Dec 6, 2012 (QOL)
Warar naga soo gaadhay Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya Ahmed
Sheikh oo kamid ah adeegayaasha gumaysiga Itoobiya ee dhibaataynta
shacabka Ogaadeenya loo wakiishay in guri uu Addis Ababa
ka habeen hore lagu weeraray.
Ahmed
Sheikh ayay in mudo ah Abdi Iley (UBO) isku dhacsanaayeen
wuxuuna dibada ka joogay guud ahaan Siyaasada Itoobiya loogu
adeegayo, bishii la soo dhaafay ayuu Ahmed Sheikh gudaha
Addis Ababa ku laabtay kana ambabaxay Nairobi oo uu mudo
ku sugnaa kadib markii ay qaar Saraakiisha Gumaysiga ka
ka tirsani ku wargaliyeen in Abdi UBO xilka laga qaadayo
isagana loo magacaabayo.
Ahmed Sheikh ayay u suura gali weyday in uu
Magaalada Adiss Ababa uga gudbo Ogaadeenya cabsi uu ka qabo
in uu Abdi UBO xabsiga u taxaabo darteed waxaana la sheegayaa
in uu ku dhuumaleysanayay xarunta gumaysiga ee Magalada
Addis Ababa.
Hadaba sida ay wararku nagu soo gaadhayaan
habeen hore ayaa Ahmed Sheikh gurigii uu Addis-Ababa ka
daganaa la weerar waxaana la tuhun sanyahay in uu weerarkaas
Abdi UBO qorsheeyay, wararku waxay intaas ku darayaan xiliga
weerarkaasu dhacayay in uu Ahmed Sheikh ka maqna.
Sida ay ilo xog ogaal ah Qorahay Media u sheegeen
ciidamdii falkaas fuliyay waxay dhibaatooyin kala duwan
u gaysteen xaaskii Ahmed Sheikh & labo wiil oo la sheegay
in ay isaga & xaaaskiisa lakala dhasheen, ciidankii
weerarkan qaaday waxay halkaas ka afduubeen labadii wiil
halka ay gabdhiina iyadoo jidh dilan ka tageen.
Dhanka
kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Ibraahim Dheere
Saraakiisha Tigreegu u magacaabeen lataliyaha Abdi UBO,
Ibrahim Dheere oo aysan mudooyinkii dambe isaga & Abdi
UBO waxaba u kala madhnayn kana soo muuqday shaashadaha
la iska arko ayay Tigreegu aad ugu amaaneen ka qayb qaadashadii
& abaabulkii xooganaa ee uu ka galay kulan ceebeedkii
Miyor-Daboool ee bulshada Soomaalida Ogaadeenya
qaybaheeda kala duwan lagu bahdilay sida weyna loogu dhaawacay
sharafta umada muslimiinta ah ee lagu yaqaano dhaqanka,
asluubta & diinta Islaamka ee muqadaska ah.
Dad ka agdhaw Abdi UBO ayaa laga soo xigtay
in dhoolo cadayntii Ibrahim Dheere ee laga arkayay maadshii
kulankii Miyor-Daboool ka dhacayay ay saraakiisha
gumaysigu aad ula dheceen taasina ay keentay in ay xoogaysato
kalsoonidii aan lugaha adag ku taagnayn ee ay Ibrahim Dheere
ku qabeen sidaas darteed ayaa la sheeagyaa in lagu maamuusay
in uu noqdo la taliyaha Abdi UBO madaama la hubiyay in uusan
damiir ku dhaamin uuna ka qayb qaadan karo falalka wax dhimaalka
weyn umada Soomaalida Ogaadeenya ku ah.
Wararkaas & guud ahaan arimaha kala duwan
ee Ogaadeenya khuseeya wixii ka soo kordha dib ayaan ka
soo gudbin doonaa Insha Allaah.
Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com