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada qalabka
sida, iyadoo halkaas uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga
Abdallah Gul waxa uuna mahad balaaran u jeediyay shacabka
dalka Turkiga oo uu sheegay dahqaalaha laga soo qaado in
lagu taageero shacabka Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah uga hadlay siyaasada
iyo ammaanka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay
Turkiga taageerada hagar la'aaneed ee ay la garab taagan
yihiin shacabka Soomaaliyed. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa
muddo laba maalmood ah joogi doono dalka Turkiga waxa uuna
kulama laqaadan doona ra”iisulwasaaraha Turkiga Ordigan.
Qorahay Media
Muqdisho, Somaliya
qorahay99@yahoo.com