Ogaysiis Muhim ah Jaaliyadda Ogaadeenya ee K/Afrika.

Waxaa la ogaysiinhaya dhaammaan xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya dalka K/Afrika gaar ahaan xarunta JOKA ee Port Elizbeth iyo nawaa xigeed in uu jiro shir aad u heer sareeya oo kadhici doona magaalada PE xaafadda Uitenhage.

Shirka waxaa marti innoogu ah Hoggaanka Abaabulka iyo Arrimaha Bulashada ee JWXO halgame , Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane) shirka waxaa diirada lagu saari doonaa qodobo door ah.

Waxaa xusid mudan in xubnu ay qaadan doonaan siminaar sare loogu qaadayo tayadooda iyo hababka loola falgalo cadawga, Waxaan meesha ka maqnayn Suugaan halgameedii oo diyaar idiin yahay abwaanka can ka ah ee KHADAR COLAAD oo curiyay gabayo iyo maansooyin cusub.

Shirku wuxuu kadhacayaa Centeral Uitenhage Mouthhall , Shoprite ka gadaashiisa.

Date 07/12/2012 Maalinta Jumca ah
Time 10:00 Am Subaxnimo
Ka soo qaybgal wanaagsan

Xafiiska Jaliyadda Somalida Ogadenia ee Konfur Africa.


 

   
 
   Expedia
Contact: qorahay99@yahoo.com
Copyright 1999 - 2012, All rights reserved. Qorahay Online