Dec 6, 2012 (QOL) Waxaa
magaalada Nairobi Gaar ahaan xaafada Islii Caawa ka dhacay
qarax ay ku dhaawacantahy 8 ruux kuwaas oo uuu ku jiro cunug
yar iyo hooyadii, wuxuuna qaraxani ka dhacay goob caafimaad
oo kamid ah xaafaada Islii ee ay dadka Somaaliyeed ku badan
tahay.
Ciidamada Booliska ayaa daqiiqado kadib isku gadaamey goobtii
uu qaruxu ka dhacay, balse goobjooge ku sugnaa meesha qaruxu
ka dhacay ayaa sheegey in qaraxan uu ka dhacay goob lagu
iibiyo Gas ka.
Tababaraha Booliska Nairobi Moses Ombati oo saxaafada lahadalay
ayaa cadeyay in qarax kadhacay Nairobi ay ku dhaawacmeen
8ruux mid kamid ahna dhaawac hali ah soogadhay halka 7kale
dhaawacooduu Sahlan yahay.
Qaraxayada ka dhacaya xaafada Islii ayaa baryahan danbe
soo badan haya bishii la soo dhaafay ayay aheed markii Qarax
lala beegsadey baa-buur Bas ah ay ku dhinteen 9ruux tiro
in taasi kabadana ku hwaawacantay.
Qorahay Media
Nairobi, Kenya
qorahay99@yahoo.com