Dec 5, 2012 (QOL) Shir
ay albaabada u xernaayeen oo uu kaqaybgalay gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya ahna kusimaha madaxwaynaha Soomaaliya
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ra”iisulwasaaraha
Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kadhacay xarunta aqalka
madaxtooyada Soomaaliya waxaana xooga lagu saaray arimaha
amaanka iyo heegan inlageliyo ciidamada dowlada soomaaliya
si ay u gutaan howlaha xaqiijinta amaanak Muqdisho.
Ra”iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddo
ay xilligan heegan buuxa ugu jirto sidii amaanka gacanta
loogu qabanlahaa waxa uuna sheegay in shirkasta oo ay qaataan
golaha wasiirada ay ugu horeeso amaanka waxaana kulanka
intabadan diiradda lagu saaray amaanka iyo sida ciidamada
Poliska iyo Nabdsugidda ay u wajhe lahaayeen amaanka dalka
xilligan gaar ahaan mararka qaar waxa dhacaya uyadoo
habeenkii xalay magaalada gudaheeda laga maqlay madaafiic
shirkan albaabada u xernaana lagu soo hadalqaaday.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxwaynaha Pro
Maxamed Sheekh Cismaan ayaa sheegay in xilligan dadka ay
isha ku hayaan sida loola tacaamulo amaanka waxa uuna sheegay
in bulshadan ay doonayaan amaan in helaan taasina looga
fadhiyo dowlada Soomaaliya “Waxa aan nahay guud ahaan
dadka lawakiishay sidaasi darteed anaga ayaa ah kuwa laga
rano in ay jawaabaan marka ay wax dhacaan” sidaasi
waxaa yiri Jawaari
Madaxda dalka ayaa maalmihii also dhaafay waxa ay ku cel
celinayeen baahida loo qabo amaanka waxaana magaalada ka
socday olole laxariira soo celinta amaanka
Qorahay Media
Muqdisho, Somaliya
qorahay99@yahoo.com